Dastuurka Maamulka Puntland iyo Dastuurka Qabyo Qoraalka Waa Qayaano Qaran!

Dr. Ali. A. Hirabe - Akhristow ma Aqrisay Dastuurka Maamulka Puntland lagu asnixiyay mise ogtahay in Dastuurkaa uu yahay mid qayaano Qaran ku ah Midnimada Umada Soomaali?
Faallo Keydmedia Online
Dastuurka Maamulka Puntland iyo Dastuurka Qabyo Qoraalka Waa Qayaano Qaran!

 

Haddii aan dib u milicsano Dastuurka Puntland waxaa u qorayaa in Puntland tahay dowlad madaxbanaan sida ku cad Dastuurka,haddii aan soo qaadano qodobo faro badan wax aad arkeeysaa sida wax loo qoray in aay tahay teeyda anaa leh taadana kula lehi.

Kheeyraadka dabiiciga qodobka 53 aad waxaa lagu sheegay:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. (Puntland Somali ayaa leh khayraadkeedana  Somali ayaa leh.)

2. "Dawladda" Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga Khayraadkeeda dabiiciga ah. (Dowlada dhexe awoodeeda in Gobol sheegtaa waa qalad.)

3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta Shirkado waddani iyo Ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.(Teeyda anaa leh taadana kula lehi sow maaha?)

4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.

5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Maamulka Puntland waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.

Qodobada qaar waa kuwa laga naxo sida: Qodobka 1-aad: Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.(Micnaha Dowlad goboleed maaha ee waa Dowlad?)

Dadka dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland. (ma Qabiil baa jinsiyada maxeey tahay sow Somali maaha ma Ethiopian baa??)

2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland.

Waxaa ugu darnaa uguna foosha xumaa iswaafijinta dastuurka Puntland iyo dastuurka Federaalka ee Somaliya sida aay u dhigeen,haddii aad aqriso waa wax umada aay ku ah ceeb iyo xishood dari iyo jahli aad ugu fog,waxaa ku qornaa sidaan

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno sharci iyo

Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan dastuurka puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka. 2.Inta lagu dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan

Barnaamijka cusub ee uu wato C/weli waa mid laga dhaxlay C/aahi Yusuf oo aanan biyo lagu dhaqin,waxaa umada aay la yaaban tahay hab-dhaqanka r/wasaare C/weli oo aad mararka qaar is leedahay sow ninka ma xishooda miyaa ??? haddii uusan waaleeyn waa xishoon lahaa ,dib u aqri maqaalka magaciisu yahay Proff C/weli maxaa u wehliya aqoontiisa 1,2,3,

Waxaas oo idil waxaa maleegay Mahiga.Faroole  iyo C/weli oo u adeegaya danaha Puntland, geeridii C/aahi waxaa aay dhashay in siyaasad cusub uu abuuro C/weli kuna hoydo Gaalkacayo si uu u mideeyo Gaagaab,Faroole iyo Cabdillaahi Siciid Samatar oo ahaa ragii isku haysaty dhaqangelinta dastuurka Puntland iyo xiliga kala guurka Puntland.

Waxaa xaqiiq ah in C/weli bixiyay 20 Malyan oo Dollar si loo xaliya siyaasada Puntland laguna midoobo ujeedada danaha fog ee C/weli ka leeyahay dib u dhiska Puntland,Gaagaab maxaa aamusiyay ???

Waxaad mooda in dhana uu ugu ololeeynayo dastuurka qabyo Qoraalka si loo asixiyo dhanka kalena Puntland uu u diray wasiiro Dowlada Federaalka ka mid ah si loo soo ansaxiyo,odoyada Puntland oo dhawaan iman doona Muqdisho waxaa aay wadaan olole ah in  loo  codeeyo dastuurka qabyo qoraalka halka umada inteeda kale aayan ka warqabin danaha fog ee Puntland ka leedahay u codeeynta dastuurka qabyo Qoraalka.

Somaliland iyo Puntland dastuur ayeey leeyihiin umada inteeda kale maxaa u diiday dastuur u gaar ah maxaase loogu qasbaayaa in aay ansixiyaan dastuurka qabyo Qoraalka ah???  Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif waa  amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa uu ka fogaaday cadaalada umada Somali waxaana uu hog dheer ku riday rajadii dib u soo celinta Qarankii Somali.

Sh.Shariif in uu Garoowe ka doonto taageero siyaasadeed kulana heshiiyo siyaasad Somalida inteeda kale ku ah cadaalo daro iyo sadbuuri waxaan ku tilmaani karaa Hagarsi,waxaa hubaal ah in shariif uusan aqrin dastuurka Puntland iyo midka qabyo Qoraalka ah, Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. 

Alow sahal umuuraha

Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com


Mas




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.