Dawlad-waa la dhisikaraa ee Dhaqan lumay See lagu dhisaa? - (Qaran Dhaqanguur…)

Prof. Mohamoud Iman Adan (Keydmedia) Virginia, USA - Hiddaha iyo dhaqanka suubban oo bulshadu wadaagto ayaa kamid tiirarka qaranimadu ku taagan tahay, Soomaaliduna isku dugsato.
Faallo Keydmedia Online
Dawlad-waa la dhisikaraa ee Dhaqan lumay See lagu dhisaa? - (Qaran Dhaqanguur…)

Xeerka ummaddu ku dhaqaanto, sida: Is-afgaradka, qiimaynta, qaddarinta, himilada bulshada, meheradda dadka, anshaxa, cibaadaysiga diinta iwm. waxay kamid yihiin astaamaha liitira qaranimada Soomaalidu wadaagto.

Qodatada iyo xoolaleydu xeer-hoosaadyo ay ku dhaqmaan oo kan guud ka duwan bay leeyihiin. Geel jirtu xeer-hoosaad ay ku dhaqanto ayay leeyihiin.

Keydmedia waxay idin Xasuusineysaa: Inta taariikhda lagu xuso oo kasoo bilaabata booqashadii Hatshepsut oo ka midka ahayd boqorradii Fraaciinta Masar oo Soomaalida ganacsiga ugu timid kumanyaal qarni kahor dhalashadii Nabi Ciise…. Ummaddanu waxay ahayd qaran jira oo dimuqraadinimo ku adeegata oo ku nool Geeska Afrika.

Dal-ballaarsigii boqortooyinkii Xabashida, Soomaalidu dagaallo ba’an oo muddo dheer socday bay cadawgeeda la gashay, wayna ku guulaysan jirtey. Laga soo bilaabo inta u dhexaysa qarnigii 18nad ilaa kii 20aad, mustacmar badan oo reer yurub ah baa holliyey inay dalka ku qabsadaan awood ciidan iyo fidin diin masiixi, labadiina way ku fashileen.

Faragelinta mustacmarku ku guulaystey waxay ahayd markuu cudud Soomaaliyeed adeegsaday oo iyagii isku jabiyey.

Dhaqankii iyo hiddihii Soomaalida gaashaanka u ahaan jirey waxbaa iska beddeley waayihii ay socoddeen halgankii mustacmar-diidka oo uu homuudka ka ahaa halyeygii Sayid Maxamad Cabdulle Xasan, wuxuuna ka tiriyey gabay caan ah oo halku-dhaggiisu yahay: Waa Duni.

Gabaygaas wuxuu Sayidku ku cabbiray Dhalan-rogga ku dhacay dhaqankii iyo hiddihii suubanaa oo Soomaalidu xurmayn jirtey. Dhawr bayd baanu kasoo xiganaynaa, wuxuuna yiri:

                                           
Waa duni samaan aaxkhiroo sama la diidaaye… (wax walba waa is-beddeleen oo waa samaan aakhir)

Wa Duni safkii la baxee gaal la saacidoye…(shisheeye gacansaar lala yeeshay)

Waa Duni sir iyo tuugo iyo saanji loo kicine…(waa xaaladda siyaasi isku-sheegu dalka ku hayo)

Waa Duni sokeeye iyo xidid kala sawaaleene… (waa burburka iyo barakaca bulshada kala geeyey)

Waa Duni ninkaad boqol sidka ah siira uga yeesho…(aamindarrada dhacday)

Waa Duni inuu ku sallimo laga sugaalayne…(Balalanfuryada hadda jirta)

Waa Duni subeyhiintu tahay saadad oo kaleye…(waa af-Hindi, waana ninka jaajuuska ah)

Waa Duni subaydarradii laga salaamaaye… (waa af-Hindi waana askariga aan alifna lahayn)

Waa Duni sumbulaheeda dhici lala sureeraaye… (Dabayla xoogga badan oo wax walba burburiya)

Allahayow subxaan-qaadirow naga salaamayso…  

Qarni kama yara marka Sayid Maxamad uu arkay dhaliilaha ku yimid dhaqankii iyo hiddahii na asturi jirey, haddana boqolkiiba sagaashan iyo sagaal baanu maanta laga fiicnayn.

Intii gobanima-doonka lagu jirey waxaa jirey in yar oo ku lifaaqan sandureerto mustacmarka u daadsho, hase yeeshee looma dhutin jirin oo waxaa sii xoogaabay hiddihii iyo dhaqankii tiirdhexaad u noqday halganka gobanimadoonka iyo baadigoobka Midnimo Soomaaliyeed.

Marka ummadaha xornimada usoo halgamay loo eego, halgankaas dheer Soomaaliya ayay caaradka ka gashay. Darbiyada ugu adag oo mustacmirku noo soo mariwaayey waxaa ugu weynaa: Dhaqanka, hiddaha, is-afgaradka iyo isu-diirnaxa Soomaalinimadu ku dheehan tahay.

Geel la kala dhaco waa lagu dagaallami jirey. Gabay deelqaaf leh waa lagu dagaallami jirey. Gabar la dhaleeceeyo ama la faraxumeeyo waa lagu daagaallami jirey. Haddana waa laga heshiin jirey oo waa laga xididi jirey. Haddana ma jiri jirin cadawnimo gaamurta oo lafaha gaarta oo bulshada kala fogaysa.

Sidoo kale, cadawga dalka soo weerara waa laga safan jirey, kii ku dhintana waa la ammaani jirey. Maanta cadawga waa lala safan yahay oo waa laysku ammaanaa.

In qoysna dhargo dariskiisna macaluul u dhinto waa laysku takoori jirey. Maanta taas waa la caadaystey. Nin walba dalka wuxuu degi jirey meesha uu doono, udubkana laguma riixi jirin. Maanta siyaasi baa dadkii kala qoqobay oo waxaan bahdiisa ahayn geeska ayuu ku fogeeyey.

Cadawga ummadda xogta waa laga qarsan jirey, hiil iyo hoona lalama yeelan jirin. Maanta cadaw soo jireen ah baa jaal laga dhigtay, kii kula dhashayna waa layska dheereeyey. Siyaasiintu isuma baahna oo haddii la midoobo in badan baa jagadoodii waayi karta, waxase isu bulshada wada dhalatay oo wiil iyo abtigiis isku ah.

Lama huraan waa cawska jiilaal, waa maah-maah fac weyn. Soomalinimadu cid walba ayay dan u tahay, waxay tarto mooyee dhib kale ma keento.

Midnimadu waa seeto oo waxay tarto mooyee dhib ma keeto haddaan lagu xad-gudbin. Hala fanido oo dood ha laga yeesho waxtarka iyo wax dhibaalka ay la iman karaan midnimo iyo Soomaalinimo oo dhinac ah iyo laka qoqob iyo kala qaybsanaan oo dhinaca kale ah.

Su




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.