Dawlad Dadkeeda Dilaysa Ma Dawlad Baa?

Ayuub A. Aden | Sana’a, (Keydmedia) - Waa dhacdo horleh oo aan Dunida weli ka dhicin in dad rayad ah oo nolol-maalmeedka la harjadaya la Xasuuqo iyadoo la adeegsanayo Ciidankii iyo Qalabkii Dawladda! Waxaa taas kasii daran in Qoriga lagu laynayo uu yahay mid riddo culus oo dhaawaca dhibibtira…?
Faallo Keydmedia Online
Dawlad Dadkeeda Dilaysa Ma Dawlad Baa?

Dad lab-la-kac Qabiilnimo ku adeeganaya ama dan gaar ahaaneed ku duugan tahay baa yiraahda DKMG waa dawlad cagabaruur ah oo dhaqaale la’aan u curyaantay. Runtuse waxay tahay inaan waxa lagu magacaabi karo ayna dalka ka jirin, haybaddii dawsladnimo iyo xilkasnimadii Madax dawladeed lagu aqoon jirey meesha ka maqan tahay…! Sidaas darteedna, DKMG laguma masali karo inay tahay dawlad-u-yaal lagu meel gaaro.

Dawladnimadu kuma salaysna xukun qabyo ah oo ay ku adeegsato koox danayste ah oo ku fadhida kursigii dawladnimo iyagoon haysan codka iyo rabitaanka shacaabka. Dawladnimadu ma ahan mardadamaanimo boqnaha lays jarayo si kursiga aan looga degin. Daladnimadu ma ahan waxaan rabo ayaa soconaya, markaan rabo ayayna fulinayaa.

Dawladnimadu ma ahan xoolo baadi ah oo nin walba summadda geeliisha ku dhigta. Ma ahan wax beeshaadu leedahay oo aad hormuud ka tahay. Ma ahan wax shakhi gaar ah marti loogu yahay ee waa karaamo qof walba uu huwan yahay. Madaxnimo dawladeed laguma noqdo asba waa noqdaye anna waa markayga ee waa mid caleema-saarkeeda loo wada dhan yahay.

Ciddii ay ka dahsoon tahay, ha ogaato in haybadda madax dawladeed ay ku salaysan tahay codka iyo rabitaanka ummadda. Yaan laysku khaldin karaamada dawladnimo leedahay iyo cidda loo adeegsado fulinta arrimaheeda.

Marka laga rogo calanka beenta ah oo ay huwan yihiin inta sheeganaysa madaxnimada DKMG, waxaad arkaysaa koox tiro yar oo daabka haysta middiyo dhaadheer oo qalanaya sharaftii iyo karaamadii dawladnimo…! Waxaa taas kasii daran inayna jirin kuwo caafimaad-qaba oo ka daqnanaya xadgudubka lagu hayo dhaqankii iyo habmaamuuskii soo jireenka ahaa oo dawladnimo lahayd, sidaas darteedna ku lumiyey kalsoonidii bulshada…!

Dhab ahaanta, cidda manta hoggaaminaysa dawladnimada waa koox dantooda muquunsata oo ku sugan dhawr gole-hoog ay kamid ah:

Golaha cadaawadda bulshada laga beero...! Golaha fitnoabuurka ku xeel-dheer...! Golaha xatooyada hantida qaranka u faradhuuban…! Golaha maleega isku dirka iyo isku-dhaca beelaha…! Golaha dabar-goynta nabadda ku shaqo leh…! Golaha ku hawlan barakicinta nugulka bulshada…! Golaha ku hawloon marin-habaabinta aayatiinka ummadda…! Golaha ku gaamuray dilka nin-doorka bulshada…! Golaha baafisa magic-dilka iyo sharaf-dhaamidda calansidaha ummadda. Golaha u xilsaaran jaho-wareerinta iyo rajo-beelka shacbiga…! Golaha abuura argagixinta siyaasadda iyo aafaynta mustaqbalka...! Golaha ku qalin-jabisay isku-danaysiga iyo kala-danaysiga…! Iwm.

Yaa laga sugayaa hawlgalkii hoggaaminta dawladnimo…?

Wasiirrku ma laha dhaqaale hay’addiisu ku hawl-gasho, isaguna ma laha is-xilqaan iyo firfircooni uu xilkii laga sugayey ku guto.

Xildhibaanku uma taagna xeer-dajin, maamul-bilid iyo daadihinta hawl-qabadka dawladnimo. Haddii DKMG ay gabidhaclayso oo ay ku xdgudubto astaamaha dawladnimo iyo karaamada ummaddu leedahay, xildhibaanku kamana doodo mana naqdiyo xadgudubto madaxda DKMG ay fulinaayso. Inta badan xildhibaanku ma hago habmaamuuska iyo hawlfulinta dawladda ee wuxuu u codeeyaa qorshaha jahowareerinta ummadda iyo ka-ganacsiga cod-bixintiisa.

Madaxweynuhu uma taagna daacadnimadii laga filayey inuu dalka ku xasilyo, bulshadana ku horamariyo ee wuxuu ku hawlan yahay inuu smayasto kayd dhaqaale oo uu berry doorasho ku galo, inuu abaal taageero helid cid u filiyo iyo inuu qoyskiisa naaxiyo…!

Guddoomiyaha Baarlamaanku uma taagna siduu u walwaali lahaa xeer-dejinta iyo sugidda cadaaladda dawladnimo, ee wuxuu ku hawlan yahay boobka hantida qaranka, shirqool-maleegidda siyaasadda, carbinta iyo la-bahawga argagixisada, ku danaysiga awoodda barlamaanka iyo dhalan-rogga habmaasuuskii dawladnimo.

Ku danaysiga awoodda baarlamaanka waxaa ugu dambaysey in saddex sano ay ku darsadaan muddadii baarlamaanku sii jiri lahaa oo u fududaynaysa in Shariif Sakiin madaxweyne usoo istaago isagoo adeegsanaya kaydkii hantidii qaranka oo uu hore u boobay. Arrintaasu waa suurtogal mar haddii  codka xildhibaanku yahay ganacsi…!

Askarigu isuma haysto inuu bulshada u yahay madiidin u adeega oo suga nabadda iyo badbaadinta bulshada ee wuxuu isu haystaa inuu shakhsi difaaco ama cod-beeleed meesha ku joogo. Isuma arko inuu naftihure qaranka u yahay, lagumana laylin inuu ummadda calanside u yahay.

AMISOM isuma haysato inay tahay cadaw bulshada laaya oo markii xaggeeda bastoolad loo rido ay madfac kusoo jawaabto ayadoo godkeeda ku jirta oo halkaasna ku laysa rayad nooc walba leh oo aan waxaba galabsan…! Ma jirto cid lagala xisaabtamo dadkii ay xasuuqday, dhaawacii badnaa oo ay gaysatay, barakicii ballaarnaa oo ay sababtay, ama burburintii hantidii bulshada, laga soo bilaabo 2008 ilaa maantada aynu joogno…!

Xadgudubka iyo xasuuqa madfaca AMISOM dhib looma arko oo ciduna kama xisaabtanto…! Si DKMG ah ay u noolaato, waa in AMISOM dadka sidaas u laysaa…! Marka AMISOM iyo DKMG ahu waa isku dan, isku dhinac bayna kasoo wada jeedaan, nuxurkuna waa hanti uruursi...! AMISOM si ka’ma ah bay u laysay geel soo ag-maray dhufayskooda.

Dadkii watay geelaas markay ka doodeen xadgudubka lagu sameeyey, AMISOM waxay bixisay magdhawgii geelaas. Hase yeeshee dawladdu ma bixin mana damacsana inay magdhow ka bixiso dadkii ay xasuuqday…!

UN-ku wuxuu ka shaqayaa inaan Soomaaliya marna ka bixin dil, ku-xadgudub siyaasadeed,gumaysi dahsoon, walaac siyaasadeed, barakac iyo dibudhac bulsho, haddana waxay isu haysata inay u taagan tahay horumarinta iyo kalkaalinta bulshada Soomaaliyeed…! Waxaa intaas ka daran inay naga dileen farsamadii hab-wanaaggaa isku duubnida bulshada iyo dibu-heshiinta Soomaalidu ay caanka ku ahayd…!

Haddii dawladu fasho dhacdo dil, dhaawac iyo burbur hantiba geysata, waxay ahayd inay goobta shilku ka dhacay ay timaaddo oo ay ka toobad-keento dhibka dhacay, tacsi iyo raalligelina ka bixiso. Waxay ahayd inay dardar geliso sida ugu fudud uguna habboon oo taakulayn iyo kalkaalin caafimaad loogu fidin lahaa intii dhibku soo gaaray. Kuwii nasiibdarradaas ku dhintay bay ahayd inay wax kasoo aasto, waxay ahayd inay bixiso magdhaw lagu daawoobo.

Arrimahaas kor ku xusan marka dawladdu ka gaabiso, tan dhibaatada geysatayna ay ayadu tahay, ma dhihi kartaa in la yiraahdo DKMG waa dawlad ama waa dawlad u-yaal…? Jawaabtu waa maya.

Dhibkii Dhacday 31 Janaayo:

Ciidan dawladeed baa hub culus ku garaacay bulsh rayad ah oo ku sugnayd cusbatalka Banaadir hortiisa oo cid walba isugu jirey, waxaana lagu dilay 46 ruux, 61na waa lagu dhaawacay…! Dhaawicii cuslaa qaar baa loo qaaday Djibouti.

Xasuuqa halkaas ka dhacay dawladdu sidii la filayey uma soo gurman si dhaawaca loogu gargaari…?  Dawladdu uma soo gurman inay wax ka uruuriso intii nassib-darrada ku geeriyootay, kamana qayb-qaadan aaskoodii iyo baroor-diiqdii…! Wasiirka Gaashaandhigga oo keliya ayaa soo booqday dhawaca la dhigay Cusbatalka Banaadir.

Madaxdii dawladdu ma danayn inay arrintaas wax ka tiraahdo…! Tacsi kama baahin raadyaha dawladda…! Dhibsimid iyo magdhaw midna ma keenin si loo samirsiiyo eheladii dadku ka dhintay…! Inta xildhibaan sheegata oo kororsatay muddadii xil-haynta, xil ma dhibin oo shilkaas kama qayb-qaadan…? Maadaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku goobtii shilka ma tegin oo dadkii laga dhintay uma tacsiyayn.

AMISOM way magdhawday geelii ay laysay, dawladduse ma bixin dadkii ay xasuuqda...! Ma geelaa dadkii ka qiime-batay…? Dawlad dadkeeda xasuuqaysa, dawlad ma noqon karto…!?

Qaran-ahaanshada ummadeed bulshada ayaa saldhig u ah. Haddii la doono in qaranimada la suuliyo, bulshada ayaa la ciribtiraa, taasna waa midda hadda ka socota gobollada koofureed oo DKMG ay hadda ku hawlan tahay…!  

Si loo qeexo kuwa madaxnimada sheeganaya hawl-galkooda, waa lagama in marka hore wax laga tilmaamo waxa dawlandnimo tahay iyo hawl-qabadka laga sugayo inay fuliyaan kuwa la xilsaartay, si loo dhawro hannaanka dawladnimo iyo caddaalad-soorka bulshada:

Maxaa laysugu haystaa Gobollada koofureed?

Khayraadka dhabiiciga ah ee dalka Soomaaliyeed wuxuu u badan yahay gobollada koofureed, sidaad darteedna cid waliba waxay doonaysaa inay cad ka goosato, shisheeye iyo sokeeyaba, hase ahaatee aqoonyahanka iyo indheer-garadka gobolladaas kasoo jeedda arrintaas weli ma garan, hadday garteenna kuma jirto sidii loo badbaadin lahaa.

Yaa ballan-qaadaya qof walba xaqa iyo garsooridda uu dalkiisa ku leeyahay...? Haddii uusan jirin sharci suga hannaanka xaddidaya nadaamka dawladnimo, macnaheedu ma ahan in maamulka dawladnimo hadba dhinicii la doono loo leexsado. Ma ahan in hadba qofku sidii uu doono u fasirto.

Haddaan sharci qarameed oo lagu halqabsado uusan dalku weli u samaysnayn, cid walba oo hagta maamulka dawladnimo way garan kartaa xurmaynta astaamaha dawladnimo ay leedahay iyo sida ugu habboon oo loo dhawri lahaa.

Keydmedia.net


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.