Dawladnimada Iyo Soomaalida Maantay - 2

Cali Xirsi Kaarshe "Kabayare" — « Qeybtii Koowaad ee Qoraalka« Qaybtaani waa Qaybtii Labaad ee aan kaga hadleyno dawladnimada iyo Soomaalida maantay iyo fahamka dawladnimo, waxa ay dawladnimada nagala maqan tahay iyo inay lagama maarmaan tahay inaan adduunkaan casriga ah aan la noolaan karin dawladnimo la´aanteed.
Faallo Keydmedia Online
Dawladnimada Iyo Soomaalida Maantay - 2

Ugu horeyn haddaan dib ugu laabto Qoraalkeenii hore ee aan kaga soo hadalnay qaybaha dawladda iyo muhiimadda ay leeyihiin,  masuuliyadda xilka dawladnimo, iyo shaqooyinkooda, inkasta oo aanan si wanaagsan u faahfaahin oo aan maqaalo koo-kooban lagu soo koobi karin hadana ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan faham guud ka bixino si kooban.

Qoraaladaan waxaa igu qasbay inaan qoro bulshadeena Soomaaliyeed 70% (boqolkiiba todobaatan) in ku dhow waa dhalinyaro an dawladnimo soo arki hadaya arkeena aan macaankeeda soo dhadhamin amba ku koray dal fowdo ah ee noloshiisu kaliya ay ku tuursan tahay mida qoyskiisa oo qudha.

Inta badan markaad la sheekaysatid ma aaminsana inuu wax faaido ah ka helayo haddii dawlada ay Soomaaliya hesho. Qaarkood badan waxay ku leeyihiin dawladnimo iyo waxaasba looma baahna saaxiib oo waxaanba doonayaa inana xor ahaado oo aan waxaan doono sameeyo, meeshaan doono maro, waxaan doonana aan ka ganacsado koley dad noolna ahaato.

Dadka Soomaaliyeed qaarkood badan dawladnimo waxay u haystaan in ay tahay xafiis sharciyeysan oo ganacsi oo loo faaido doonto, ama loo xukun doonto si loo helo awood wax lagu marooqsado, ama wax lagu dhaco.

WAA MAXAY DAWLADI?

Dawladi waa qayb dadka ka mid ah oo la aruuriyey (Maamul), loo qaabeeyey inay u adeegaan bulshadda (Adeega bulshada), loona xilsaartay inay hogaamiyaan, siyaadda, dhaqaalaha, sugidda amniga, ilaalinta iyo fulinta sharciga (Siyaasadda). U adeegidda bulshada, ilaalinta ciida dhulka badda cirka iyo dhammaan xuduudaha ay leeyihiin bulshadaas ay matalaan iyo difaacidda xoriyadda muwaadinka, iyo qarankaba guud ahaan sida inay difaacaan haddii la soo weeraro dalka ay matasho iyadoo uruurinaysa, qaabeynaysa, isla markaasna hogaaminaysa bulshada ay dawladda u tahay (Xasaanadda sharcinimadeeda iyo awoodeedda).

Waxay kaloo dawladdu garsoore u tahay muwaadinka, sidoo kale waxay xaakim u wada tahay muwaadiniinta ay dawladda u tahay oo la doonayo inay u kala garqaado, kii gardaran ay sharciga mariso, kii laga gardaran yahayna ay xaqiisa u soo dhiciso (fulinta sharciga iyo samayntiisaba).

Dawladnimadu waa noocya badan tahay waana kala duwan tahay sida loo qeexo balse kani waa mid ka mid ah sida ay u qeexaan culuumta laga barto dawladnimada iyo shuruucdeeda.

Dawlad waxaa loo kala saaraa noocyo badan, waxaa jira dawlad dadku soo doorto (democracy), dawlad aan dadku soo dooran balse xoog ku haysata xukunka (dictatorship), iyo dawlad dhaqan ama boqortooyo (monarchy). Intuba waa qasab ah in la aqoonsado oo ay sharci adduunka ka noqoto haddi ay dalkaas ama bulshadaas ay wada maamusho, si loo badbaadiyo jiritaanka bulshadaas, loona helo sharci iyo kala danbeyn si nolosha nafleyda iyo degaankasiba u baylihin (u dayacmin) sida midda hadda nagu dhacday o kale.

Waa guud ahaan qaybaha ay u kala baxaan dawladaha adduunka soo maray, laakiin waxaa jira rag qaybo kale ku dara balse sida guud waxay hoos imaanaysaa saddexdaan qaybood, muraadse kama lihin hadda inaan sii guda galno, sababtoo ah waxay qabtaan shaqo isku mid ah, waxayna fuliyaan waajibaad sidoo kale isku wada mid ah.

WAA MAXAY SHAQOOYINKA UGU MUHIIMSAN EE AY DAWLADI QABATO?

Waxaan soo koobaynaa shaqooyinka ugu muhiimsan ee ay dawladi qabato, waxaana la doonayaa in umaddeenu bal ay fiiriyaan waxa naga maqan iyo waxa aan haysano.

Ugu horeyn dawladi waxay qabato waxaa ugu horeeya inay samayso sharci, iyo inay ilaaliso kaladanbeynta bulshada iyo degaanka. Degaanka waxaan ugu soo darayaa, wuxuu ka mdi yahay waxyaalaha u baahan dawladnimada waayo hadii aan degaanka dawladi ilaalin waxaa dahcaysa inuu xumaado a,a la xaalufiyo gadbi ahaanba, waana midda hada na haysta oo dhirtii oo dhan dhuxul loo wada shitay dibaddana loo dhoofshay ilaa dhulii saxaare noqday, oo xoolihiina waxay cunaan la waayey, dhulkinan roob al aani ku dhacday oo hawadii qalashay, waayo dhirtu waxay siideysaa ogsijiin(hawo), waxayna soo jiidataa daruurta dabadeedna marka ay isla falgalaan hawada iyo biyaha daruurto waxay soo daayaan roob.

Waxay kaloo dawladi qabataa inay fuliso sharciga, ilaalisana qawaaniinta iyo qodobada u yaala dalkaas.

Waxay dawladdu guud ahaan ilaalisaa xuquuqda muwaadinka, ilaalinta sharafta hantida iyo amniga muwaadinka.

Dawladdu waxay difaacdaa qaranimada iyo xuduudaha dalka uu leeyahay bad, beri iyo hawada sareba (ilaalinta madaxbanaanida dalka).

Dawladdu waxay ilaalisaa dhaqanka suuban iyo hidaha ay bulshadaasi leedahay, diinta iyo asluubta wanaagsan, waayo haddii aan dawladi jirin waxaa lumaya masuuliyaddii lagu xakameyn lahaa in umaddaasi dhaqankeedii uu is bedelay, in diinteedii aan lagu barxin oo waxyaalo dheeraad ah, waxna laga reebin, oo dawladdu waxay ilaalisaa inaan dadka laga qaldin caqiidadooda iyo waxa ay rumeysan yihiin, cibaadaadkooda iyo habka ay Alle ugu dhawaadaan ayadoo laga ilaalinayo in bulshadu ay lunto oo ay aduunkeeda iyo aakhiradeeduba ay xumaadaan sida hada na haysata oo ay Soomaaliya soo galeen fikradu diinteena iyo sunada nabigeena (CSW) ka soo horjeeda, sida Takfiir, Shiico, Quraaniyiin, Al-qaacidda iyo wax aanan aqoon. Tusaale yar haddaan idin siiyo kitaabada dalka soo galaya, iyo culumada aqrinaysa aqoontooda iyo in bulshada aan wax qaldan loo gudbin waxaa masuul ka ah wasaarad dhan oo la yiraahdo Wasaaradda Arimaha Diinta.  Shaqada wasaaraddaasi waa inay wax kasta oo diin iyo aqlaaq, iyo cibaado ku saabsanba ayadaa loo idmaday inay ilaaliso, sida inay  baarto kitaabada dalka soo galaya, inay yihiin kitaabo sugan oo aan wax qaldan ku jirin.

Dawladdu waxay ilaalisaa guud ahaan manhajka waxbarasho ee dalkaasi yeelanayo iyo inuu noqdo mid wax ku ool ah oo bulshada u soo kordhinaya anfac aqooneed, mid dhaqan, mid diimeed iyo mid asluubeed intabada. Tusaale yar haddaan idiin soo gudbiyo waqtigii burburka dalkeena waxaa Soomaaliya gobol walba iyo meel walba ka furmay iskuulo iyo madarsooyin wax lagu barto mid diimeed iyo mid maadi ah intaba.

Waxaa dhacday in ardaydaas Soomaaliyeed ee waxbaranaya loo dhigo manaahij dalal kale ama dalada waxbarasho oo wadama kale leeyihiin ay so daabaceen, oo aan lagu soo darin wax kasta oo Soomaaliya ku saabsan hadday ahaan lahayd dhaqan ahaan, af iyo suugaan ahaan, juquraafi ahaan, cimilo ahaan iyo taariikhda dalkeena hooyo, balse waxaa la barayey dalal iyo umada kale taariikhdood iyo juquraafigood, waxaana arkaysaa arday Soomaaliyeed oo aan aqoonin 18ka gobol ee Soomaaliya ka kooban tahay magacyadooda iyo caasimadaha gobol walba.

Qaarkoodna waxaaba la barayey xagjirnimo iyo in loo xumeeyo dhaqankeenii, diinteenii iyo hidaheenii suubanaa ilaa ay iskuba kaaya qarxiyeen, inta laga soo dhaadhiciyey inaan ahaan jirnay gaalo mushrikiin ah, haddana wali aan nahay sidii hore, marka loo baahan yahay in Soomaaliya la islaamiyo oo diinta la baro, haddii ay diidaana la laayo, waliba jano lagu helayo. ”Ilaahow na badbaadi” Aamiin.

Dawladdu waxay ilaalisaa ama dhistaa shaqsiyadda kalsoonida qabka iyo jiritaanka qofnimo ee muwaadinku yeelanayo.

Dawladdu waxay barbaarisaa dhalaanka waxayna habaysaa ama jihaysaa sidii dhalaankaasi ku kori lahaa, wax ku baran lahaa hadhowna nolol ku heli lahaa markii uu weynaado asagoo muwaadin hagaagsan oo wadani ah, dhaqan iyo diin suuban leh, waxna u soo saari kara bulshada uu ka mid yahay.

Dawladdu waxay xanaaneysaa inta tabarta daran, sida kuwa bulshada ka mid ah ee aan isku filneyn, hadday yihiin kuwa curyaan ah ee lixdooda lixaad aysan dhameystirneyn, kuwa maskaxda ka jiran, kuwa wayeelka noqday ee bulshada u soo shaqeeyey, iyo kuwa soo koraya ee mustaqbalka umadda noqon doona hogaankana qaban doona beri haddii Alle gaarsiiyo.

Dawladdu waxay qaabeysaa oo jaangoysaa dhaqaalaha dalka. Waxay la dirirtaa sicir bararka waxayna ka hortagtaa qiima jabka alaabada suuqa taal.  Waxay sidoo kale suuq-geyn u samaysaa wax soo saarka dalka iyo kobcinta ganacsiga.

Dawladu waxay ilaalisaa waxtarka iyo anfaca ay leeyihiin wax kasta oo dalka soo galaya ama ka baxaya, si loo soo saaro bulsho caafimaad wanaagsan leh.

Dawladdu waxay bulshada u samaysaa lacag sharci ah oo ay wax ku kala iibsadaan waxna adduunka ugaga soo gataan ayadoo damaanad qaadayso sharciyadda iyo qiimaha ay lacagtaasi leedahay si muwaadinka hantidiisa loo ilaaliyo.

Dawladdu waxay sugtaa oo aqoonsi u samaysaa caddeynta muwaadinka si u adduunka meeshuu doono ugaga maro asagoo wato aqoonsi la yaqaan oo sharciyeysan. Tusaale yar haddaan halkaas ka soo galiyo markii baasaborka dalkeena adduunka laga diiday waxaa bulshada Soomaaliyeed ee dunidan dacaladeeda ku nool la soo gudboonaatay dhibaato weyn ilaa ay luntay aqoonsigeenii oo baasaboorada  ay dalalka aan martida ku nahay na siiyaan nalookugu qoro qofka aqoonsigaan wataa lama yaqaan dhalashadiisa iyo dalka uu ka soo jeedo oo sax ah, balse waxaan u siinay warqadahaan aqoonsiga ee uu sito bani`aadamnimo.

Waxay taasi keentay in meelaha qaarkood ay yiraahdaa wax aqoonsi ah oo dawladi bixisay oo ku cadeynaya ma wadatide si aad dhalashada dalkeena u qaadatid waa inaad waqti intaas le´eg sugtaa, sida tusaale ahaan dalka Sweden haddaad doonaysid inaad dhalashadooda dalbatid waa inaad siddeed sannadood dalkooda joogtaa halka ay dadka wadamada dawladaha leh ka yimid ay sadex sano ilaa ugu badnaan shan sano sugaan, sababtaas oo ah waxay wataan baasabooro ama aqoonsiyo kale oo cadeynaya inay dalkaas ay sheegteen ka yimaadeen.

Waxaa sidoo kale dhibaato weyn Soomalaida ka haysataa shahaadooyinka waxbarasho ee aan wadano wixii ka danbeeyey 1991 adduunku ma aqoonsana, sababtoo ah dalwad ma aynaan lahayn. Halkaas waxaa ku lumaya jiil noolaa rubuc qarni inaysan aduunka ka helin waxbarasho iyo xirfado ay ku shaqaystaan ama dadkooda iyo dalkooda ugaga faaideeyaan ilaa ay  rafaad dheer iyo xakaar u soo galaan oo ay meel hoose ka soo bilaabaan mooyaane.

Dawladdu waxay aruurisaa canshuuraadka (Sakada), waxayna u soo qaabaysaa bulshada hadhowna u qaybisaa dibna ugu soo celisaaa, ayadoo ku fulinaysa mashaariic wax ku ool ah sida waxbarasha, caafimaadka, wadooyinka, biyaha, ilaalinta degaanka,iyo kaalmeynta bulshada tabaaleysan IWM.

Dawladdu waxay qabataa shaqooyin badan waxaa sidoo kale ka mid ah, inay aduunka ka matasho bulshada samaysatay oo ay ka difaacdo wixii xad gudub ah ee ku so socda, ka dulqaado haddii la dulmiyo ama lagu xad gudbo qaranimadoda iyo dalkooda intaba. Hadaba dalkayaga xuduudihiisa beri, bad iyo cirba yaa ilaaliya oo ka ilaaliya cadow kasta oo ku soo xadgudbaya? Halka hadda ay caalamku ciday rabaan u soo dirtaan ayagoon nagala tashan, waxaana taas u sabab ah dawlad la´aanta na haysata. Waxaan in badan maqalnaa in la leeyahay waxaa lagu shubaa badaheena qashinak qatarta ah ee araadiga warshada Nugleerka, iyo haraadiga qashinka Isbitaalada oo asna ka qatar badan Sunta Nuckleerka ah.

DAWLADDU MA MAAMULBAA MISE WAA SHAQSIYAAD IYO KOOX AMA XISBI XUKUN HAYA? MISE WAA HAY´AD U ADEEGTA BULSHADA WAQTI KASTO?

Dad badan oo casrigaan ku nool oo Soomaaliyeed waxaysan fahansanayn farqiga u dhexeeya dawlad iyo shaqsiyaad ama koox, ama xisbi dal markaas maamula. Waxayna intooda badan u haystaan inay dawladdu tahay shaqsiyaadka markaas maamulka haya sida madaxweynaha, baarlamaanka, wasiirada, iyo qofka markaas maamulka ku jira.

Laakin fikirkaasi waa mid qaldan waxaana keenaysa inay Soomaalidu sidaa u aaminto, ayagoon helin wax bara dawladnimada iyo waxa ay tahay. Iyo ayagoon helin ama arag dawladd ama nadaam ay ka helaan wixii dalwad laga sugayey.

Marka aan dawlad leeyahay waxaan ka wadaa maamul og nafleyda ay xukumaan iyo xitaa degaanka hoos yimaada.

Hadaba dawladdu ma ahan shaqsiyaadka markaas saaxada siyaasadda ka muuqda ee hogaanka haya qabiilkay doonaan ha ahaadeen, ama xisbiga ay doonaan haka soo jeedaane.

Dawladnimada waa maamul ay leeyihiin bulashada iyo degaanka markaas hoos yimaada maamulka halkaas ka jira, waana hay´ado sharci ah oo u adeega nafleyda iyo degaanka lagana doonayo inay ka helaan wax kasta oo ay xaq ugu leeyihiin.

Micna weyn ma samaynayso cabirka hada aan wax ku cabirno ee oranaya haddi uusan dawladda qof qabiilkeenaa ku jirn ama madax ka ahayn dawlad iima aha. Qaabkaasi waa qaab qaldan waana midka sababay burburka aan soo afjari lanahay.

Dawladdu waa xafiis, waa hay´ad, marwalba joogta una adeegta bulshadaas waqti walba iyo  meel walba oo ay joogaan. Waa hay´ad hadda joogta, berina jireysa , waligeedna joogi doonta, marwalba u adeegta bulshada. Qofkasta oo madax ka noqdaana uu isku shaqo u qabanayo bulshada iyo degaanka ay ku  nool yihiinba.

Dawladdu waxay nagu leedahay xaq, anaguna waxaan ku leenahay xaq, laakiin labadaas xaq midna waajib ma noqonayo haddii aan midba kan kale taabin oo waa is dulsaaran yihiin.

Waa midka koowaade xaqa ay dawladdu nagu leedahay ee sugaya inaan noqono muwaadin buuxa oo dhab ah oo xaq buuxa ku leh dawladdiisa, waa inaan canshuurta ( sakada) aan bixino, waana waajib saaran muwaadin kasta oo awooda in laga qaado canshuur, si loo sugo muwaadinnimadiisa, ama canshuurtiisa looguna sugo muwaadiniinta guud ee uu isagu ka midka yahay muwaadinnimadooda. Ogow muwaadin la iskama noqdo hadii aadan xuquuqda laguugu leeyahay ka soo bixin, sida aadanba Muslim (Islaam) aadan u noqon karin haddii aadan la imaan waajibaadkii lagaa rabay ee ilaahay ku faray.

Qodobaka labaad ee ah xaqa uu muwaadinku dalwadda ku leeyahay waa in marka uu canshuurta (Sakada) uu baxsho ama ay bulshadu bixiso in uu xaq buuxa dawladda ugu yeelanayo inay ilaaliso sharaftiisa, hantidiisa, muwaadinnimadiisa, iyo inuu helo wax kasta oo uu xaq u leeyhay, sida caafimaad, waxbarasho, hoy, biyo, wadooyin uu maro, iyo wixii la halmaala ee nadamka dawliga ah laga rabo.

Waxaa kaloo muwaadinka laga doonayaa inuu ilaaliyo shuruucda dalka u taala, una hogaansamo awaamirta dawladdu ay bixinayso, raacana sharciga ay soo go´aamiyaan, waayo lama doonayo muwaadin ka soo horjeeda shuruucda ay dawladdii dalka masuulka ka ahayd ay ku shaqaynaysay, kaas waxaa la yiraahdaa qaran dumis.

Haddiise ay labadaasi meesha ka baxaan waxaa dhacaysa inaysan dawladda iyo shacabkuma midkoodna uusan kan kale xaq ku yeelan oo uusan meesha oolin wax ay kuwada xisaabtamaanba. Mana jirto xiriir ka dhexayn kara hadii labadaas qodob meesha ka baxaay.

Waxaa kalee meesha ku jira asna qodob ah is-aqoonsi dhexmara dawladda iyo shacabkeeda ay matasho

Hadaba muwaadinaka Soomaaliyeedoow maxaad dawladdaada Soomaaliya ee tabarta daran ku leedahay? Maxaad ku mucaaradaa mar walba? Ma canshuur ayaad bixisaa? Mise xoog? Mise fikrad suuban? Mise og tahay haddaadan adigu canshuurta bixin in dad kale canshuurtoda siinayaan oo ay markaas xaq ugu yeelanayaan inay ayagu booskii muwaadinnimo ay galaan oo ay helaan xaqii aad adigu lahayd.

Sida inay madaxda doortaan, inay madaxda bedelaan ama ridaan, inay miiska u garaacaan oo yiraahdaan saas iyo saas yeela haddi kale canshuur idinma siinayno oo xaqeena waan goosanaynaa?  Ma fahantay muwaadin macanaha aan hadalkaas ka wado? Jawaabtu waa adiga muwaadin Soomaaliyeedoow. Mise sheekadeenu waa fadhi ku dirir ku taageer, fadhi ku dirir ku mucaarad.

Maya malaha waxaan doonaynaa anagoo iska fadhina oo aan shaqeyn, casnshuur bixin, fikir iyo talo suuban oo wax toosinaysa keenin, dalka u dagaalamin, amnigiisa ka shaqayn, inaan helno dal dhisan oo nadaamsan, iyo dawlad shaqaynaysa oo aan ku leenahay xaqeenii muwaadinnimo? Bal adba is qiyaas midka aad tahay iyo shaqada aad hadda haysid, ka dibna jawaabta adigu miiska isku soo saar.

DADKA SOOMALAIYEED WAXAAN KU BOORINAYAA INAY CANSHUURTA BIXIYAAN.
DAWLADDANA WAXAAN ORAN LAHAA XAQIINII DADKA KA DOONTA OO CANSHUUR WAYDIISTA SOONA QAABEEYA.

La soco Qaybaheena danbe haddii Alle idmo...

Cali Xirsi Kaarshe "Kabayare"

Qoraalkaan waxaa nasoo gaarsiiyay: Cali Xirsi Kaarshe "Kabayare", oo ku sugan Caasimada Dalka Sweden, Stockholm. Cali waxaad kala xiriri kartaa E-Mailkaan: Alibashir27@hotmail.com ama Facebook: Ali Kabayare | Waxaa dib u eegay Xafiiska Nairobi ee Keydmedia Online.




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.