Dawladnimo Magaceedu Ba’ay!

Marcelis Codsi Aqristayaasheena ka yimid - By Prof. Mohamoud Iman Adan (Keydmedia) - Virginia, USA - Magaca iyo maskabka TFG iyo Baarlamaanka ummadda hadda jira waxaa hoggaamiya 2da Shariif, iyaga ayaana god dheer ku riday qiimihii iyo qaddarintii ay lahaayeen golaha shacbiga iyo maamulka dawladnimo.
Faallo Keydmedia Online
Dawladnimo Magaceedu Ba’ay!

Waxay 2da Shariif lumiyeen wax walba oo ku saabsan hawlfulin dawladnimo, xeer-dejin iyo xeer-ilaalin, shaqo-abuurid iyo u kuurgelida hawlaha dawladdu u xilsaaran tahay siday u socdaan.

Dhici weydey in Madaxweynuhu fuliyo xilka uu ummadda u qaaday oo laga sugayo. Adkaatay in nabadda la sugo dalkana xasillooni lagu soo dabbaalo. Waa la gabyey in lagu filnaado dhammaystirka qaab-dhismeedka dawladda oo jagooyin badanu ay weli la dhammaystirin.

Dhici weydey in mas’uuliinta dawladdu kasoo dhalaalaan xilka ay ummadda u hayaan. Dhici weydey in madaxda dawladdu wada xisaabtamaan, isla shaqeeyaan, is-dhaliilaan, dabadeedna xoogga la saaro arrimaha sida gaar ah u taabanaya nabadda, xasilloonida iyo nolosha bulshada.

Barlamaaku ma dhammaystirn axdii qaranka mana samayn xeerarkii dalka lagu socodsiin lahaa. Baarlamaanku ma laha hab-wanaag hawlihiisa lagu fuliyo. Ma laha nadaam xeer-hoosaad ah oo aan lagu xadgudbi Karin.

Xurmadii ka dhexayn jirey xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka waa layska tuuray. Xildhibaannadu gacan-ka-hadal bay caadaysteen. Guddoonka baarlamaankuna kala jab iyo is-colaadin buu hab-wanaaggii baarlamaan lahaan jirey ku baddalay.

Waa dhacdo cusub in guriga uu daggan yahay Mudane Shariif Xasan hadda noqday xarun ay ku shiraan xildhibaannada la safan dhinaca guddoomiyaha Baarlamaanka. Waxaa aad u gaabiya hawlihii baarlamaan uu qaranka u qaban lahaa, waxaana laba-lixaadsaday nacaybka iyo wadashaqayn la’aanta dhextaal 2da Shariif.

Taasu waxay abuurtay inay qabyo noqdaan xasilinta iyo joogtaynta nabadda, dhammaystirka qaab-dhismeedka dawladda, nadaaminta hawlgalka baarlamaanka, iyo soo-celinta rajada ummadda.

Rabitaanka Ummadda

Rajadii bulshada Soomaaliyeed waxay maxbuus u tahay wadashaqayn la’aanta cakirantay ee dhextaal 2da shariif, lamana filayo inay sidaas wax iska baddalaan.

Ummadda Soomaaliyeed ee daggan gobollada koofureed waxay rabtaa inay nabad ku noolaato oo dalkeeda dhisato. Waxay rabtaa in dawsladdu shaqayso oo bulshada shaqo loo abuuro si nolol fiican loo helo. Waxay rabtaa in dalka la dhiso oo rajadii laga qabay soo noqoto. Dadku waxay rabaan inay helaan dawlad iyo gole shacbi wada shaqeeya oo u guntada u adeegidda dalkooda. Ummadda Soomaaliyeed waxay rabtaa in sharaftii iyo karaamadii bulshadu lahaan jirtey inay soo noqoto oo la helo daacadnimo, dimuqraadiyad iyo caddaalad loo siman yahay.

Xukun jeclaysi awgiis, ummadda Soomaaliyeed ma rabto in 2da Shariif ay faraqa isku dhagaan oo xildhibaannadii iyo golihii wasiirrada ay iyaga la kala saftaan, wax walbana haalkaas ku hakadaan.

Ummaddu ma rabto in 2da Shariif ay gaalaan loollan is-reeb-reeb siyaasadeed ah oo colaad dhex dhiga dad walaalo ah oo isku dhex jira. Ummaddu ma rabto dan labo shakhsi bursanayso inay qalalaase hor leh curiyaan oo dib loogu noqdo labaatan sano oo rajo-beel dambe ah.

Xoogagga Laysu Adeegsado

Shariif Xasan Sheikh Aadan wuxuu samaystay ciidan tababaran oo hubaysan oo uu kasoo leexday ciidankii qaranka loo diyaariyey, kuwaasoo hadda isaga amarka ka qaata. Waxaa Keydmedia ogaatay in la damacsan yahay in ciidakaas loo adeegsan doono taratanka madaxweynenimada Shariif Xasan ku taamayo inuu gacanta ku dhigo bisha Agoosto 2011.

Waxaa Shariif Xasan buro u haystaa kooxda is-qarxisa, kuwa sameeya bambooyinka iyo kuwa ugaarsada oo gaadmada ku dila nin-doorka la safan Shariif Sheikh Axmad.

Sidoo kale, Shariif Axmad isna wuxuu aruursanayaa ciidan uu isaga difaaco weerarka Shariif Xasan damacsan yahay, wuxuuna kaga hortagayaa haddii muran ku yimaado madaxnimada uu doonayo in loo doorto bisha Agoosto 2011.

Ummadda inteeda kale waa daawadayaal waana u jeedaan riwaayad labada nin ay jilayaan oo isku haysata dan gaar u ah.

Muqdisho waxaa laga hadlaa 2da shariif qiyaas u dhiganta 87%, colaadda dhextaal, xeelado dagaal bay isla damacsan yihiin. Madaxdii ummaddu ka sugaysay inay dalka wax u qabtaan iyaga ayaa ku kala jira labo dhufays oo xeelado isu maleegaya. Iyaga aayaa qarash ku bixinaya sidii ninba ninka kale uga takhalusi lahaa.

In Al-Shabaab dalka laga xoreeyo socon weydey. Hantida magaca ummadda lagu soo qaaday la lunsay. Sida ay dawladnimada carrada ugu rogeen Ilaahna waa arkaa, ummadduna markhaati cad bay ka tahay waana laga xisaabtami doonaa marka Eebbe idmo.

Waxaa nasiibdarro ah inayna madaxdu weli garan in mas’uuliyadda ay xambaarsan yihiin ay tahay maskab ummaddu u dhiibatay ee uusan ahayn hanti ay iyagu leeyihiin oo siday hadba rabaan ugu takri falaan.

Maxaa sababay in madaxda ugu sarraysa xukunka qaranka inay noqdaan gibbaanno danaysteyaal ah oo dantooda oo keliya ku hawallan?

Ummadda Soomaaliyeed iyo bulsho-weynta caalimku waa ka yaabban yihiin madaxnimada TFG-da oo ku salaysan jahowareer siyaasadeed, burburin dhaqaale iyo dhaqan bulsho, abuurid xiiso colaadeed, dil bareer ah iyo mid gaadmo ah, isku dirid iyo barakicin bulsho, iyo ku danaysi hantida qaranka.

Ma waxayna garan doorka ay leeyihiin oo ummaddu ka sugayso? Ma UN-ka ayaa cadaadis-hoosaad ku haya inaan nabaddu xasilin? Ma nufuudka uu Meles Zenawi ku leeyahay madaxda baarlamaanka ayaa maamulka fadhiid ka dhigay. Ma xilka loo dhiibay bay u qaateen inuu yahay dhawrto loogu deeqay? Ma waxay is-leeyihiin inta xildhibaan gacanta hoorsanaya uu jiro, madaxnimo gacanta ayay idiinku jirtaa?

Labadii Khiyaano Ku Heshiisa…!

Labada Shariif kalsooni badan baa ka dhaxayn jirtey, siiba xagga lunsashada lacagta naqdiga ah oo magaca ummadda loogu soo dhiibi. Shirkii 09 laysugu tagey Belgium oo labada Shariif kasoo qaybgaleen, saaxiibnimo hufan bay isku qabeen, ummaddana way u sheegeen.

Kulan hotel Brussels ku yaal oo labada shariif kula yeesheen marti Soomaaliyeed oo booqasho uga timid dalal Yurub ah baa ka markhaati kici doona hanweynida Shariif Sheikh Axmad uu u qabey Shariif Xasan Sheikh Adan.

Kulankaas waxaa goob jog ahaa rag dawladda TFG ka tirsanaa oo ay kamid ahaayeen: Nuur Cadde, Gandi, Ibbi, iyo rag kale. Isagoo muujinaya kalsoonida uu markaas ku qabey Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa Shariif Sheikh Axmad u caddeeyey raggii kulankaas isugu yimid, wuxuuna yiri: “Ninkan I garab taagan haddii Al-Shabaab lagu tuhmo aniga ayaa al-Shabaab ah.”  “Haddii lagu tuhmay inuu leexsado hanti qaran, aniga ayaa tuug ah.” Maxay kalsoonidaasu ku daambaysey?

Yaa Siyaasi Ah?

Siyaasaddu ma ahan ka beensheegid, mardadabaanimo, khatal bulsho, isku dir, abuurid xasarad colaadeed, iyo danaysi gaar ahaaneed. Siyaasaddu ma ahan inaad dantaada oo keliya ugu biirto maamulka dawladnimo si aad wax isu-dabamariso oo taajirnimo ku gaarto.

Siyaasaddu ma ahan inaad ku hawlanaato sidii aad ugu waari lahayd madaxnimo danaysi ku salaysan. Siyaasaddu ma ahan inaad adigu wax noqoto si aad u naas-nuujiso xigtadaada, beeshaada iyo qabiilkaaga. Siyaasaddu ma ahan inaad burburiso dadkaaga iyo dalkaaga si aad madax u noqoto. Siyaasaddu ma ahan inaad baalka u gasho madax cadaw soo soo-jireen ah si aad madaxnimo ugu nagaato.

Nin Guri Dhalo ah Ku Jira Dhagax Ma Tuuro

Damaca xukun-jacaylka dadka waa indhatiraa, miyyirka iyo maankana waa ka dooriyaa. Hillac awood bursi ah baa meel fog uga biriqda, nin walbana taas ayuu tiigsadaa iyadoon lagu xisaabtami boholaha ka sokeeya oo lagu dhici karo haddaan qun yar looga sii fiirsan.

Siyaasiga ku mintida inuu marooqsado xukun farqaha lala haysto turaanturro ma huro. Wuxuu lamid yahay gorgor hilib sita oo haad kale cayrsanayso si ay hilibka uga ritaan. Siyaasiga qunyar socodka ahu si taxadar leh buu u tallaabsadaa, wuxuuna iska ilaaliyaan inuusan gabidhaclayn ku dhicin oo siyaasadda ku fashilmin.

Mudane Shariif Xasan Skehikh Adan wuxuu u taagan yahay inuu madaxweyne isu soo sharraxo. Qofna kuma ceebin karo oo waa nin Soomaali ah oo weliba haysta qalabkii madax lagu noqon lahaa: Hanti qaran oo la xalaashaday. Baalgelinta Meles Zenawi. Jaalnimada siyaasadeed ee Mudane Cabdurahmaan Faroole. Taageerada ciidan ee Al-Shabaab. Ciidan tababaran oo Shariif Xasan kaydka u ah. Codka ganacsiga ah ee xildhibaannada jaalka la ah. Kooxaha burburinta iyo argagaxa bulshada, iwm.

Diidmada Dhexdhexaadinta Indheergardka

Mar haddaad tahay siyaasi uu ku jiro damac madaxnimo dawladeed, waa inaad u jajabnaataa soo dhaweynta dhex-dhexaadinta iyo wada-xaajoodka indheer-garadku kuula yimaado. Indheer-garadkii Hawiye ayaa talo iyo dhex-dhexaadin ugu yimid Shariif Xasan si ay isaga madaxweyne Shariif Sheikh Axmad loo heshiisiiyo.

Shariif Xasan waa diiday inuu soo dhaweeyo wada-xaajoodkaas. Sidoo kale, indheer-garadkii beelaha Digil iyo Mirifle ayaa dhex-dhexaadin iyo wada-xaajood Shariif Xasan ula yimid, iyagiina waa ka diiday. Waa dhacdo cusub oo Shariif Xasan curiyey in la xurmayn waayo wada-xaajood ay garqaadayaan indheergarad Soomaaliyeed. Dhaqanka iyo asluubta soo jireenka ah ee Soomaaliyeed kamid ma ahan, waana dakana siyaasadeed oo kuu taagan.

Siyaasigu ma ahan inuu noqdo albaab xiran oo meel laga galo laga waayo. Bulshadu uma baahna siyaasiga gurracan oo dantiisa oo keliya u xusulduubaya. Sida hawada la neefsado nooluhu ugu baahan yahay baa siyaasigu codka iyo taageerada bulshada ugu baahan yahay.

Wada-xaajoodku nabad iyo is-afgarad buu salka ku hayaa, madax noqoshaduna markaas bay macno yeelan kaarataa. Siyaasiga nabadda diida colaad buu riman yahay. Awood ciidan iyo mid dhaqaale ayuu ku dhaadanayaa, dagaal iyo colaadna kursi mas’uuliyad laguma doono, haddii la helana dawlad laguma maamuli karo. Nin kasta oo madaxnimo u tartamaya waa inuu ku caanbaxo nabad-doonimo iyo samojeclaan.

Intaas waxaa kasii daran: Haddii dagaal dhaco lama oddorosi karo waxa lagu dambayn doono. Marka ummaddu ku aragto inaad nabadda iyo wada-xaajoodka diiddan tahay dhinac baa lagaa noqonayaa.

Markay bulshadu ku aragto inaad tekniko badan diyaarsanayso, hub culus baabuur la saarayo. Markii lagu arko inaad xiiso colaadeed curinayo. Markii lagu ogaado inaad gaadmo dadka ku layso. Markii lagu arko ciidan dumayso.

Markii lagu arko inaad taakulayn ciidan diyaarsanayso, arrimahaas oo dhan waxay hordhac u yihiin abuurid xiise colaadeed. Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa inay taal 200,000+ qori oo isugu jira kuwo culus iyo kuwo fududba iyo rasaastoodii.

Kuwa ciidanka dawladdu haysto waa ka baxsan yihiin inta kor ku xusan. Hubkaas intiisa badan waxuu gacanta ugu jiraa mooryaan bililiqada caan ku ah. Yaa mooryaantaas maaro u heli doona marka 2da Shariif dagaal isaga horyimaadaan?

Waaxyaha Dawladda

Wiixii aan ku dhisnayn nadaam boqortooyo ama mid keligi taliye milatari, dawladnimadu waxay ka kooban tahay 3 qaybood oo leh  wadashaqayn hufan,is-dheellitir iyo awood waxqabasho, waxaana kamid ah: Qaybta sharcidejinta, qaybta maamulka hawlfulinta iyo qaybta Sharci-ilaalinta.

Talo iyo tusaale bay ku wada shaqeeyaan, mid walbana hawlaheeda ayay fulisaa, haddana layskuma dhaco. Layskama horyimaado. Wax lama kala jiito. Layskuma colaadiyo. Cod lama kala gato.

TFG-da hadda jirta waa mid dhalanteed ah: Qaybtii sharci-dejinta xabbad ayaa qoriga ugu jirta oo xasarad colaadeed bay u ololaysaa. Qaybtii sharci-ilaalintu ma dhisna, tixgelinna ma laha. Qaybtii hawlfulinta maamulka dawladdu waa fadhiid. Meeday dawladnimada la sheegto?

By Prof. Mohamoud Iman Adan (mohamoud.iman.adan@keydmedia.net ) - Virginia - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.