Qurbajoogta & Dhaqan Celis - ‘Dayuus-barrada’ ayaa noo keenay dhibaatooyinka!

Fatuux Diiriye Ducaale — Haddii aan horey ugu dhaadhaco Qormadayda waxaa soo badanaya wax yeelada qayb ka mid ah Qurbo-Joogta Soomaaliyeed ay Dalka, Dadka iyo Diinta ku hayaan!
Faallo Keydmedia Online
Qurbajoogta & Dhaqan Celis - ‘Dayuus-barrada’ ayaa noo keenay dhibaatooyinka!

Qurba joogta qaarkood waxay qayb ka yihiin Xasilooni La’aanta ka jirta Dalka, Qabyaaladda iyo kala qoqobidda Umadda, Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada, Fusqiga iyo dhaqan xumo, Dhul boobka, qaali garaynta maciishadda iyo Nolosha.

Xasilooni La’aanta:- Wadanka ka jirta kaalin wayn ayey ka qaataan Qurba-Joogto oo waxaay taageeraan oo ku jiraan Shabaab, dawlad diidka, midnimo diidka iyo Dagaal qabaa’ileedada soo noqoqda, tusaale Qaraxyadii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ka dhacay iyo wadamada deriska ah waxaa ku jirey ama soo maleegayey xubno u badan Qurba-Joog- 

Qurbajoog badan waxey leeyihiin goleyaal ay ku xidhiidhaan qaab Uruur, Qabiil ama kooxaysi halkaas oo ay isugu gudbiyaan hadafyadooda, sidoo kale Websityo ku hadla Af-beeleedyo iyo kuwo buunbuuniya Waxyaalo dawlad dumis ah.

Qabyaaladda:- Qurba joogtu waa bulshada ugu Qabyaalada badan wakhtigan, Qorba-joogta badankoodu waxaa weli Maskax dooda ku jirta wixii ay Soomaali soo martay wakhtigii dagaaladii Sokeeye, halka ay ka bislaadeen qabyaalada bulshada qorax joogtu, Qurba joogta qaar baa rumaystay dacwooyinkii ay ku galeen wadamada shisheeye tusaale markii ay iska dhiibayeen ayey Soomaalidu waxay ku dacwootaa badanaa (WAXAANNU KA SOO QAXNAY REER QUDHAC OO SOOMAALIYA NAGU XASUUQAY) malahay saad sigoodii ayey ku tageen.

Dagaalo beeleedyada soo noq-noqnaya waxaa badankooda maalgeliya Qurba-joogta iyagoo kicinaya qabiiladooda isla markaana leh (TOLA’AYEEEEEEEEY) halkii ay dhaqaalaha iyo kalsoonida ay siin lahaayeen Dawladnimada, marka aad dheegtid maamul goboleedyada dalka ka jira iyo kuwa hadda la yagleelayaba waxaa aasaas iyo sal u ah Qurb joogta waxayna kaalin weyn ku leeyihiin kala qoqobidada iyo muran xuduud goboleedyada, maali kasta waxaad maqlaysaa maamul hebel oo waxaa leh reer Qansax oo laga dhawaaqo debedda.

Musuqmaasuqa iyo Maamul xumada:- Golayaasha iyo Hayadaha Dawladda Fadaraalka iyo Maamul Goboleedyadaba waxay u badan yihiin Qurba joog ku soo fashilmay dalalkii ay ka yimaadeen tusaale fadeexado lunsi dhaqaale , dambi, maandooriyaal iyo shaqo la’aan aqoon yari ay keentay,iyagoo adeegsanaya Baasaboorka shisheeye xoogaa luqado ah iyo shahaadooyin bug ah oo ay Cabdale Shideeya ka soo samaystaan iyo garabeyshin ayey gacanta ku dhigaan jagooyin iyo shaqooyinka kala duwan.

Qurba joogtu waxay sababaan maamul xumo iyo fashil badan arintaasna waxaa u sabab ah bulshada iyo beyadda oo aysan la qabsan Karin tusaale sida dhulka, dadka iyo dabeecadhoodu yahay . marka loo dhiibo xilalka qurbajoogtu waxay ugu tagri falaan hantida ummada sidii in ay joogaan meelaha lagu tamashleeyo ee reer galbeedka oo kale, qurba joogtu waa fuluusu diin oo dhigaaladooda (accounts) ayey buuxsadaan.

Waxay ku tagri falaan xilalka loo dhiibo oo waxay u adeegsadaan si aan waafaqsanayn sharciga iyagoo aan aaminsanayna in somaliya aysan ka hirgelin dawlad xoog leh maadama ay dhalashooyin kale ka haystaan waxay ku dhaqaaqaan falal xun.

Arimaha ugu daran ee lagu arkay Qurba joogta waxaa ka mid ah waxaan ka socdaa wadan reer galbeed ah ama wadama jaarka ah sida Itoobiya, Kiinya ama Ugaandha oo waxaan doonayaa xil sare ama hayadaha dawladda ee kala duwan taas oo ah arimaha ay dawladda Soomaaliya ka kici ladahay.

Fusqiga iyo dhaqan xumo:- Muran kama taagna in Soomaalidii gashay wadamada Shisheeye in badan oo ka mid ah dhaqankoodii bedelmey oo ay ku dhex milmeen bulshooyinka kale isla markaana ay wadankii dib ugu soo celiyeen  dhaqamo kale iyo waxyaalo badan oo diinteena iyo dhaqankeena suuban aysan ogolayn.

Waxaa jira maan dooriyaal badan oo aan horey wadanka u soo geli jirin in ay  soo geliyeen. Ilaa intii xaaladda nabad gelyo ay is bedeshey Muqdisho waxaa soo noqday Qurba joog badan oo badankoodu muddo ka maqnaa wadanka, waxaanna lagu soo dhaweeyey gacmo furan iyo kalgacayl maada ay dhaqaalaha iyo dib u dhiska wadanka kaalin weyn kaga jiraan, balse waxaa soo baxay arimo badan oo fool xun ilaa magacii loo bedelo DAYUUS BARO iyo DHAQAN CELIS, waxaana sheekoo badan oo naxdin leh oo qurba joogta iyo qorax joogta kala gaadhey.

Somalidu waxay ahayd 100% islaam balse hadda waxaa la qiyaasayaa in 3% ilaa 5% ay diimo kale galeen, inkastoo aysan jirin tirokoob rasmi ah, waxayna u badan yihiin Qurba joogta waxana odhan karaa waa hadafyadii ugu waa weynaa ee loo daad gureeyey Soomaalida wadamada reer galbeedka, dhanka kale shirkii Inbagaati ee Kenya waxaa jirey xubno ku dooday in ay yihiin Masiixiyiin oo ay qaybtooda ku doonayaan, sidoo kale Dawladda iyo maamuladaba waxaa ku jira xubno masiixiyiin ah iyo kuwo u adeegaba.Dhinaca fusqiga Qurba joogtu marka ay yimaadaan Soomaaliya waxay u dhaqmaan sidii dad tumash iyo tameshle ah, Huteeladda Muqdisho iyo xeebta Liido waxaa ka socda waynu ognahay sidoo kale gobolada.

Dhul Boobka:- Haddii aad tagtid Maxkamadaha iyo garaha dhulka meelaha lagu hayo waxaad ogaanaysaa in Qurba-joogtu ay kaalin weyn ku leedahay oo labada dhinacaba laaluushka iyo dhul boobkaba ku lugleeyihiin, sidoo kale dhulalka gacmaha badan ay kala iibsadaan ee dawladdu ay leedahay waxaa iibsada Qurba-joogta. Dhulkuna waa Arimaha sababa Dagaal beeleedyada iyo Amni darada.

Maciishadda iyo Nolosha:- Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo magaalooyin kaleba waxaa beryahan dambe laga dareemayey kulayl dhinaca maciishada daruuriga iyo nolosha kaleba ,waxaa heerkii abid ugu sareeyey gaadhey guryaha, huteelada, makhaayadaha iyo daruuri kale oo nolosha, waxaana la odhan karaa Muqdisho way u sii dayrinaynaa danyarta, waxaana u sababa ah arimo ay la ka dambeeyaan Qurba-joogta soo "Copy-garaysay" reer galbeedka.

Qoraalkaan waxaa Muqdisho nooga soo diray Fatuux Diiriye Ducaale

Fatuux waxaad kala xiriri kartaa: Fatuh77@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.