Dekedleyda iyo Dagaaladda Sokeeye ee Soomaaliya Maxaa ka dhexeeya?

Cali Xirsi Kaarshe "Kabayare" — Baryahaan waxaa Dalka ku soo cusboonaaday Dagaallo Sokeye iyo xasilooni daro ka bilaabatay Gobolada Sool iyo Sanaag, Gobolka Gedo, Gobolka Galgaduud, Jubada Hoose iyo Shabeelada Hoose.
Faallo Keydmedia Online
Dekedleyda iyo Dagaaladda Sokeeye ee Soomaaliya Maxaa ka dhexeeya?

Dalka waxaa ka jiray xiligii ay dawladii dhexe ee kacaanku dalka xukumaysay Afar Dakadood oo waaweyn oo loogu talagalay in dhaqaalaha dalka lagu kaabo, bulshadana loo fududeeyo inay helaan adeega bulshada ee daruuriga u ah, sida haday doonayana inay wax dhoofsadaan ama ay wax la soo degaan.

Dekadahaasi waa dekedda Berbera, dekedda Boosaaso, dekedda Muqdisho, iyo dekedadda Kismaayo. Waxaa ayana jiray dekado yar yar oo kaabayaal ahaa oo ay ka mid ahaayeen dekedda Saylac, Hobyo, Marka,  dekadda Baraawe iyo kuwa kale oo aad u yar yaraa, lakaiin dekadahaas yar yari wax badan oo saas ah kama soo degi jirin kamana dhoofi jirin, laakiin sida ay ii sheegeen rag xog ogaal u ahaa qorshihii dawladdii kacaanka mudooyinkii ay sida xooga ah u waday dib u dhiska dalka in ay ugu jirtay qorshaha labaad, in marka afartaas dekedood la dhiso kuwaan yaryarna lagu xijin doono si ay u kaabaan deegamada ka fog fog dekadaha waaweyn ee afarta ah.

Qorshahaasi wuxuu ahaa qorshe aad u wanaagsan inkasta oo aan lagu wada guuleysan balse wajigiisii koowaad uu dhamaaday lana arko waxtarkiisii iyo sida loogu najaxay waqtiyadii dagaalada sokeeye iyo haddaba.

Haddaba burburkii dalka ka dhacay iyo dagaaladii sokeeye ee la galay waxay sababaeen in degaamadii ay dekedahaasi ku yaaleen ay qabsadaan kuna shaqaystaan kaligood siyaasiyiinka soo jeeda dadkii degaan ahaan ka ag dhawaa ama u badnaa dhulka ay ku yaalaan dekedahaasi qaranka Soomalaiyeed iyo shacabka Soomalaiyeed ay wada lahaayeen lana doonaayey inay si siman u wada intifaacsadaan.

Waxaa dhacday mudooyinkii fawdada iyo nadaam la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.