Dhacdo Ugub: Suleymaan iyo Ahmed Silaanyo

Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo) - Suleman Gaal iyo Ahmed Silaanyo waxay ka wadaan geyga Darawiisheed ee Cayn iyo Sool waxay la mid tahay dhacdo ugub oo ka baxsan xeer Soomaaliyeed. Waxaa lala socda laba beelood in dagaal dhexmaray. Sababta ugu weyneed ahay dhul fidsi lagu samaynayey degaankii loo aqoonsana Daraawiishta.
Faallo Keydmedia Online
Dhacdo Ugub: Suleymaan iyo Ahmed Silaanyo

Beelaha Soomaaliyeed waa dhici jirtay inay dagaalaman; waana la dhex geli jiray; waana hesheen jireen. Beelaha Soomaliyees abaaruhu markay dhacaan, tigaad iyo tayo kaleba way ka raadsan jireen  degaan aan kooda ahayn. Xeerku wuxuu ahaa in la soo dhoweyo ayagoo marti ah. Ma ahayn kula lehi iyo xoog baan kaga qaadi dhulkaaga.

Darawiish dhulkoodii nabad ku jooga ayey,  markii hore beeshooda ku taageereen dhul fidsi; markii xigayna ciidan maamul soo direen oo dad badan xasooqeen, hanti badana burburiyeen.

Labada beelood ee siyaabo badan isugu xirin, waxay ahayd in Suelman Gaal iyo Ahmed Silaanyo ay dhexdhexaadiyaan oo nabad raadiyaan mar haddii ay dawlad sheeganayaan.

May yeelin oo talo way seegtay; waxay soo direen ciidan maamul oo aad u hubaysan. Waxay la safteen beesha ay u dhasheen. Waxay ay ku kaceen waa mid  khilaafsan deris wanaaga beelaha; nidaam dawladnimo. Waxay jebiyeen xeerkii Soomaaliyeed.

Suleyman Gaal iyo Axmed Silaanyo waxay ilaabeen sababtii ku kaliftay inay jabhadeeyaan ayagoo  ka mid ahaa Wasiiradii dawladii Mohamed Siyaad. Waxay galeen Ururkii SNM markii ciidankii Qaranka Soomaaliyeed si fool xun loogu  adeegsaday la dagaalanka beel. ka mid ah beelaha dega goboladii Waqoyi Galbeed.

Dawladdii Soomaaliyeed wax yaabihi riday ee burburiyey waxaa ka mid ahaa Jabahadii ka dhiidiyey u adeegsiga ciidan Qaran la dagaalanka beelo gaar ah.

Maanta waxa ay ku kacayaan Suelman Gaal iyo Ahmed Silaanyo waxay la mid tahay arrintii  gardarada ahayd ee taliskii Mohamed Siyaad kula kacay beeshooda.

Suleyman Gaal iyo Ahmed Silaanyo miyey ilaabeen tariikhdaas mise way is ilowsinayaan? Sow ma oga inaan qof, beel iyo ummada toona quri caaradii lagu cabiidin Karin? Sow ma oga kula lehi waxaadan lahayn inay gardaro tahay.

Madaama nimanka sheeganaya dawlidnimo  ay la safteen tolkooda, waxaan ugu baaqaya odayaasha, waxgaradka, haweenka, culimaidiinka iyo dhamman inta nabada jecel ee ku nool geyigaas  inay ku cadaadiyaan Suelman Gaal iyo Ahmed Silaanyo inay ciidamadooda kala baxaan degaanka Daraawiishta. Marka xigana , guddi dhexdexaad ah saaraan oo si dhab ah u soo afgarta gulufkaas coladeed ee dhex yaala labada beelood.

W/Q: Danjire, Axmed Cabdi Xaashi ( xasharo)




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.