Sheekooyinka Xabsiga Aduunka Ugu Weyn!

Cumar Nuur (Keydmedia) - Munaasabado loogu Dabaaldegyo Maalinta Qaxootiga Adduunka oo ku beegan Maanta oo Khamiis ah, ayaa waxa ay ka kala dhacayaan guud ahaanba Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, lakiin Nolosha "Xabsiga Aduunka ugu weyn" sidee tahay?
Faallo Keydmedia Online
Sheekooyinka Xabsiga Aduunka Ugu Weyn!

Waxaa si wayn uga soconaya Xeryaha Dhadhaab Dabaal degyo ay samaynayaan Hay’adaha Samafalka iyo Shacabka Qaxootiga ah ee ku sugan Xeryahaani Dhadhaab kuwaa oo Xaflado ku aadan Maalintaani ku qabanaya Goobo kala duwan oo ku yaalla Xeryahaan Dhadhaab.

Maalinta Qaxootiga adduunka oo ah maalin guud ahaanba Caalamka loo asteeyay Maalin Qaxooti ayaa waxaa Xeryaha Dhadhaab 24-kii Saac ee ugu dambeeyay laga dareemayay saan saan ay dadka Qaxootiga ah ku soo dhawaynayaan Maalintaani Caalamiga ah.

Inkastoo Amniga Xeryaha uu yahay mid aan laysku halay karin xilligan oo aad uu liita hadana (500,000) Nusmilyanka Qaxootiga Soomaalida ah ee ku dhaqan Xeryaha Dhadhaab ayaa waxa ay ku dhiiradeen inay Dareenkooda ku muujiyaan 20-ka June oo Maanta ku beegan.

Lakiin Qof dhibaateysan oo Dhahaab ku nool muxuu ku falayaa Munaasabad iyo Xaflad loo bixiyay "Maalinta Qaxootiga Adduunka"? Ma Dhibaata heysata ayee ka qaadeysaa?

"War waxaan Cunno ma heysano, waxey noo tareysaa Xaflad?" "Waxaan ku jirnaa Xabsiga Aduunka ugu weyn" sidaas waxaa jiri 20 Sano Jir kunool Xerooyinka Dhadhaab oo Keydmedia la hadlay.

Liibaan Rashiid waa Gudoomiyaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Xerada IFO, waxaana uu ka waramay sida uu u arko Maanta oo ay Taariikhdu ku beegantahay 20 June loona dabaaldagayo Maalinta Qaxootiga Adduunka.

“Runtii Xeryahani Dhadhaab waxa ay yihiin Xeryaha ugu wayn Adduunka islamarkaana ay ku jiraan Soomaalida ugu badan ee dalka dibadiisa Qaxooti ku ah sidaa darteed, waxaan leeyahay dhamaan Soomaalida Qaxootiga ku ah Sanadkaan kiisa kale Alle hanaga dhigo kuwo dib ugu laabta dalkooda Hooyo oo Nabad ah" Sidaa waxaa yiri Liibaan Rashiid.

Dhibaatooyinka haysta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab oo aan hal Qormo iyo wax lamid ah lagu soo koobi Karin ayaa waxaa kamid ah Dhibaatooyinkaasi xurriyad la’aan joogta oo haysata dadkaasi sida iyaga oo aan ka bixi karin Gudaha Xeryaha islamarkaana aadi karin Magaalooyinka waawayn ee ku yaalla Gudaha Wadanka Kenya.

Ma




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.