In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Haba isaga ekaadaan qacda hore, hab dhawaqa xarfaha iyo soo saaridda erayada, haddana aad ayey u kala duwan yihiin, markaad u sii dhabba gasho, gaar ahaan umadaha ood wadaagta ah ama dariska ah, kuwaas oo ay adag tahay in la kala saaro marka hore, hadaad aqoon fiican loo lahayn, ama aan laga garan luqadda iyo afka ay ku hadlayaan.
Qormada Maanta waxaan ku eegaynnaa waxa naga soo galay dhanka Carabta, guud ahaan Aadanuhu waa isa saameeyaa, waxayna kala yihiina: “saameeye iyo la saameeye”, ujeedka iyo qaab saamayntu kala duwan, waxayse isugu wada ururayaan “qabsasho iyo maarayn”, saamaynta waxaa ugu xun midka ku dhaca: “Dhaqanka hiddaha Afka iyo maanka”, ayna ka dhalato is liidid iyo is qiima tir, loona arko qofka kale inuu kaa sarreeyo ama wax ku dheer yahay.
Darisnimida Carabta xiriirka ganacsi iyo diin wadaagga ka sokow, wadanka waxaa yimid Carab ka soo qaxday cadaadiskii maamulladii xukunka ku loolamayey, waxayna Soomaalida ka heleen soo dhawayn wacan iyo martigalin wanaagsan, waxaase abaalkaa maanta lagu magay: “tarxiil tacaddi iyo baddoo lagu daadsho!”.
Doodo xooggan ayaa ka taagan Carabnimda Soomaalida, waana meesha sartu ka quruntay, ayna sii xoojisay Soomaalida oo ku biirtay Jaamacadda Carabta iyo mashruucii loo baxshay Carabaynta Soomaalida ee la magac baxay: “Man anta? Ana Jamac”, oo buugaag loo soo daabacay, haddana aan dhaqangalin xilligii dawladda, haddaba maxaa dhacay burburkii dawladda ka dib? Waa jawaabta aan ku baadi goobaynno qormada.
Dalka gees-ka-gees waxaa ku faafay hay
Add comment
Comments