Dhextaal Weyn oo u Dhexeeya Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed!

Dr. Saciid Ciise Maxamud — Shacabka Soomaaliyeed waxey ka Rajo dhigeen Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed oo si khaldan u fasirtay awoodiisa, isaga oo xilkiisa uu u xuubsiibtey darajada Madaxweyne ku xigeenka iyo inuu yahay caaqilka guud ee dhexdhexaadiya khilaafka Dowlada, sidaasna ku hantay buuxinta awooda xilka Maxkamada Dastuurka.
Dhextaal Weyn oo u Dhexeeya Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed!

Baarlamaanku waa qareenka Shacabka, afhayeenkiisuna waa fuliyaha dareenka uu xambaarsan yahay codka shacabka. Shacabka Soomaaliyeed waa ay ka dhamaatay kalsoonidii ay u hayeen Baarlamaanka, wayna ku qasaareen garyaqaanimada wakiilnimadooda, afhayeenkii shacabkuna wuxuu howl ka dhigtay inuu xilka la wadaago madaxtooyada oo shaqadiisu ay ku soo aruurtay safaro dibeda oo u muuqda mid uu ku muujinayo buuxinta kaalinta xilka madaxweyne ku xigeenka iyo wada xaajoodyada howl maalmeedkiisa buuxiya oo aan miro dhalka lahayn, kuwaas oo uu kula dhexjiro madaxtooyada iyo madaxda xukuumada.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la soo gudboonaadey duruufo wadata dhibaato badan oo ka qabsatay xukuumadooda, maamulada ka dhisan dalka, mucaaradka hubeysan, wadamada deriska, iyo kuwa Carabta. Weli shacabku kama helin xukuumada adeegyadii dowlada sida nabadgelyada, garsoorka, iyo maamul dowlad wanaag ku dhisan oo ka hirgala dhamaan degmooyinka Soomaaliyeed. Waxaa intaas dheer in xoriyadii hadalka, warbaahinta, iyo fikirka siyaasadeed ay xukuumadu caburineyso si loo daboolo kartixumida madaxda dowlada oo ku guuldareystay gudashada xilalkooda.

Waxey ahayd baarlamaanka in si dhab ah uu u qaato cabashada codka shacabka, kana dhabeeyo meelmarinta wax ka qabadka cabashada dadweynaha iyaga oo adeegsanaya awooda codkooda ay ku tixgelinayaan wax ka qabadka edeymaha ku saleysan musuqa ka dhexjira hayadaha dowlada, howlgudasho la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.