Diasporada reer Galmudug oo baaq kasoo saaray “Heshiskii” Galmudug iyo Puntland

Diasporada reer Galmudug - Heshiiskii dhexmaray maamulka Galmudug iyo Puntland 15kii Feb. waa la akhriyey, nuxurkiisa muuqda iyo kiisa dahsoonna waa la faaqiday. In bulshada deriska ah heshiis dab ah isla galaan oo nabad lagu wada noolaad, wixii xumaadana is-tixgelin iyo is-afgarad lagu dhammeeyo waa soo dhawaynaynaa, taasoo cid walba dan u ah. In lays kaashado oo hadba dhinaca ay u dheelido laysla toosiyo, daris-wanaagna laysku dheehmo waa mid bogaadin mudan.
Faallo Keydmedia Online
Diasporada reer Galmudug oo baaq kasoo saaray “Heshiskii” Galmudug iyo Puntland

Mar haddii ayna jirin dawlad dhexe oo magac iyo muunad leh oo awood iyo waxqabad ku dhaadata, waa lagama maarmaan in gobollada is-kood isu maamula ay wax wada qabsadaan, xagga: Siyaasadda, kobcinta ilaha dhaqaale, sugidda ammaanka, daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, is-dhexgalka bulshada, ganacsida iyo iskaashiga dhaqaalaha, taakulaynta dadka abaaruhu ku habsadaan,  aafada kale ee dhaciigiga, iwm.

Dibu-heshiisiin Dhab ah

Heshiis baa hore loo galay 1992dii waxaana wada  sixiixday 2da nin oo labada deegaan ugu kalsoonida badanaa- Waa Caydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf. Xurmaynta heshiiskaas iyo xakamaynta colaadda baa Galmudug weli ku yuururtaa. Intii muddo 19 sano ah oo heshiiskaasu jirey reer Puntland 4 jeer bay heshiiskaas jabiyeen oo duulaan hubaysan kusoo qaadday koofurta Galkacio, halkaasoo dhimasho , dhaawac iyo barakacba laysu geystey, waxaana ugu dambaysey kii dabayaaqadii sannaddii lasoo dhaafay ka dhacay miyyiga Gaalkacio, daandaansigii hore iyo gacan-qaadkiina waxaa lahaa bulshada Puntland.

Arrintaasu waa rahman tahay oo weli lagama heshiin, cid walba ayayna dan u tahay in lasoo gabagabeeyo.

Garoonka dayuuradaha ee Galkacio waa hanti qarameed oo weliba ku yaal dhinaca koofureed, haddana puntland baa ku amarku taaglaysa oo martida iyo socotada Galmudug ku dhibta,  canshuurta kasoo xerootana lalama qaybsado. Xoog kuma haysan lahayn ee waa  xurmayn daris wanaagnimo, taasoo aan weli nala garan.


Goodiga iyo santaaglaynta Puntland way sii badatay, siiba intay heshay hubka lixaadka leh, iyo ciidamamo loo tababaray. Waxay kaloo Puntland ku naaloonaysaa xiriirrada wax-ku-oolka ah oo Cabdullaahi Yuusuf iyo Cumar Cabdirashiid ku kobciyeen maamulka Farole. Yaa ballan-qaadaya in heshiiska Garoowe lagu soo kala sixiixday uu ka duwanaan doono kii Cabdullaahi Yuusuf iyo Caydiid isla meeldhigeen?

Mar haddii heshiis laysu soo horfariisto, waxaa lagama maarmaan in laga wada  xaajoodo, dhibaatooyinkii rahmanaana sidii loo xallin lahaa. Waxaa qumanayd in wax layska yiraahdo xadgudubkii loo gaystay xoolodhaqatada iyaga iyo geeloodiiba ciidan carbiyaysan iyo hub dawladeed lagu laayey bishii Dishembar ee dabayaaqadii sannaddii hore. Waa arrin qabyo ah oo dhammaystir weli u taagan.

Daaqsinta iyo xareedda roobka marka lagu dagaallamo, hormoodka bulshada ee labada beelood ayaa nabadda curiya, inta xurguftu kala gaartana iyagaa dhibka u sima. Dhacdadii Dishembar  xallinteeda waxaa iska leh cuqaasha, ugaasyada, nabadoonnada iyo indheer-garadka bulshada deegaanka ee deriska ah, dabagalkeeda iyo hirgelinteedana iyaga ayaa u faradhuuban. Ma aha arrin nin siyaasi ah u taal oo berriba maamulka ka tegi kara.

Dadka Iyo Geela La Laayey Yaa ku Caana Waaya

Geela la laayey caanihiisa bulshada Galkacio wada deggan bay dan u ahayd. Ninka la dilay wuxuu daajin jirey hasha caanaheeda la wada cabbo. Ninka iyo hashiisa oo la wada dilo ama daaqsintii oo loo diido waxay u dhigantaa caano la’aan, taasoo wada taabanaysa dhallaanka  Galkacio 2da dhinac ku nool.


Wajiga Dhabata ah ee Puntland Heshiis ula Gashay Galmudug waxaa kamid ah:

A - Xiisaha weerarrada colaadeed ee Puntland ku qaadday Galmudug bishii Dishembar albaabbo badan bay Puntnland kasoo xirtay, waxaana lagu xujeeyey inay nabadayn iyo heshii abuurto. Nuqulka heshiiska Galmudug iyo Puntland isla gaareen wuxuu u gogol-xaarayaa inuu Farole la yimaado waji cusub oo nabadda ka taliya, sidaad darteedna uu kusoo furto wixii hakadka ka galay.

B - Puntland oo dunida u muujinaysa inay nabadaynta ku hawlan tahay, markhaatina ka dhigata heshiiska ay Galmudug la gashay.

C - Puntland oo isku hallaynaysa hubla ay haysato, waxay damacsan tahay inay weerar ku qaaddo deegaan shidaal lagu tuhunsan yahay, waxaana hadda xabbaddu ugu jirtaa deegaanka Buuhoodle oo ay isku haystaan Somaliland.

Galmudug baa ku xigi doonta, marka ay u suurtogasho.

Gunaanad:

b-In heshiiskii la gaaray 15kii Febraayo loo arko inuu gogolxaar u yahay mid kale oo lagu xalliyo arrimaha Galmudug ka tabanayso xadgudubka maamulka Puntland.

t-In labada maamul soo  abaabulaan heshiis dhaqameed bulsho oo ay hoggaaminayaan  waxgaradka dhaqanka beelaha dhibku kala gaaray, labada maamulna ansixiyaan dhaqan-galka heshiiskaas.

j-In gegida dayuuradaha Galkacio loo sameeyo maamul labo-geesood ah, haddana isku dhafan oo maamulkeeda, dayactirkeeda, tayaynteeda iyo dakhliga kasoo xeroodana intaba loo siman yahay.

x-In heshiiska aanu soo jeedinay oo lagu xallin doono arrimaha Galmudug tabanayso lagu hirgaliyo muddo 60 maalmood gudahood ah oo laga bilaabo 1da bisha Maarso,2011ka.

Wa billaahi Tawfiiq.
Diaspora-da Reer Galmudug.
m.kulmiye.cc@googlemail.com





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.