In Doorashada heerkan soo gaarto nimanbaa abaalkeeda leh
Waxaan uga jeedaa Qoraalkeyga qudbadii shalay uu jeediyay Ra,iisal Wasaare, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo waayahanba shacabka Soomaaliyeed la dhacsanaayeen ficilkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa , isaga oo noqonayaa shaqsi u qalma jagada loo doortay go,aamada uu qaadanayo ee wax ku oolka ah.
Ayaa noqotay mid rajo gelisa umada badhkeed inta samaha jecel.
Waxaa inta badan dadka wax qora iyo saxaafaaduba la soo boodaan oo buunbuuniyaa haddii qofka qalad ka dhaco balse way ka gaabsadaan inay buunbuuniyaan wanaaga qofku la yimaado iyo wadaniyada.
Waxaan qoraalkan maanta qalinka ugu qaatay inaann ugu hanbalyeeyo arimaha uu ka hadlay Mudane Ra,iisalwasaare Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, wadan dhinac walba ka burburay isu taagay inuu dib u soo abqaalo isaga oo muujiyay geesinimo hadalkii uu ka dhawaajiay ee ku diiday inuu u hogaansamo Qaladaadaadka bulshada caalamka iyo Faragelinta dowladaha shisheeye iyo qaramada midoobay.
Waxuu Dhahay: "beesha caalamku xaq umala inay dhinacay doonto noo rogrogto, oo siday rabaan naga yeelaan" waxaan soo xasuustay gabay xigmad badan oo abwaan soomaaliyeed tiriyay oo odhanayay
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne. Dheddigaanshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada e. Haddayan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene. wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine. Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.
Waxaa eraygaasi cadaynayaa inuusan ahay fekerkay dadka qaar qabeen ee ahaa waxaa keensaday amerika oo waa nin maraykan ah . Waxaa kale oo uu cadaynayaa inuu diiday waxyaabaha ergayga qaramada midoobay u doonayo inuu ku sanduleeyo sida dhaqaalaha iyo caawimada ay sheegtaan.
Waxaa jira wadamo badan oo aan lahayn bad oo afrika ah qaramada midoobayna aysan caawin oo aan lahayndhulbeereedka aan leenahay oo kale qaarkood saxare yihiin oo hadana maamul iyo nidaam iyo dowlad leh waxaana ay ku nool yihiin nabadgelyo iyo wanaag iyo is garabsi.
Waxuu ka dhawaajiyay mudane farmaajo aan isku tashano , waa eray muhiim ah dhamaan aqoonyahanka ,indheergaradka , culumada haweenka , dal iyo dibad haddii dowlad naf iyo maal loo huro dowladii hore ee kacaankaba waxaa lagu dhisay iskaa waxuqabsee waxaa la gaadhi karayaa guul shaqsi walba oo soomaaliyeed haduu bishii sadex maalmood u shaqeeyo wadankiisaa ama maal haku bixiyo ama xoogiisa waxaa imanaysaa inaan ka maarano in laynagu handado Dhaqaalaha laydinka goynayaa.
Gumaysigii shalay waxuu ahaa wadan wadan xoog ku qabsaday hadaba wadamada reer galbeedku waxay u bedeleen inay jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u soo marsiiyaan gumaysiga wadamada dhibaatadu ka jirto iyada oo meeshii xooga ahayd dhaqaale loo adeegsado laysugu diro iyo kuwa lagu hanjabo ina laga gooynayo.
Waxaa kale oo aan doonayaa inaan is waydiino. Maamulgoboleedka sita calanka soomaaliyeed ee wali tagaan waxaan ahay maamul goboleed ka mid ah xukumaada federaalka ah ma dowladbaa la mid ah dowlada dhexe mise waa maamul iyo xubin ka tirsan federaalka?
Side bay macquul u noqon kartaa dad leh hal madaxweyne iyo hal ra,iisal wasaare in hadana ay ku yimaadaan dhawr qaybood oo mid walba goonidiisa loo casuumo.
Tusaale wadankan aan anigu ku noolahay waa wadan federal ah waa 26 gobol oo ay ka dhaxayso dowlad iyo calan gobol waliba waxuu si toos ah u hoos tagaa madaxda dowlada federaalka iyo baarlamaanka federaalka waana wadan looga hadlo afar luuqadood oo kala duwan mana jirto xitaa luuqad si guud uga dhaxaysaa , gobol waliba waxuu xor yahay maamul hoosaadkiisa iyo danaha gaar ahaaneed ee bulshada ku dhaqan gobolkaas, xeerka cashuuraha, shaqooyinka, garsoorka, iyo dhamaan hawlaha maamulka dowliga ah oo dhan waxay ka soo baxaan xafiiska federaalka warqad walba oo codsiya waxaa loo dirayaa caasimada oo ah xarunta federaalka
Soomaalida iyo federaalka maamul goboleedyada hada jiraa waxaad moodaa inaysan aqoonba u lahayn maamul goboleedka iyo macnihiisaa oo ay u malaynayaan inay yihiin dowlado iskaashi ka dhaxeeyo iyaga iyo dowlada federaalka ah.
Dowlada federaalka ah waa hooyada maamul goboleedyada iyadana ayaana masuuliyadeedu saarantahay maamul goboleedka wax tabanayaa xaq uma laha inuu jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u dacwoodo ee waa inuu baarlamaanka dalka hordhigaa xukuumada iyo madaxda sare waxuu ka tabanayo mooshina loo qaada oo ilaa xitaa wasaarada cadaalada iyo garsoorka ayaa ah xarunta kala saari karta madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowlada ku meelgaarka ah.
Wada Tashiga uu ku baaqay ergayga qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya waa mis ujeedo gaar ah xanbaarsan maxaa loogu tashan waayay dalka gudihiisaa maxaa diiday inay maamulgoboleedyada madaxdoou tagaan caasimada oo ay ka qaybqaataan dhismaha qaranka
Yaa ka mamnuucay inay baarlamaanka la xaajaystaan oo ay sifo sharciya wax ku doonaan.
Shalay waxaa dalka dumiyay jabhado magacyo qabiil wata , waxaa ka daba yimid hogaamiye kooxeedyo nin waliba meel xoog ku haystay, waxaa ka daba yimid wadaado is biirsaday oo mid waliba ujeedo gaar ah watay, waxaa hada xaaladu maraysaa jufoland oo beel waliba waxay samaysatay calan iyo astaan u gaara beesheeda iyada oo aan sifo sharciya iyo wax dastuur ah midna u soo marin waxaa ka jira ugu yaraan dalka soomaaliya marka laga reebo laba maamul maahee inta kale meel waliba waxay leedahay 9 madaxweyne iyo sagaal magac oo kala duwan.
Dowlada federaalka waxaa la gudboon inay xadayso siday horeba uga dhawaajisay xeerka maamul goboleedka , waxaa kale oo la gudboon in la dhamaystiro dastuurka dowlada oo laga saaro dowlada ku meelgaarka , lagana dhigaa dowlad dhamaystiran iyo xisbiyo la abuuro xisbiyaduna aysan noqon sida dowlad goboleedka ee la cayima tirade xisbiyada dalku yeelan karo.
Waxaa cad in mahiga uu doonayaa inuu abuuro khalkhal siyaasadeed iyo khilaaf hore leh oo ku tartansiinayo maamulgoboleedyada iyo dowlada federaalka ah inta badan waxay soomaalidu ku andacootaa ama ku doodaa gacan shisheeye ayaa nagu jirta hadaba maaha sidaas ee shisheeye kalkaalka iyo dadka fuliya danaha shisheeyaha ayaa madax ka dhiganayaa.
Waxaa cadaanaysaa shaqsi kasta oo ka mida maamul goboleed iyo dowlada federaalka ah oo ka qayb gala wax aysan bulshada soomaaliyeed dani ugu jirin inuu yahay cadowga koowaad ee dalka iyo dadka waana inay bulshada soomaaliyeed xuquuqdooda raadsadaan kana kaaftoomaan dadka aan istaahil xilalka loo dhiibayo ee dantiisa gaarka ah ku fushanayaa.
Soomaaliyeed sanad walba heshiis cusub iyo wadan cusub oo qandaraas ku qaata dani mawgu jirtaa, waxaan hore u soo aragtay , wadamo badan oo shirar lagu qabtay wax midho dhal ahna aan keenin maxaa sababay marka dowlad la soo doorto laba sano ama sadex sano ka dib in shir dib u heshiisiina lagu baaqo oo wadamada deriska ah lagu qabto.
Bulshada soomaaliyeed waa inay taageeraan fekrad awanaagsan go,aanka golaha wasiirada iyo baarlamaanka oo muujiyay talaabo geesinimo leh waxaa kale oo ah inay bulshada soomaaliyeed banaanbax ku taageeraan horumarka siyaasadeed ee ay samaysay dowlada ku meelgaarka ah.
Bulsho waxaa hogaankeeda qaban kara qof ku socda haykalkiisa siyaasadeed iyo himilada wadankiisa balse nin hogaanka loo hayaa ma keeni karo horumar iyo hanaan dowladeed, Isku soo duub waxaad moodaa inay bilaabatay saxansaxo dowladeed oo lagu diirsan karo
Dadkuna waxay doonayaan , dad diran oo dedaalayaa daacadna ay ka tahay xilkaa degta sare u sudhan.
Dubaaqa waxaa ku jiray
Dareenka yguna lahaa
Dadkani dirac kuma jiroo
Damiir ruux lehi ma hadhin
Dadkii hore waa madheen
Duulkani waa dhuuniraac
Dab iyo waxa baxay iftiin
Dadbaa jira wali dal jecel
Dagaalka aduunka iyo
Duriinka galbeedka iyo
Duliga uu mahiga wado
Ragbaa diidee ogoow
Allayle dadbaa u kacay
Duulkii soomaaliyeed
Digtooraa soo dig yidhi
Danteeda horseedayoo
Dawo nabad noo sidoo
Dedaal iyo sama wadoo
Ka diiday waxay wadeen
Ninkii dalka daafaciyo
Ninkii dulmigaa naciyo
Ninkii danta doorbidiyo
Daryeelka dadkiisa iyo
Wadani daacada noqdaa
Dib waa loo wada xusiyoo
Dadkuna taaluu u sudhi
Diiwaankooday ku qori!!!
______
Waxaa Qoray: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Add comment
Comments