EXCLUSIVE

Diiriye Maxamed Siyaad Barre: Aabahey kaligi Taliye wuu ahaa!

Wareysi uu Cali Saciid Xasan la yeeshay Wiilka Maxamed Siyaad Barre, Diiriye Maxamed Siyaad Barre oo ay soo qabteen Ciidamadda Jabhadda USC, 1991. 

Faallo Keydmedia Online
Diiriye Maxamed Siyaad Barre: Aabahey kaligi Taliye wuu ahaa!

Kaligii Taliyahii Siyaad Barre wixii uu falay ee uu fuliyey ee foolxumooyin ahaa waxaa kamid aheyd in Bulshadda Soomaaliyeed oo dhan u noqoto wax ku qaadasho, Khibradda iyo waayo-aragnimo, siiba Qofkii taladda Ummad Hogaankeeda Maalin soo mara/qabta. Hadaba waa kan Wiilka Siyaad Barre oo afkiisa ka sheegaya in Aabihiis uu Kaligi Taliye ahaa.

Wax ma garadku waa sida Wankoo kale, ilaa u darbiga madaxa ku garaaco ma arko daruuraha. Haddaba Qofkii shalay wixii la soo maray aan xusuusneyn dhacdaddan Taarikhiga ah ha u noqoto mid u marwalba maanka ku haysto.

Daawasho wacan | Xuquuqda Muuqaalkaan waxaa iska leh Cali Saciid Xasan. 

{youtube}

KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.