DILKA QORSHEYSAN - YAA KA DAMBEEYA?

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - QEYBTA 1-AAD - Waa arrin la yaab leh oo ugub ku ah maamulka Dawladnimo, hase ahaatee waxaa aad loo rumaysan yahay in dilka ku socda madaxda dawladda iyo indheergaradka bulshada ay ka dambeeyaan xubno kamid ah madaxda TFG iyo TFI.
Faallo Keydmedia Online
DILKA QORSHEYSAN - YAA KA DAMBEEYA?

Wixii ka dambeeyey sannadkii 1996 iyo afduubkii dagaal-oogeyaasha oo xasillooni-darrada ku riday gobollada koofureed ee Soomaaliya ilaa sannadkan 2011, waxaa bilaamay dil ugaarsasho ama qarxin lagu laayo aqoonyahan xul ah oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, saraakiil sare iyo indheergarad magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa intaas kasii daran in dawladdu qariso ama marin habaabiso ka salgaaridda xaqiiqada cidda dilalkaas ka dambaysa iyo in maxkamad soo hortaago gacan-ku-dhiigleyaasha falkaas fuliya.

Marka loo eego nidaamka la saluugsan yahay oo ku dhisan 4.5, dilkaasu wuxuu ku dacaa xubno ku abtirsada beelo isku wada isir ah. Madax xafiiltan siyaasadeed lagu dilo waxaa u horreeyey mudane Cabdalle Deerow oo ahaa af-hayeenkii TFG-da Iaad oo mudane Cabdiqaasim S. Xasan uu madaxweynaha ka ahaa.

Mudane Cabdalle Deerow Baydhabo ayaa lagu dilay waqtigii xukuumaddai TFG-da Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmad uu Madaxweynaha ka ahaa.

Cabdalle Deerow wuxuu ahaan aqoonyahan ku xeeldheer hoggaaminta Golaha Shacbiga, hase yeeshee jagadaas waxaa loollan ba’an u galay Mudane Shariif Xasan Sheikh Aaden oo ugu dambayna ka fallaagoobay dawladdii Cabdullaahi Yuusuf.

Kuwii dilay mudane Deerow goobtii geerida ayaa lagu qab-qabtatay welina maxkamad lama soo hortaagin. Maxaa dawladdu u hortaagan tahay in la kashifo ciddii dilkaas ka dambaysey?

Madaxda dhaliilaha usoo jeedin jirtey maamul-xumada hoggaaminta Golaha Shacbiga oo gaadmada lagu qarxiyey Hoteel Shaamow 3dii Dishembar, 2009 waxaa kamid ahaa professor Ibraahin Xasan Caddow, Dr. Maxamad Cabdullahi (Waayeel), Drs. Qamar Aadan Cali iyo Saleebaan Colaad Rooble oo intuba ahaayeen xul aqoonyahanno ah oo ka tirsanaa maamulka TFG-da ee garabkii Djabouti lagu soo dhisay.

Qaraxii Hoteelka Shaamow waxaa kaloo lagu dilay takhaatiir qalin-jabisay, Professorro jaamacadda dhiga, ardo weli jaamacadda dhigata, waalidiintood, eheladood iyo qaar kamid ah saaxiibbadood. Inta ku dhaawacantay oo suxufiyiin u badan oo dhaguhu qarxeen ama si kale wax u gaareen waxaa kamid ahaa:

Cabdulqaadir Cumar Cabdulle, Cumar Cabdisalaan Macallin, Maxamad Cabdi Xuseen, Liibaan Cabdi Caddow, Maxamad Aweys Muddey, Khaalid Xaji Maki, Ismaaciil Cali Cabdi, Xasan Subeyr Xaji Xasan, Maxamad Amiin Aaden iyo Maxamad Daahir.

Dhammaantood waxay ahaayeen dhallinyaro aqoonyahan ah oo faalloon jirey marin-habaabinta maamulka Golaha Shacbiga, waxayna u shaqayn jirey wargeysyada kala ah: Xurmo, Universal, IQK, Horn Afrik, Somali Weyn iyo Reuters. Dhibka intaas baaxad leh dawladdu waa ka gaabsatay in dabagal lagu sameeyo, waayo waa fal isla madaxda dawladda hoggaamisa ay ka dambayso.

Hadday manta inkiraan waxaa jiri doonta maalin lagu caddayn doono. Aargoosiga lagu dilay madaxda kor ku tilmaaman waxaa aad loo rumaysan yahay inay ka dambaysey xurguf siyaasadeed oo dhemartay iyaga oo dhinac ah iyo gaar ahaan 2da Shariif.

Garab kamid ahayd ururkii ICU oo Asmara isku aruursatay ayaa Djabouti usoo go’day, waxayna heshiis la galeen TFG-da Cabdullaahi Yuusuf uu madaweynaha ka ahaa. Waxaa loo arkay inay yihiin qayb qunyar socod ah, waxayna qaateen taladii iyo tusaalooyinkii UN-ka, tan IGAD, gorgortankii Mudane Cabdullaahi Yuusuf, iyo gaar ahaan bogaadinta Dawladda Djabouti oo danaynaysey in Soomaalidu wada heshiiso dawladna dhistaan.

Garabka Djabouti usoo go’ay waxaa madax ka ahaa Mudane Shariif Sheikh Axmad oo af-hayeen u ahaa ururka ICU. Shariif Xasan oo kasoo fallaagoobi jagadii Af-hayeenimada Golaha Shacbiga oo xaruntiisu Baaydhabo ahayd ayaa kusoo biiray xulufada Djabouti, isagoo u taagan jagadii af-hayeenka Golaha Shacbiga iyo cad buro ah oo loogu sii daro.

Garabka Djabouti raggii kamidka ahaa hase yeeshee dib uga noqday is-bahaysiga cusub markay ogaadeen khiyaanada lagu dhisay TFG-da II waxaa kamid ahaa: Mudane Ibraahim Xasan Caddow, Mudane Maxamad Cabdullaahi (Waayel), Cumar Idris iyo Suleimaan Colaad. Cumar Idris waa mayd weli nool. Daqiiqado kahor inta aan qaraxu dhicin ayaa Cumar Idris hoteelka looga yeeray si uu telefoon kula hadlo qof dumar ah. Isla markiiba qaraxii baa dhacay cumarna waa ka badbaaday.

2da Shariif baa gawska ku qabtay is-barraxa raga kor ku xusan, waana la filayey in aargoosi ka dambayn doono?

Dilka aqoonyahanka aan gacanta hooran waxaa kaloo kamid ah xildhibaannadii lagu qarxiyey Hoteel Muna 25tii Aggosto, 2010 oo rag door uhu ku le’deen in bandanna ku dhaawacantay,o, waxaana kamid ah marxuumyada kala ah:
Idris Muuse Cilmi, Buulle Xasan Macallim, Geeddi Cabdi Qadiid iyo Maxamad Xasan Macallim Nuur. Waxaa kaloo lagu dhaawacay xildhibaannada kala ah:

Cali Cabdulqaadir Macallim, Cali Maxamuud Cabdi, Axmad Sheikh M. Maxamuud, Maxamad Caateeye Fariid iyo Isaaq Ibraahim Cali. Daqiiqado kadib marka qaraxaasu dhacay, Shariif Xasan Sheikh Aaden ayaa goobtii shilka yimid, wuxuuna soo kor-istaagay raqdii maydka iyo dhaawicii halkaas daadsanaa sii u xaqiijiyo geerida raggii ay xafiiltanka siyaasadeed lahaan jireen oo halkaas ku hoobtay. Dawladdu waa ka gaabsatay ciddii qandaraaska dilka ka dambeysey, halkaas ayaana lagu daayey.

Yaa Madaxda Dila, Maxaase Loo Dilaa

Dilka madaxdu waa qandaraas waxaana hoosta ka wada siyaasiin abaabusha aargoosi dhasoon iyo xafiiltan awood-bursi, taasoo hortaagan in la gaaro loollan siyaasadeed oo xalaal ah oo nabadgalyo lagu gaaro, bulshaduna horumar ku gaarto.

Inta ilaa hadda xaqiiqadeeda la ogsoon yahay, abaabulka dilka waxaa qorsheeya oo maalgeliya mas’uul magac weyn leh oo kamid ah TFI, wuxuuna adeegsadaa saraakiil ku xeeldheer dilka ugaarsashada, kuwaasoo adeegsada kooxo dilaa ah oo lagu tababaro Baydhabo oo gaadmo ama qarxis ku dila rag xul ah.

Waa qandaraas xukun-boob ku dhisan oo la filayo inuu sii socodo inta weli lagu jiro tartan ku salaysan afduub xukun iyo awood-beegasho ay koox yar ku haardamayso oo afduubtay rabitaanka iyo mustasqbalka ummadda.

Marka Keydmedia ay ku samaysay baaris muddo dheer socotey (Baaritaankaasnah wali uu socdo), waxaa la ogaaday in inta badan uu dilkanu ku wajahan yahay ciribtir aqoonyahan, siyaasi magacdheer leh iyo saraakiil hufan, nabadoonno iyo cuqaal isir qurah ku abtirsada, waana dhacdo lama filaan ku ah habmaamuuska dawladnimo, taasoo ku timid talo kasoo fushay xukun keligi-talisnimo shisheeye.  

Keydmedia waxay soo ogaatay in nin madax ka ahaan jirey ciidanka nabadsugidda ee maamulka TFG-da uu fulin jirey dilka gadmada ah, isla markaana ay dawladdu cabburin jirtey baaris lagu dabagalo cidda dilkaas ka dambaysa. Inta la dilay waxay isaga mid ahaan jireen cabashada ay kasoo jeediyaan maamul-xumada Golaha Shacbiga iyo sidii loo sixi lahaa habmaamuuska hawlfulinta laga sugayo.

Dilka aargoosiga ku wajahan waa sii fiday. Sidoo kale, waxaa Balad Weyne lagu qarxiyey wasiirkii amniga TFG-da, Xidhibaan Cumar Xaashi Adan iyo madax badan oo u shir kula lahaa hotel ku yaal Bald Weyne, 19kii Juunyo, 2009 waaxaana raggaas kamid ah:

Safiir Cabdikarim Faarax Lanqanyo, G. Sare Cabdi Yare (Shanle), G. Sare Maxamad Barre Fiidow, G. Sare Cumar Xasan Dhudi, G.Sare Yuusuf Xuseen(Timacadde), Inj. Cabdifataax Cali Xaydar, Nabadoon Faarax Cabdulle Fiidow, Nabadoon Xasan Biriqow, nabadoon Xasan Cilmi Hurre (Dirir), Nabadoon Axmad Garabey, Nabadoon Cilmi Shire, Abwaan Maxamad Cabdi Cibaar, Abwaan Cabdidhuux Guure Cali, Ganacsade Buulle Xaashi Aaden,  iyo 23 ruux oo kale oo isugu jira saraakiil iyo ciidankii ilaalinta. Inta badan raga kor ku xusan waxaa la qirayaa inayna la aragti siyaasadeed ahayn 2da Shariif.

Ceelasha Biaha Xamar waxaa lagu dilay Samadoon Maxamad Tahlii Warsame oo ku hawlanaa taakulaynta nugulka bulshada. Waxaa kaloo gurigiisa oo Muqdisho ku yaal lagu dilay injineer Maxamad Xuseen Cabdi (Caddow) oo dhaliili jirey sida gurracan oo af-hayeenka Golaha Shacbigu uu u jahawareeriyo qaab-wanaggii xildhibaannadu u shaqayn lahaayeen.

Madax dil qarxin ah lagu dilo waxaa u dambeeyey Mudane  Cabdishakuur Sheikh Xasan oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo sugidda ammaanka oo door lixaad leh ka qaatay xasilinta dalka iyo ladagaalnka nabdiidka. Keydmedia waxay soo ogaatay in inta abuurta xasillooni-darra Muqdisho ka taagan ay si gaar ah cadawtooyo u qaadeen hawlgalka marxuum Cabdishahuur uu dalka ka wadey, sidaas darteedna ay soo maleegeen habkii lagu khaarajiyey.

Madaxda Dil-Sugeyaasha ah

Madaxda hadda middidu madaxooda ku mudan tahay oo nabad-diidku gawska ku hayo waxa kamid ah:

Maxamad Axmad Nuur (Tarsan), oo ah duqa magaalada Muqdisho oo aad isugu xilsaara sugidda nabadgelyada Caasimadda Dalka. Ragga kale oo shiishku saran yahay waxaa la sheegayaa inay kamid yihiin: Mudane Maxamad Cabdullaahi Maxamad (Farmaajo) oo dhawaan iska casilay xilkii wasiirka 1aad ee TFG-da. Ragga gawska lagu hayo waxaa kamid ah nabadoon Axmad Diiriye oo had iyo jeer dunida u bandhiga dhibka bulshada haysata iyo doorkii dawladdu qaban lahayd oo baaqday.

Inta hadda loo gaatamayo waxaa kamid ah geesiga Fartaag oo kashifay hantida qaranka oo la lunsaday iyo ciida ay ku maqan tahay. Gaar ahaan waxaa 2da Shariif ku colaadiyaan mudane Farmaajo shacbiyadda inuu bulshada ku leeyahay kalsooni buuxda, hawl-qabadkiisana ay la dhacsan yihiin meel kasta oo Soomaalidu joogto.

Maxaa Dilka Sababa?

Haddii maamulka dawladda la wadaago, maxaa dilka gaadmada ku dhaca beeluhu ugu sinnaan waayeen? Cidda ugaarsigu ku wajahan yahay waxay is warsataa so’aalaha soo socda:

  • Maxaa loo ugaarsadaa aqoonyahanka iyo saraakiisha aan gacaan-hoorsiga aqoon?
  • Maxaa loo xushaa inta maankooda iyo aqoontooda cabbirta oo cidna dabadhilif u noqon?
  • Maxaa shiishka loo saaraa inta u taagan kalkaalinta bulshada oo ay ku dheehan tahay qiiro waddaninimo, …?
  • Maxay u badbaadaan kuwa la safan af-hayeenka Golaha Shacbiga?
  • Meeyey Doorkii Caddaalad-sugidda Dawladnimo
  • Maxaa loo dhis waayey maamul garsoor oo sugi kara cadaallad madax bannaan.?
  • Meeyey ficilkii iyo hawlgalkii dawlad lagu aqoon jirey…?
  • Intii ololaha dilka gaadmada ahu soday, hawlgalka ciidanka nabadsugiddu wuxuu hoos iman jirey af-hayeenka Golaha Shacbiga. Yaa u diidi kara inuu dilo, ciduna aayna dabagalin, ninkii ay siyaasad isku khilaafaan…?
  • Haddii dawladdu tahay tan ugaarsiga wadda, yaa kale oo u taagan baarista dilka dhaca…?
  • Ma waxaa dawladdu door bidday in ninkii la dilo uu reerkiisu baaro ciddii dilkiisa ka dambaysey…?

Xog-ogaalnimo Gaar-Ahaaneed

Keydmedia waxaa lasoo gaarsiiyey in kooxda wax disha ay hoos iman jireen Generaal Maxamad Sheikh Xasan oo Mudane Shariif Xasan Sheikh Aaden uu loollan ba’an u galay in madax looga dhigo Ciidanka Nabadsugidda Qaranka, hase yeeshe ugu dambayn laga qaaday xilkii markii lagu ogaaday inuu falalka dilka toogashada ah iyo kan is-qarxinta uu isagu ka dambeeyo.

Si loo raadgato, Al-Shabaab baa qandaraas lagu siiyey inay qirato dilka madaxda iyo indheergaradka, taasoo ku naalootay ugaarsiga madaxda dawladda iyo inta raacsan. Al-Shabaab wax weyn baa ka khaldan.

Madaxda la dilay ama kuwa la dili doono waa kuwo bulshada u adeega ee aan ahayn kuwa qaata gunno-shisheeye bixiyo, isla markaana la wadaaga gacansaar khiyaano qaran oo ay wadaan madaxda dawladaha aan deriska nahay.

Sii Aqriso Qeybta Labaad...! GUJI MESHAAN

Ayuub A. Aden - (ayuub.a.aden@keydmedia.net) - Sana‘a - Keydmedia.net Investigative Journalist




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.