DILKA QORSHEYSAN - QEYBTA 2-AAD

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - QEYBTA 2-AAD - Fadlan Aqriso Qeytii 1-aad - Nacayb-dilku Sidee Buu Ku Bilaamay? - Dilka aqoonyahanku wuxuu bilaamay marka 2da Shariif ay isku jiireen dana iyaga ka dhexeeya awgood sannadkii ugu horreeyey maamulka TFG-da II. Xildhibaannada iyo golaha wasaaraduhu waxay la kala safteen 2da Shariif.
Faallo Keydmedia Online
DILKA QORSHEYSAN - QEYBTA 2-AAD

Nin walba cadaw buu u arkay ninka aan la jaalka ahayn oo raacsan kan kale. Inta ilaa hadda lasoo xuuraamay, waxaa xog-ogaalku rumaysan yahay in Shariif Xasan Sheikh Aaden uu ka dambeeyo dhacdooyinka dilka gaadmada ah oo lagu laayo xulka beelaha sida gaarka ah loo ugaarsado, isagoo adeegsanaya ciidan qarsoodi ah oo isagu adeegsado.

Shariif Skeikh Axamad waa la socdaa dilka ugaarsiga ah oo sidaas ku wajahan mana meel mariyo in baaris qoto-dheer lagu sameeyo cidda ka dambaysa. In kasto la hayo baaris gaar-ahaaneed oo ay soo uruuriyeen eheladii dadka laga laayey oo ku saabsan dambiileyaal maxkamad lasoo hortaagi karo, haddana gacan-ku-dhiig qura weli lama soo eedayn maxkamadna lama soo taagin…!

Eheladii raga laga laayey waxay Keydmedia soo gaarsiisay in dilka aqoonyahanku uu bilaamay markii Generaal Maxamad Sheikh Xasan loo dhiibay waaxda Nabadsugidda Ciidanka Boliiska.

Shariif Xasan ayaa magacabiddiisa gogortan kula galay Shariif Sheikh Axmad. Eheladii raga laga laayey waxay ilaa hadda xaqiijinayaan in Shariif Xasan Sheikh Aaden uu soo xulo aqoonyahanka aan isaga soo baalgelin oo ka dooda hoggaan-xumada haysata Golaha Shacbiga iyo sidii loo sixi lahaa. Waxay wada ahaayeen madax talo iyo tusaale ka bixin jirey hab-wanaaggii baarlamaanka lagu hoggaamin lahaa.

Keydmedia waxaa lasoo gaarsiiyey in ragga Hoteel Muna lagu qarxiyey labo xildhibaan oo kamid ahayd inay kasoo jeedeen gobollada Bay iyo Bakool, waxayna farafootan siyaasadeed dhexmartay iyaga iyo mudane Shariif Xasan. Qarxiskaas daqiiqado kadib, Shariif Xasan Sheikh Aaden baa goobtii burburka yimid oo soo kor istaagay maydka iyo dhaawaca halkaas daadsan, isagoo hubsanaya geerida raggaas.

Dhaawacii shilkaas ka samata-baxay baa qiray in Shariif Xasan uu halkii ka noqday isagoo dhoollo-cadaynaya oo aan gacan ka geysan sidii gurmad loogu fidin lahaa dhaawaca goobtaas daadsanaa.  

Ehelada raggii ugaarsiga lagu laayey waxay Keydmedi soo gaarsiiyeen in Shariif Xasan Sheikh Aaden uu bixiyo hubka iyo hantida maalgelinta loo adeegsado dilka siyaasiinta lagu laayo, gunno ayuuna ku bixiyaa inta shiishku saran yahay. Shariif Xasan cadaw buu u arkaa aqoonyahan kasta oo cabbira maankiisa, ama dhaliilo kasoo jeediya maamul-xumada hoggaamiyaha Golaha shacbiga, dabadeedna wuxuu ku daraa tirada shiishku saran yahay oo qabri-sugeyaasha ah.

Markii Madaxweynuhu ogaaday in Generaal Maxamad Sheikh Xasa uu ka dambeeyo, wuxuu amar ku bixiyey in sargaalkaas lasoo xiro oo baaris lagu sameeyo ololaha dilka madaxda dawladda. Si taasu u dhicin, Shariif Xasan gorgortan adag buu u galay inaan Gen. Maxamad Sheikh Xasan la xirin si ayna u kashifmin cidda maleegta qorshaha dilka madaxda.  

Shariif Xasan wuuu ku guulaystey badbaadinta inaan Maxamad Sheikh Xasan, hase yeeshee wuxuu ku gorgortamay in la ruqseeyo oo aan la dabagelin, taaso ah sida ugu fudud oo Gen. Maxamad Sheikh Xasan lagu badbaadin karey. Gen. Maxaamad Sheikh Xasan wuxuu hadda gacanta ku hayaa ciidanka kaydka u ah mudane Shariif Xasan Skeikh Aaden oo suga nabadgelyadiisa, haddana weli u taagan ugaarsiga madaxda naqdiya maamulkiisa.

Dilka Siyaasadda Ku Saalaysan Waa Dhacdo Ugub Ah

Qurbajoogtu wax weyn kalama socdaan dhaqankii soo jireenka ahaa oo ummadda xeerka u ahaa jirey oo  maangaab siyaasiin isku sheega ay dhalan rogeen. Mucaarad waa jiri jirey haddana lama dili jirin. Iyo xukun-jeclaysi, nin kasta oo booba hantida qarankana wuxuu adeegsadaa dhacdooyin fool xun oo ay kamid yihiin haddadaad iyo dil gaadmo ah. Waxaa intaas kasii daran dawladda oo aan dabagal ku samayn baarista cidda dilalkaas ka dambeeya.  So’aalaha qurbo-joogtu is-warinayaan waxaa kamid ah:

- Aqoonyahanka iyo indheergaradka dilka ku wajahan ma loollan xukun kala-jiidasho ayuu ku salaysan yahay mise waa gumaad loola jeedo xulka kasoo jeeda beelo si gaar ah loo neceb yahay…?

Dilka madaxda keliya ku kooban ma aha dhaco lagu timaami karo shil lama filaan. Madax iyo indheer- garad badan oo la laayey waxaa lagu dilay qorshe la abaabulay oo ka dhaca goobaha dawladdu gacanta ku hayso.

Marka dil toogasho ama is-qarxin lagu dilo madax dawladda ka tirsan ama indheergarad dawladda raacsan, ciidanka nabadsugidda waxaa laga filayaa inay dilkaas baaris qotodheer ku samayso oo ka salgaarto ciddii ka dambaysey falkaas foosha-xun ilaa laga helo gacan-ku-dhiiglaha, ciddii hoggaamisey, ciddii maalgelisey iyo ciddii qorshaheeda soo abaabushay, kuna maalgelisay,iwm.

Waxay ahayd in dhacdooyinkaas looga doodo Golaha Shacbiga oo laga soo saaro xeer looga hortago cidda u heellan dilka gaadmada ku salaysan. Waxay ahayd in madaxda dawladdu ka xumaato falkaas xun oo ku tallaabsato sugidda nabadgelyada madaxda dawladda. Waxay ahayd inay magacawdo guddi madax bannaan oo dabagala arrimaha ku saabsan dilka gaar ahaaneed isla markaana ay dhisto maamulkii caddaaladda sugi lahaa. Waxay ahayd in dib loo raaco marxuum kasta ciddii ay xinif siyaasadeed dhexmartay, iwm.

Xuuraan kasta oo si guud ama si gaar ah loo ogaaday, dawladdu daboolka ayay saartay oo bulshada waa laga qariyey. Waxa xuuraakna dahsoon sameeya waa eheladii raggaas la laayey. Ma ahayn in madaxda hoggaamisa dawladdu soo maleegto ugaarsiga nindoorka bulshada, haddana qiic ku qariso cidda ka dambaysa.

Waxaa hubaal ah xogta Soomaali weyn dhextaala in maalin walba wax laga ogaan doono, sidaas darteed, ehelada raggaas gaadmada lagu laayey ay ka salgaari doonaan cidda falalkaas ka dambaysa

Marka Dilaaga & Baaruhu Isku Nin Noqdo

Marka dilaaga iyo dambi-baaruhu isku nin noqdaan dambi kasta oo dhaca lagama salgaaro, nadaamkii dawladnimana waa la garab maray. Madaxda haysa hoggaanka dawladda waxaa ka lumay haybaddii, karaamadii iyo kalsoonidii shacabigu u qabey, waana maanta halka ay arrintu taagan tahay.

Keydmedia waxay soo xuuraantay in qorshaha dilka aqoonyahanka iyo indheergaradka laga soo minguuriyey maamulka Meles Zenawi si dalka looga dhawro cid bulshadu ku kalsoon tahay oo ay ku jirto qiiro waddaninimo iyo hawl-qabad mas’uulnimo; waxaana hawlgalkaas ka dambeeya koox u darbban afduubka qaranimada si ay masiirka dalka u hoos geeyaan maamul Xabashiyeed. Mudane Maxamad C. Maxamad- Farmaaggio waxaa casilaaddiisa sabab u ahayd rabitaanka bulshadu ku qabtey daacadnimada maamulkiisa iyo ilaalinta qaranimada Soomaaliyeed.

2da Shariif Waxay Isaga Mid yihiin… Waxay Ku Kala Duwan Yihiin

Siyaalo badan marka loo eego, 2da Shariif wax badan bay isaga mid yihiin, wax yarna way ku kala duwan yihiin. Waxay isaga mid yihiin si jaalnimo ah bay ku wadaagaan:

Labada Shariif waxay isaga mid yihiin inaan nabad iyo xasillooni marna dalka ka dhicin. Inay al-Shabaab si dahsoon gacanta ugu hayaan oo aan marna laga adkaan. Waxay isaga mid yihiin inay xukunka kusii raagaan iyagoo adeegsanaya farsamo kasta oo qorshahoodu ku hirgeli karo, kulay ku tahay addegsi dil gaadmo gaadmo kui salaysan. Labada Shariif waxay isaga mid yihiin inayna dalka iyo dadka midna daacad u noqon. Inaan cadaalladda la sugin, kan dhinta iyo kan dhaawacmana laga tallaabsado.

Inayna dib usoo noolayn adeegyada daryeelka bulshada sida: Daryeelka caafimaadka, waxbarashada, nadaafadda, taakulaynta agoonta iyo nugulka bulshada, biyo-gelinta iyo xiriirinta korontada magaalooyinka, shaqo-abuuridda guud, iwm.

Labada Shariif waqti uma hayaan inay u diir-naxaan kuwa barakacay, kuwa badaha ku dhinta, kuwa abaaruha ku cayrtooba oo baahida iyo oonka u le’da.

2da Shariif waxay isaga mid yihiin boobka hantida qaranka oo ciduna ciduna la xisaabtamin cid kale. Ma doonayaan in jahliga laga baxo oo ilmuhu wax bartaan oo jiil aqoon luhu usoo barbaaro. Ma doonayaan in nabad lagu noolaado oo horumar la gaaro. Ma doonayaan in la helo daryeel bulsho iyo naruuro lagu tanaado. Ma doonayaan in dalku ka baxo qalalaase siyaasadeed, burbur hantiyeed iyo saboolnimo bulsho.

Ma doonayaan in laga xoroobo gacan-ku-hayn shisheeye. Ma doonayaan innuu dhismo nadaam dimuqraadinimo ku salaysan dalka ka hirgalo. Waxay doonayaa inay xukun shisheeye dugsadaan si ay madaxnimada ugu waaraan. Waxay u taagan yihiin abaabul joogto ah oo ku salaysan awood bursi iyo curin xasarad colaadeed. Bulshada oo dhan waxay u arkaan xoolo saylad ku jira oo lacag lagu maquunin karo.

Labada Shariif aad bay u neceb yihiin aqoonyahanka wax fanida oo hawlqabadkooda dabagala, dabadeedna kula xisaabtama. Waxay neceb yihiin qofka dalka daacad u ah oo shacbigiu aaminsan yahay oo aan cidna dabadhilif u noqon. Marna kuma fakaraan inay jiilka daambe hambo u dhaafaan oo si sharaf leh xukunka u wareejiyaan iyagoo ka tusaale-qaadanaya Marxuum Aaden Cabdulle Cusmaan.

Wax yar bay 2da Shariif ku kala duwan yihiin:

Sharif Sheikh Axmad dilaa ma ahan, hase ahaatee waa ka tallaabsadaa maydka hortiisa daadsan oo taageeriayaashiisa ah oo dartiis loo ugaarsado. Ma laha karti iyo hufnaan uu ku hoggaamiyo maamul qaran, madaxda dawladdana kula xisaabtamo. Wax walba oo u qabto waa ku-meel-gaar looga gudbo hakad markaas jira ee ma ahan maamul dawladeed oo sii nagaada. Waa nin aad ugu nugul gorgortanka siyaasadeed iyo lagdanka sad-bursiga, kamana dabaaqtamo cidda maleegta dhagarta maldahan oo curyaamisa maamulka uu madaxda ka yahay. Weli ma dareensana in la minguuriyey qaranimadii Soomaaliyeed oo hadda lagu hoos jiro xukun ajnabi, iwm. Weli ma dareensana in Meles Zenawi ama Yoweri Museveni ay Soomaaliya madaxweyneyaal ka yihiin, iyaguna ay yihiin shaabbad lagu danaysto.

Siyaabo badan baa Shariif Xasan uga duwan yahay Shariif Sheikh Axmad waxaana kamid ah: Lama gabbado waxa uu doonayo- gar iyo gardarraba, tiisa ayaana meelmarta iyadoon ku salaysnayn hab dawladeed. Waa nin khamaara oo wax walba u quuraa siduu uu yoolka uu tiigsanayo u gaaro, kulay ku tahay wareejinta qaranimada Soomaaliyeed.

Ma xurmeeyo xilka uu ummadda u hayo, umana arko in awoodda Golaha shacbigu tahay mid shacbigu leeyahay. Hoggaaminta maamulka Golaha Shacbigu wuxuu u haystaa bakhaar raashin yaal oo milkiiluhu xirto ama furto marka sicirka badeecaddu kordho. Shariif Xasan Sheikh Aaden wuxuu yaqaan dhagar gaamurtay oo uu hankiisa ku gaaro, wuxuu doonana uu ku kala furfuro. Kama xishoodo dhacdooyinka ugubka ah oo ka baxsan dhaqanka iyo xeerka soo jireenka ah ee ummadda, wuxuuna u gacan togaaleeyaa inuu marooqsado awood uusan daw u lahayn.

Wa keligi taliye aan dalka hore usoo marin oo u dagaalama inuu gacanta ku hayo maamulka dawladda iyo kan Golaha Shacbiga. Wuxuu aad ugu kalsoon yahay inuu kusoo baxo hormuud siyaasi ah oo aan la loodin Karin oo ku adeegta haddadaad, dil, argagixin iyo ugaarsasho aqoonyahanka iyo indheergaradka ummadda oo aan isaga la aragti ahayn.  Adeegsiga laashuusha ayuu aad u rumaysan yahay, waxaana halhays u ah in nin lacag leh uusan marna himiladiisa ka gaabin.

Shariif Xasan waxba uma hambeeyo jiilka dambe, ma qiyaasi karo wuxuu ku dambayn doono, waxaase jirta in kelige-taliye kasta oo ummaddiisa ku xadgudba uu darxumo ku dambayn, taariikhda ayaa taas markhaati ka ah.

Ayuub A. Aden - (ayuub.a.aden@keydmedia.net) - Sana‘a - Keydmedia.net Investigative Journalist




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.