? “Dilka Shaqaalaha Shabeelle, Waa Mid Ay Idaacadu Ku Lug Leedahay…!?”

Warbixin - Keydmedia Online | Dilalka iyo Ugaarsiga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa sidaan horey usoo Qornay ujeedadoodu waxay tahay daminta Saxaafada horta ah, iyo waliba caburinta Wariyaasha, si looga hortago Xaqiiqada.
Faallo Keydmedia Online
? “Dilka Shaqaalaha Shabeelle, Waa Mid Ay Idaacadu Ku Lug Leedahay…!?”

Saanadkii la soo dhaafay wuxuu ahaa Sanadkii aduunyada la dhaafsiiyay Suxufiyiintii ugu badnaa, waxaana la dilay ku dhowaad 20-Wariya oo ka howlgalayay magaalada Muqdisho iyo gobalada Soomaaliya.

Majirto sabab cad oo loo haayo Dilka wariyaasha Soomaaliya, iyo waliba cida ka danbaysa ilaa iyo iminka, sidoo kale ma jirto cid lala xisaabtamay oo loo soo qabtay in ay xataa ku lug lahayd dilalka.

Inkastoo ay jiraan cadow ay leeyihiin dhamaanba suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta Soomaaliya ayaa hadana mar waliba waxaa dhibaatada ugu badan ay soo gaartaa suxufiyiinta ka howlgala idaacada Shabeelle ee magaalada Muqdisho.

Wariye Cabi Xareed Cusmaan Adan oo kooxo hubaysan ay ku toogteen degmada Wadajir ee gobalka Banaadir ayaa ugu danbeeyay Wariyaal dhowr ah oo la dilay, kuwaasi oo ka shaqaynay idaacada Shabeelle ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2012 oo la dilay 18-Wariye ayaa Afar ka mid ah wariyaashaasi waxay ka tirsanaayeen idaacadaan, waxaana sidoo kale Afartaasi Wariye Sadax ka mid ah lagu toogtay Muqdisho.

Sidoo kale idaacadaan 10-Sano oo ay shaqaynaysay ayaa waxaa naftooda ku waayay ilaa iyo 10-suxufi oo ay sadax ka mid ah ahaayeen Agaasimeyaal, waxaana ugu danbeeyay Agaasime Xasan Cusmaan Cabdi oo la dilay bishii Janaayo ee Sanadkii hore.

Waxaa lays waydiinayaa sababta ka danbaysa ugaarsiga lagu haayo Wariyaasha guud ahaan, gaar ahaan kuwa Shabeelle, iyo waliba cida ka danbaysa dilalka loo geesto shaqaalaha idaacadaan.

Ugaarsiga Wariyaasha - Keydmedia Online

Qaar ka mid ah dhageestayaasha idaacadaan iyo Aqoonyahano ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qaba cadow badan oo ay leeday idaacadaan in ay ka danbeeyaan dilalka suxufiyiinta ka howlgala.

Mid ka mid ah Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo aanan noo ogolaan in aan Magaciisa adeegsano, lana hadlay Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho ayaa sheegay in ay shaqaalaha Shabeelle dilkooda ay tahay mid ay idaacadu ku lug leedahay, taasi oo uu sabab kaga dhigay in ay idaacadu sheegto Warar aanan ku salaysnayn sharciga Saxaafada.

“Dhamaanba waxaa la qaaday isbaarooyinkii yiilay magaalada Muqdisho laakiin waxaa hartay hal Isbaaro oo u baahan in la qaado, Isbaaradaasina waa idaacada Shabeelle.Sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Gudoomiyaha Gobalka ayaa wuxuu sheegay idaacadaan in ay tahay mid waxa ay doonto iska sheegta isla markaana ay tahay meel uu ka hadlo Qof walba oo la cag dhiiba, waxa uu doono ha ahaado, cida uu doonana wax ka sheego.

Idaacada Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa jawaab ka bixisay hadal kaasi Tarsan, iyadoona ku jawaabtay warar, iyo warbixino lid ku ah sharafta Masuulkaan, isla markaana ka hor imaanaya Anshaxa Saxaafada.

Dhanka kale waa farabadanyihiin Shaqsiyaadka iyo Kooxaha u arkaan inay Falalkooda Toosh ku iifineyso sidaa daraadeednah doonaya in in la Aamusiyo Idaacada Shabeelle.

Radio Shabeelle

Idaacada Shabeelle waxay ka mitahay idaacadaha ugu waaweyn magaalada Muqdisho, waxaa idaacadaan markii ugu horaysay la furay Sanadii 2002, waxaana xiligaasi laga furay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose, labo sano ka dibna waxaa loo soo raray magaalada Muqdisho.

Idaacadaan waxaa iska leh milkiyad ahaan Cabdi-Maalik Yuusuf Maxamuud oo ah nin degan haatan magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska.

Inkastoo ay idaacadaan tahay idaacadaha ugu horumarsan magaalada Muqdisho oo ay dadku dhageestaan, hadana majirto kalsooni badan oo xiligaan lagu qabo wararka ay sheegto idaacadaan.

Dad baa waxey ku eedeeyaan inay Weeraro shaqsi ah iyo Magac-Dil ay ku samaysay Siyaasiyiin Soomaaliyeed , taasinah keentay in idaacadaan ay lumiso qaar ka mid ah dhageestayaasheeda.

Horaantii Sanadkii hore ayaa idaacadaan waxay sheegtay War ah in Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya C/qaadir Jaahweyn uu dhacay hanti badan oo ay lahayd wasaarada warfaafinta oo uu ku jiray qalab warbaahineed, hay’adaha danbi baariska ayaa Shabeele amar ku siiyay in ay Wararka ay sii deyneeso soo cadayso.

Is qab qabsi badan ka dib markii Shabeelle ay waxaysay wax cadayn ah, ayaa idaacadaan waxay raali galin buuxda ka bixisay, warkaas waxayna qiratay in uu ahaa been abuur.

Sidoo kale dhamaadkii Sanadkii tagay ayay baahisay idaacadaan, war kale oo ku saabsan in ay Garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho ay ku dagaalameen Xaasaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, maadaama sida ay sheegeen diyaarada uu raacayay madaxweynaha ay ka banaaneed labo boos oo kaliya oo ay fariistaan asaga iyo hal xaas, sidaasi darteedna ay halka boos isku qabsadeen Labada xaas.

Idaacada Shabeelle hadey Qaladaad gashay Dadku waxey sabab uga dhigayaan Milkilaha oo aan Xarunta Idaacada ku sugnayn iyo Idaacada oo aan Tifaftire Heybada Saxaafaddeed dhowra laheyn. Waxaa kaloo dhaca in aan la Kontroolin Wararka ka baxa Idaacada Asal ahaan meshee kasoo jeedaan.

Waxaa la inkiri karin in Idaacada Shabeelle ay Dadka Soomaaliyeed ilbixisay, inay soo saartay Guutooyin Wariyaal ah, inay furtay Qaabka Wareysi iyo Doodo aan Soomaaliya horey usoo marin. Waa Idaacad Khadiim ah oo Qaali ah oo loo baahanyahay in sidaan loo dhaamo.

Keydmedia Online - [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url] | Wakiilka Xafiiska Muqdisho & Wakiilka Xafiiska Nairobi




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.