Dilka Ugaarsiga & Waxqarxinta - Daawo Video

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Guud ahaan Dilka gaadmada ah iyo Is-Qarxinta Muqdisho u badan dhowr ulajeeddo ayay ku salaysan yihiin, waxaana kamid ah: Dilka Madaxda TFG-da oo isir-raac ku wajahan, Dilka ku salaysan Aqoonyahanka iyo Culumada Diinta, Dilka ku salaysan aargoosiga iyo argagixinta, Dilka loo adeegsado yaan lagaa badin tartanka Madaxnimada, Dilka & qarxinta xasarad-abuurka loo adeegsado, Dilka ku raad leh haysasho hanti qof oo la boobay.
Faallo Keydmedia Online
Dilka Ugaarsiga & Waxqarxinta - Daawo Video

Xaaladahaas kor ku xusan iyo kuwo kale oo weli lagu raad-joogo waxay ku salaysan yihiin in Mustaqbalka Muqdisho la dumiyo oo laga go’doomiyo xagga nabadda, xasilloonida, horumarka iyo Caasimadnimada Dalka.

Sidoo kale, waxaa Maalgelin lagu sameeyaa in rajadii Nabadda iyo xasilloonida la cabsigeliyo si aan Aqoonyahanka iyo maalqabeenku ugu usoo hawoon inay Muqdisho kusoo laabtaan oo curiyaan nonol tanaada iyo horumar nagaada.

Falalkaas waxaa adeegsada maangaab Siyaasi isku sheega iyo Dagaal-oogeyaal Qabiilnimada ku dhaata oo dil ugaarsi ah iyo hagardaamo isir-raaca ku haya Gobollada dhexe iyo kuwa Koofureed.

Yaa Loo Aanaynayaa Faldambiyeedyada Muqdisho ka Dhaca?

Xaqiiqada ilaa hadda la hayo, ololaha Dilka iyo Qarxinta hadda Muqdisho ka socda ma ahan Al-shabaab cidda ka dambaysa ee waxaa ka dambeeya haraadigii Ciidankii Dhafoor-Qiiq oo hadda lagu soo biiriyey Ciidanka TFG-da.

Taariikhada Dhafoor-Qiiq

Dhafoor-Qiiq waa Ciidan dilaa ah oo gaamuray oo uu abaabulay Cabdullaahi Yuusuf Axmad abaabulay Sannadkii 1978-dii si uu u dhabar-jabiyo Dawladdii Kacaanka ilaa 1991.

1991-2004-dii Ciidankan waxaa la wareegay Gen. Maxamad Siciid “Moorgan” si uu hirgeliyo Qorshihii la magacbaxay Qoto Daarood oo la dhiso gobollada Jubbooyinka Hoose iyo Gedo. Sheekada Qoto Daarood ka Aqriso Keydmedia.

2007-2009: Dhafoor-Qiiq waxaa dib ula wareegay Cabdullaahi Yuusuf oo TFG-da Madaxweyne u noqday, Dhafoor-Qiiqna waxaa lagu biiriyey Ciidankii TFG-da oo lasoo dagaal galay Xabashida si burburiyo Islamic Courts iyo bulshada ku nool Muqdisho iyo gobollada Koofureed.

2011: TFG-da waxay wax ku qaybsataa Nidaamka Isir-raaca ku salaysan 4.5 sidaas darted baana Ciidanka Dhafoor-Qiiq lagu soo biiriyey kan Qaranka, waxaana si rasmi ah u meeleeyey Wasiirka 1-aad Cabdiweli M. Caligaas.

Sida ilaa hadda la ogsoon yahay, ciidanka Dhafoor-qiiq ayaa ka dambeeya xasaradaha ka dhaca Muqdisho oo ku salaysan baas-abuurka, dilka gaadmada ah, is-Qarxinta iyo Argagixinta Bulshada Gobollada Koofureed oo Muqdisho tahay xuddunta gobolladaas.

Sidoo kale Madaxdii Ciidanka Dhafoor-Qiiq waxay kamid noqdeen Maamulka Ciidanka TFG-da, waxayna abaabulaan: Xulka cidda is-qarxinaysa, qorshaynta bartilmaameedka la qarxinayo iyo cidda la Qarxinayo, diyaarinta qalabka wax lagu Qarxiyo, badbaadinta abaabulka wax Qarxiya, daboolidda dambiileyaasha wax dila ama Qarxiya, maalgelinta dhacdooyinkaas, sii-daynta gacan ku dhiigleyaasha wax dila, iwm.

Dhacdo Kooban

Nin dilay 26 Qof oo lasoo xiray oo dambigii lagu caddeeyey ayaa lasii daayey ayadoo amarku kasoo fulay Xafiiska Wasiirka 1aad. Ninkaasu haadda waa xor oo Muqdishu ayuu dhexmushaaxaa wuxuuna weliba ka qayb-qaataa falal kale oo noocaas ah.

Maxay ku dhacday?

Bulshadu waxay rumaysan tahay in ninkaas iyo kuwe kale oo wax dila ama Qarxisa ay ku adeegtaan gaashaanka Madaxda sare ee TFG-da. Ciduna ma mooga in dilaaga Dhafoor-Qiiq uu ku daaqayo gaashaanka Cabdiweli M. Caligaas oo Ciidankan isaga ilaaliya ay dhammaan Dhafoor-Qiiq yihiin.  

Dhacdo kale oo layaab leh…!

Dabagal ku sameeya Baabuurkii wadey walxaha Qarxa 4-tii Dishembar 2011oo lagu qabtay KM4. Markii Baabuurkaas saldhigga la geeyey oo eedaysanihii uu qirtay inuu sido walxo Qarxa, ayaa sargaal Dhafoor-Qiiq ahu amar ku siiyey in eedaysanihii furfuro Qalabka Qarxa oo baabuurka saran.

Sow ma ahayn ninka la xiro, xog laga dhaliyo cidda wehelisa, ciidanka uu ka tirsan yahay, cidda hawlgelisay, cidda dhaqaalaha ku bixisay, inta uu lacag qaatay, cidda soo abaabushay, iwm…?

Sow ma ahayn farsamoyaqaan aqoon u leh walxaha Qarxa oo lagu kalsoon yahay oo ciidan ah inuu furfur walxaha qarxa oo Baabuurka saran…?

Sow ma ahayn goobta Baabuurku taagan yahay in laga fogaado ilaa laga furfuro walxaha Qarxa…?

Sow ma ahayn in Ciidanka saldhigga heegan oo lagu duulo oo lasoo xirxiro eedaysanaha gacanta ku siisay…? Intuba ma dhicin!

Sargaalkii eedaysanihii Buu baabuurka u diray inuu kala furfuro walxaha Qarxa. Looma arkin inuu yahay cadawga ummadda. Looma arking inuu yahay damiile mudan in la toogto?

Sow ma ahayn in arrintaas loo arko badbaadinta Qaranka iyo sugitaanka nabadgelyada Muqdisho oo cid walba dani ugu jirto?

Ma ahayn in sargaalku dayaco xilka uu Qaranka u hayo. Mudankiisu waa dambile Qaran oo mudan in la toogto. Ma rumaysna inuu u adeegahayo Qaran Soomaaliyeed ee wuxuu u adeegayaa aragti iyo lab-la kac Qabiilnimo, taasuna Dawladnimo iyo Qaranimo midna lug kuma laha. Sargaalkaasu wuxuu aaminsan yahay inuu isir-raac wax ku dilo isagoo uu hiilinaya ka ay bahnimada wadaagaan. Sargaalku wuxuu ku dadaalay inuu daboolka saaro cidda abaabulkaas ka dambaysey.

Wuxuu dan biday in ninkaasu Baabuurka Qarxiyo oo raad-raac damble la waayo. Goo dhow waxaad maqli doontaan ama arki doontaan in sargaalkaas Madax sare ku hagoogatay oo dambi lagu waayey. War maxay ku dambayn…!

Keydmedia waxaa soo gaartay oo Saraakiil magacooda rabin i la sheego u cadeeyeen in Qaraxaas lala beegsan lahaa Madaxweynaha TFG-da Shariif Sheikh Axmad, hase yeeshee Madaxweynuhu masoo marin cidkii laga filayey inuu soo maro, hase yeeshee xaqiixada dilka gaadmada iyo is-Qarxinta oo hadda Muqdisho ka aloosan waa mid dhawaan laga salgaari doono.

Inta hadda laga warqabo, abaabulka iyo Maalgelinta Dilka iyo wax-Qarxinta waxaa ka dambeeya Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dhafoor-Qiiq oo kamid ah Ciidanka TFG-da, naftihureyaasha is-Qarxiyana waxay kamid yihiin ciidaamada ku abtirsada gobollada Bay, Bakool oo dhawaan laga soo wareejiyey Al-Shabaab, haddaana Al-Shabaab u shaqeeya.

Qorshaha Ku salaysan Qarxinta Madaxda Sare ee TFG-da

Sidoo kale, waxaa xuuraan lagu hayaa oo Keydmedia soo ogaatay in Shariif Axmad uu goofka u xaaranayo inuu Madaxweyne kusoo baxo isreeb reebka Madaxnimada dhici doona Bisha Agoosto ee Sannadka 2012, hase ahaatee tubtaasu ma sahlana oo rag dhowr ah ayaa wada guuxaya inay kusii nagaadaan Madaxnimada, kuwaasoo ay kamid yihiin: Mudane Shariif Sheikh Aadan, Mudane C/maan M.Faroole, Mudane Maxamad C. Farmaajio, Mudane Cabdiweli M. Caligaas, Mudane Maxamad Qanyare Afrax iyo rag kale oo badan oo geeddi-socodka tartanka Madaxnimo wax ka wadaaga.

Haddii hanti dhaqaale guushu ku xiran tahay, hormuudyada isugu soo hari doona wareegga dambe waxaa kamid noqon doona: Shariif Sheikh Axmad, Shariif Sheikh Aadan, Cabdiweli M.Caligaas iyo Cabduraxmaan Faroole oo dhammaantood ah Maalqabeennada ugu culus ee Dalka ka jira.

Saddex jago ayaa lagu hardami doonaa: Madaxweyne, afhayeenka Barlamaanka iyo Wasiirka 1-aad, tartameyaasha hadda taaganna waa Afar nin. Waxaa la qiyaasayaa in midu meesha ka baxo, si kastaba haku baxee, oo saddex musharax ay usoo istaagto goobta fagaaraha Madaxnimo.

Yaa Shiishku Saran Yahay…?

Waxaa sidoo kale qaddarin mudan hiillada Madaxda geeska Afrika laga filayo, sida: Meles Zenawi, Museveni, iyo Kibaki oo door weyn ka qaadan doona hardanka xulka Madaxda soo bixi doonta, kuwaasoo bari-kiintaari doona tartameyaasha hayinka u noqon doona danta dawladahooda. Yay soo xuli doonaan…? Yay u hiillin doonaan…? Yay ka hiillin doonaan…? War maxay ku dambayn…!?

Talo Bixin

Si loo xasiliyo Nabaadda iyo barwaaqaynta Caasimadda Soomaaliyeed, waa in si deg deg ah loo fuliyo arrimaha soo socda:

  • In Maamulka Gobolka Banaadir uu abaabusho Ciidan u gaar ah oo nabaadda suga, kaasoo ka baxsan Ciidanka TFG-da. Waa in ciidankaas lagu maalgeliyo dhaqaalaha kasoo xerooda Dekedda iyo Gegida Dayyradaha ee Muqdisho kuwaasoo kamid ah ilaha dhaqaalaha ee Gobolku shinsado. Waa in Ciidanka Gobolka Banaadir loo xilsaaroa sugidda ammaanka gobolka Muqdisho iyo badbaadinta hay’adaha caalamiga ah iyo intii gargaarid noogu timaadda.
  • Iyadoo loo hiilinayo danta qaran, ciidanka TFG-da waa in dhaammaantood dibadda looga saaro Muqdisho oo lagu biiriyo Ciidanka dawladda ee Al-Shabaab kala dagaalamaya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
  • In dabagal hufan lagu sameeyo inta wadda shirqoollada ku salaysan dilka iyo is-qarxinta isir-raaca ah ee Muqdisho ka dhaca, maxkamad Milatari ahna la hor keeno oo lagu qaado dambiyada ay galaan.
  • In Madaxda TFG-du faraha kala baxdo baalgelinta edaysaneyaasha lagu soo qabto fal-dambiyeedka cad oo ay Gacanta kula jiraan.

Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net





Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.