Doorashada Madaxweyne…!

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - (Keydmedia.net) - Doorashada Madaxweynaha, ha ahaato midda TFG ama tan Gobollada is-maamula, waxaa soo doorta Xildhibaannada Qaranka ama kuwa Gobollada. Nasiibdarro, doorashada Madaxweynaha ma ahan mid lagu soo dooro afti ummadeed oo Qarameed ee waxaa soo doorta Xildhibaanno aan intooda badan lagu kalsoonaan Karin oo jeebkooda u daneeya.
Faallo Keydmedia Online
Doorashada Madaxweyne…!

Bandhigga fagaaraha baratanka, inta doorshada Madaxweynimada u taagan lama yimaadaan hindiso iyo qorshe Qaran oo hawlqabadkooda lagu miisaami karo, dalka iyo dadkana danu ugu jirto. Ma keenaan himilo ay ku curin karaan nabad iyo Horumarin ummmadeed.

Kadib marka Madaxnimada loo caleemasaaro, ummadda dooratay uma adeegaan, mana liiltiraan geeddi-socodka hawlqabadka Dawladnimo ee laga filayo inay lijaanka u qabtaan. Axdi iyo wacad been ah bay ku dhaartaan, hase yeeshee ma fuliyaan danta Qaran oo laga sugayo oo laga sugayo imay kasoo dhalaalaan.

Bal dib u raaca inta Madaxweyne, afhayeen Baarlamaan iyo Wasiir 1-aad oo qaadday xil Qarameed laga soo bilaabo 2004 ilaa Maantada aynu joogno oo lagu hungoobay: Madaxweyne Cabdiqaasim S. Xasan, Madaxweyne Cabdullaahi Y. Axmad, Madaxweyne Shariif Sheikh Axmad. Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan, Madaxweyne Maxamad Axmad Caalin iyo Madaxweyne Cabduraxmaan M. Faroole.

Wasiirka 1-aad oo lagu hungoobay waxaa kamid ah: Cali Khaliif Gallayr, Cali Maxamad Gheeddi, Nuur Cadde, Cumar C/rashiid iyo Cabdiweli M. Caligaas. Kuma jiro nin daacadnimo iyo hawlqabad husan kasbaday oo xukunka mar labaad dib ugu soo noqda. Waxay dhammaantood ku daaluqsanayaa waddo dhinac qurah u jeedda, iyagoo xambaarsan xashimo Magac-xumo dhaansan.

Fagaaraha Doorashada, ninka Madaxweynaha u tartamaya cidu kama gole-joog wanaagsana. Kaftanka iyo Madadaalada, dhoollatuska iyo is-barrixida Qofnimo, miduu dhagta riyo been ah ugu shubayo, miduu cod ka rabo oo uu af-been ah iyo Qalbi xiran uu ku xoodaamiyo, baallan-qaada iyo xiladalaaq aan dib loo fulin, muusanawga iyo jilbo-qabsiga dan ku- gaarka ah, is-bahaysga iyo habarwacadka awrka lagu kacsado, laaluuska uu sida qarsoodiga ah u fatahayo, dhinac walba markaad ka eegto waxaad is-leedaha ninkanu waa dadaal badan yahay oo Madaxweynenimo waa istaahilaa, codkaygana waan siinayaa. War maxaa ka dambeeyey…?

Musharrixii waa la doortay, ummaddii goobta ka Maqnaydna waxaa la gaarsiiyey in Ninka Madaxweynaha loo doortay uu istaahilo masuuliyadda Madaxweynenimo, xilka la saarayna kasoo dhalaali doon.

Isagu muxuu isleyahay?

Wuxuu is leeyahay inuu hoodaarnimadiisa uu Codka ku helay. Inuu jeebkiisa adeegsaday, xilka la saarayna uu yahay faas uu qoryaha ku gurto. Inuu ballan-qaad been ah Dadkii ku seexiyey. Inuu tolkiis taakulayn ka helay. Inuu abaal weyn u hayo Dawladihii shisheeye oo doorashadiisa maalgeliyey. Inuu uabaalgudo Beesha uu ka dhashay, cid kalena uusan dan ka lahayn.

Galinka dambe, waxaad aragtaa isagoo albaabbada ka xirtay Xildhibaannadii soo doortay oo bulsho-weynta hambalyada ugu timid oo cid walba isugu jira.

Waxaa ku gidaaman qabqableyaal bahdiisa uu kasoo naqaystay oo aan lasoo dhaafi Karin. Labo shaati buu iska korgashaday, mid walbana waqti buu ku shaqaystaa. In kastoo dadaalkiisu kooban yahay, maalintii waa Madaxweyne u yaal Qaran, habaynkiina waa Qabqable beeleed…! War is-beddelkiisu dhawaa…!

Lix bilood kadib, waxaa la maqlaa, ninkaas waa lagu khatalmay oo hawlkar ma noqon. Jeebkiisa ayuu u shaqaystaa, wuxuu wax u qabtaana waa Beesha uu ka dhashay oo keliya. Waa daanayste leexsada Hantida ummadda.

Nabadda waxba kama qabto, mana rabo inay nabad la gaaro. Waa laba-carrablaynayaa. Shisheeye ayuu gacansaar la yeeshay oo Qaranimadii Dalka rahaamad buu geliya, wuxuu ku iibsaday ballan-qaad Madaxweynenimo oo uu ku raago…! Waxba lama ahan in Qaranimada la minguuriyo oo deeq yarna la siisto…!

Sano marka lasoo gudbo, ninkiiba waa nin kale, naynaaso badan baana la siiyaa. Wax-qabadkii ummaaddu ka sugaysey beeshii uu ka dhashay buu ku gufeeyaa, kulay ku tahay leexsashada qalabka ciidamada oo Qaranku lahaa.

Sadbursi iyo hanti abuurasho ayuu mashquul ku noqday. Markuu gabo kaalintii laga sugayey, qiic buu isku qariyaa oo wuxuu abuuraa xasarado siyaasigu ku gabbado, sida: Fidno abuurid, isku dirid, colaad-kicin, nin nacaybsi iyo dil gaadmo, dhagar iyo hagardaamo jiifto ah, taas iyo in kasii daran oo uu ula jeedo inuu xukunka kusii raago.

Nin kasta oo madaxweyne loo doorto, wuxuu qaadaa jid aan kusoo noqod lahayn. In kastoo ay haanti badan u tacbadaan, haddana ma reebaan Magac wanaagsan oo waara. Magaca xun waa dhaxal foolxun, wuxuuna dhaawacaa Sharafta warasadaada, qaraabadaada, saaxiibbadaada, beeshaada iyo Aakhiradaada. Hantida la leexsatay ma waarto ee magaca wanaagsan baa waara oo jiilasha dambe kusoo hirtaan.

Ciidan shisheeye waa loo yeeran karaa markuu fulinayo dan Qarameed, hase yeeshee waa in marka hore Baarlamaanku ansixiyaa joogitaankooda, isla markaana la xadeeyaa muddada joogi- taankooda. Sidoo kale, hawlgalka “Road Map” waa in baarlamaanku faaqidaa danta noogu jirta iyo inuusasn ka horimanayn xeerka dalka u degsan.

Ummadda uma qalanto, baarlamaankana meel-ka-dhac bay ku tahay in layska liqo dacar lagu soo qooshay Kampala oo afduub ku ah rabitaanka ummadda. Ciidamada Shisheeye, inaty naga dilaan ama naga dhaawacaan baa ka badan inta ay Al-Shabaab ka dilaan. Haddana waa Ciidan Shisheeye, oo qaarkood yihiin cadaw soo jireen noo ah oo dadkeenna iyo dalkeenna midna u turin.

Haddaan Madaxda TFG hagaru kirin, maxaa loo maalgelin waayey Ciidan qarameed oo Magac iyo muunad ku leh difaaca Dalka? Maxaa Ciidankii lasoo tababaray looga dhigay Ciidan Qabiil oo loogu abuuray nadaamka gurracan ee 4.5? Maxaa Ciidan ku abtirsada Magac Qabiil u ilaaliyaa Madaxda Dalka?

Dhabnimada, madaxda TFG-da ayaa Ciidanka Qabiil u rogtay. Madaxda TFG-da ayaa dhaqanguurisay habwanaaggii Ciidan lahaan jirey. Madaxda ayaa diiddan in laga kaaftoomo ciidan shisheeye. Waa qandaraas madaxda TFG-du ku siisay madaxda dawladaha aanu deriska nahay oo ay gacansaarka Shakhsi la leeyihiin. Madaxda arrimahan ka dambaysa sow ma ahan dambiileyaal Qaran…?

Madaxdaas oo kale kama tagaan bulsho nabad ku noolaaaata. Kama tagaan maamul nagaaday oo ku dhisan hab dawladnimo. Kama tagaan aanshax suubban oo siyaasiinta jiilasha dambe ay ku dayan karaan. Madaxdanu waxay soo kordhisay qabyaaladdii lagu hayey golaha geela ayay madaxtooyada usoo rartay, ceebna lama ahay oo waxay ugu adeegtaan qalab xukuna lagu haysto.

Siyaasiga waddaniga ahu ma dhinto, mana karaama seego oo ummadda oo dhan baa u heellan. Waa loo istaagaa oo waa loo sacabbatumaa. Isaga iyo Warasadiisaba Madaxa ayaa la saaraa. Jiilka hore jiilaka dambe ayuu baraa Shakhsiyadda wanaagsan oo Taariikhda Dalka tiir-dhexaad u ah.

Siyaasiga xalaasha ah wuxuu ka tagaa Magac yididiilo leh oo ubadkiisu u aayo. Wuxuu yeeshaa astaamo karaamaysan oo lagu daydo. Cabdullaahi Ciise iyo Aadan Cabdulle Cusmaan way Geeriyoodeen, maanta ayayna ka karaama badan yihiin markay noolaayeen. Qaran-duminta Madax baa ku faanta. Goormaa la sharciyeeyey in qarandumiye yahay ceeblaawe xalaal ah?

Siyaasiga daacadka ah wuxuu dhisaa dhaqan leh habwanaag lagu daydo oo ku salaysan Madaxnimo karaamad leh. Markuu geeriyoodo kama tago daaro dhaareer oo lagu dhisay hantidii Qaranka. Kama dhinto bankiyo buuxa iyo waraso taajiriin ah, hantidiisana kuma qarsado Dalal Shisheeye. Wuxuuse ka tagaa magac lagu hirto oo tilmaan u noqda jiil dambe.

Madaxda aan xilqaadaka ku habboonayn, dantooda iyo tan qoysaskooda ayay u tafaxaytaa. Inta kale waxba kama gelin. Markii muddo yaru u hartana, waxay kiciyaan xasarado colaadeed oo aan loo bahnayn oo ummadda walaacisa.

Ujeeddada waa la garanayaa: Xukunka hala ii daayo haddii kale, waxaan dhisay baan duminayaa. Nabadda iyo xasilloonida Qaranka ama Gobolka ayaan wiiqayaa. Hore maloo arkay madax uubato ka daran oo lafta dhuux ku reebin…?

Dr. Ismail Malaas - Keydmedia.net Chief Editor - Nairobi
Ismacil.maalas@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.