Doowladaaneey ma waxa aan ku moodney, mise waxa aad inagu noqotey!

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor” - Salaanta Islaamka kabacdi, akhristaha sharafta badanoow, aan ku bilaabo’e, waxaan in badan oo ummada Soomaaliyeed ka mid ah aan kala simanaa xaga niyad wanaaga, rajo ku qabida, iyo ku faraxsanaanta dowlada maanta jirta iyo madaxda xilka qabatey, oo igala duwanaa kuwii aan kasoo daalney.
Faallo Keydmedia Online
Doowladaaneey ma waxa aan ku moodney, mise waxa aad inagu noqotey!

Waxaan ka mid ahaa Soomaali badan oo aad u taageertey dowladan Madaxweynaha uu ka yahay mudane Xassan Sh. Maxamuud, sababo badan oo jira darteed. Waa mide dareenkaa waxaa in badan igaliyey xaalada dalkeena iyo dadkeenaba eey ku jiraan. Waan ka wada dharagsannahay in aan nahay ummad bislaatey, qax iyo dagaallo sokeeye oo dabadheeraadey ku baaba’day, dhagahoodana waxkasta oo liita ee xumaanba ah eey usoo yeereen, oo eey ka dhargeen, kadib markii aan noqonney, waa sida Soomaalidu tiraahdo’e, “Wixii xunba xaawaa leh!”.

Madaxda caalamka midkastoo raba in uu Ummadiisa u digo, waan u noqonney halqabsi, “Hadii sidaa iyo sidaa aadan yeelin, waxaad noqoneeysaan Soomaaliya oo kale, ama Soomaalida oo kale IWM”. Waxaan caan ku noqonney ka ummad ahaan iyo ka dal ahaanba, ereyada niyadu dhibsatey, ee warbaahinta caalamka inala baratey ee ah: Somaali oo ah Dowlada aduunka ugu guuldarada badan, “World’s Most failed State!”, illaa Passport-geenii caalamka waxbayahay uu ka noqdey, kadib markii midkastoo Daroogo iyo waxkastoo sharcidarro caalamka ka ahba, ka ganacsigood loogu isticmaaley.

Waxaa xumaan ka sheeg iyo sumcad ka dilid si caalami ah inoola dabakacey Hollywood-ka, kadib markii la inaga sameeyey filimo Hollywood-ka caan ka noqdey sida: Black Howk down, iyadoo xooga la saarayo Askartii Mareeykanka aheyd ee dagaalkaa wax ku noqotey, balse cidi aaney ka hadleyn boqolaalka kun ee Koonfurta Soomaaliya eey ku xasuuqeen, gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Waxaa intaa inoo sii dheer in la inagu shaabadeeyey Burcad-Badeednimo filimaan bahdilaad ah oo Burcad-Badeednimada kusaabsanna la inagu sii sumcad diley sida: Midkii Captain Philips la magacbaxay, iyadoo cidina aaney ka hadleyn, Film kasameeyn iska daaye Sunta Nuclear-ka ee Xeebaheena qashin-qubka looga dhigey, ee ummadeenu eey ugu dhamaanayaan cudurada dilaaga ah ee uu ugu horeeyo Kansarka (Cancer), iyo kuwa aan laba garaneyn, ee marba iska dilaacaya.

Badaheenii kheyraadkii ku jirey oo lakala boobayo, iyadoo loo isticmaalayo Shabaagyada Mallaayga/kallunka yaryar iska daaye Ugxanta qaada ee caalamka ka mamnuuca ah lagu xaalufinayo, iyadoo Maraakiib dagaal oo tiro dhaafey oo waxbaan ilaalineeynaa dhahayana Badeena buuxdhaafiyeen. Waxaan sidaa si la mid ah caan ku noqonney waxa Reer Galbeedku ugu yeeraan “Argagixisonimada”.

Cuqaashii, Aqoonyahankii, Culimadii, marrastii iyo Birimageeydadii, iyo dhamaan indheergaradkii ummadeenu laheydna maalinkasta dilal qorsheeysan, qaraxyo, isqarxin, duqeeymo iyo waliba dagaallo isdabajoog ah eey ku wada maranayaan, ku darso inta qiimaha leh ee sirdoonada caalamka, shirkadaha calooshood-u-shaqeeystayaasha iyo Sirdoonka wadamada darisku ugaarsiga eey ku khaarijinayaan, iyadoo waxkasta si fudud la isaga saarinayo Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale la inagu shaabadeeyey in aan aduunkoo idilba Musuqmaasuq koobka u qaadney, oo aduunka kuwa ugu liita in aan nahay xaga Musuqmaasuqa la inagu sheegay. Sanadkasta warbixita hey




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.