Doqon ila dhasha iga Roon Diracyo Kenyan ah

Dr. Ali.A.Hirabe - Xeererka caalamiga meelna kagama taal in Qaran xubin ka ah Un ka iyo AU iyo ururada Carabta iyo midka Islaamka si cadaan ah loogu soo xadgudbo xuduuda uu dalkaasi la leeyahay dalka Kenya.
Faallo Keydmedia Online
Doqon ila dhasha iga Roon Diracyo Kenyan ah

Waxaad mooda in leeysku qaldayo joogitaanka dalka Somalia ciidamada Amisom oo xiligaan ku jooga rabitaanka waajibaadka ( mandate ) Un ka iyo midka AU ka halka ciidamada Kenya aayan kala tashan soo gelitaanka ururda caalamka sida midka Un ka.

R/wasaaraha Cabdiweli waxaa uu ku aragti noqday wasiirka gaashaandhiga ee Dowladda Kenya Yuusuf Xaaji iyo Faarax Macalin oo ah gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka wadanka Kenya xaqiqdii waa qaainu-wadan qayaamay qarankii uu r/waasaraha ka ahaa.

Akhritow sow lama soo gaarin in gumeeysiga aay u adeegayaan kuwa xilka u dhaartay, dhamaan inta xildhibaanada aragtida gumeeysi doonka ah muujiyay iyo r/wasaaraha waxaa quman in maxkamad la soo taago sabbabta oo ah waxaa aay ka been sheegeen dhaartii aheed in aay dalka Somalia ka difaacayaan cadow walba ee dibada iyo gudaha ka soo hajuumo.

Waxaa quman in qofwalba o Somali ah aamino halkudhig dhahaya,doqon ila dhashaa iiga roon diracyo Kenyaan ah.Al shabab oo la ogyahay in aay yihiin urur isku baheeyst aragti guracan ayaa hadana la dhihi karaa waa Somali dalka, dadka iyo diinta ayeey wax ku leeyihiin halka Kenya aayan dalka, dadka iyo diinta waxba ku laheeyn, riyadii C/aahi Yusuf ee shaqeeyn weeyday ayaa xaqiiqdii dib loo soo nooleeyay meeshii uu marayne waa la ogaa.

Kenya iyo Ethiopia oo lagu aragti noqdaa waxaa aay abuureeysaa in shacabka Somalia aay dib ugu noqdaan taageerada Al shabab sabbabta oo ah hadafka iyo ujeedada Kenya iyo Ethiopia oo gumeeysi cusub ayaanan marna shacabka aqbali Karin, Al shabab waa doqono Somali ah garan waayay xalka iyo badbaada Somalia macnaheeda maaha cidwalba ayaa ka fadli badan balse dalka,dadka iyo diinta ayeey wax ku leeyihiin,Faroole iyo Cabdiweli iyo C/aahi Yusuf weli kama aayan rajo dhigin gumeeysi u adeega, shacabka Somalia waxaa quman in umada Somali aay ka hortagaan gumeeysi walba oo dalka ku soo xadgudba.

Dhacdadaan xanuunka badan ee gumeeysi doonka ah waxaa sabbab u ah heshiiskii  Garowe ee Sh.Shariif kula galay jufada Faroole iyada oo la ogyahay in doofaar uu xalaal noqon Karin abid,waxaa aay mareeysaa in R/waasahii uu doortay noqday nin weli ku taagan hadafkii iyo ujeedadii guracneeyd ee C/aahi Yusuf ku gumaaday shacabka Muqdisho iyo midka Kismaayo, waxaa uu dhahay Cabdiweli maxaa diiday Kenya in aay la dagaalanto halka Uganda iyo Burundi Muqdisho aay kula dagaalayaan?

Weli waxaa uu dafirayaa in Uganda iyo Bureundi aay dalka Somalia ku joogaan awood iyo waajibaad ( mandate ) u idmaday Un ka iyo AU xagee Kenya ka heshay awooda in aay ku xadgudubto xuduuda dalka Somalia ?? IGAD ayuu ku rafanayaa Cabdiweli xagee jiraa baarlamaankii dalka lahaa,sow ma qumana in baarlamaanka ansixiyo haddii aay Kenya xuduuda soo dhaafeeyso,

Yuusuf Xaaji iyo Faarax Macalin  waa Kenyaan magica Somali wata u adeega danaha Kenya Somalida inta ugu badan lama yaabana balse waxaa ceeb ah in Ciidamo beeleed muddo lagu soo tababarayey wadanka Kenya  , markii ciidamadaas laga adkaadey ayey dowladda Kenya ay bilowdey in aay soo gasho gudaha Soomaaliya si ay beel gacanta ugu geliso Gobolada Jubbooyina.

Bal  fiiri maanta waxaa lagu dagaalamayaa waa magacyada Raaskambooni , Azaaniaya sow double moral maaha in marna ciidamada dowlada lagu sheego marna magic beeleed Mohamed Abdi Gandhi iyo Axmed Madoobe & Faarax Macalin  reerka aay yihiin cidna ma mooga balse waxa mideeyay ayaa ah danaha reerka in laga hormariyo wax walba.

Sh. Shariif haddii aadan cadeeyn xiliga aay ka baxeeyso Kenya xuduudada carada Somalia waxaad la mid noqoneeysaa kuwa gumeeysiga u adeega,inta goori-goor tahay waa in xildhibaanada iyo R/waaraha gumeeysi doonka ah talaabo laga qaadaa, baarlamaanka ku meelgaarka ahi waa in uu u istaagaa diidmada gumeeysiga cusub.

Haddii kale rule of law sharci ama qaanuun iyo kala damnbeeyni ma jirto,sharfti iyo cisiga Qaranimada Somali cidna kuma tuman karto hore ayaan C/aahi Yusuf  ( Maquuste ) ugu diidnay lamina ogolaankro gumeeysi cusub.

Waa Aragtida: Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com


Fadlan Aragtidaada noogu soo dir facebook ama E-Mailka gaarka ah ee aan u sameynay faragalinta Kenya ee gudaha Soomaaliya: Faragalinta.Kenya@Keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.