Dowladda N&N & Dastuurka 

Shan Mas’uul ee Dowladda N&N ee Madaxweyne Farmaajo tiir dhexaad u ah ma aqoonsana ama ma akhrininin ama ma fahmin tilmaamaha iyo nuxurka Dastuurka KMG ee hoggaaminaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Faallo Keydmedia Online
Dowladda N&N & Dastuurka 

Ugu horreyn, dastuurka wuxuu sheegaya in sharciga hoggaaminayo dowladda ee uusan hoggaamineyn rabitaanka iyo fikirka qofka xilka haya. 5 mas’uul waxay kala yihiin:

1. Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

1. Madaxweyne Farmajo ma aqoonsana Dastuurka KMG, mana ilaaliyo ku dhaqankiisa, arrintaaso aan fasiraad iiga baahneyn madaama shacabka Soomaaliyeed ka dheregsan yihiin ficilka Madaxweyne Farmajo afarttii sano ee la soo dhaafay.

2. RW Maxamed Xussein Rooble

Roobe oo dhawr jeer ku celceliyay in asaga la aamino, haseyeeshe iloobay inuu dhawr jeer sheegay inuu ku shaqeynayo talada iyo tusaalaha Madaxweyne Farmaajo, uusan marna sheegin inuu dastuurka iyo nidaamka dowladeed keli ah u hoggaansan yahay.

Wuxuu kaloo iloobay in la aamino ay ku xiran tahay marka la hubiyo inuu ilaalinayo oo uusan ku xadgudbeyn dastuurka, nidaamka dimoqradiga ah, nidaamka federaalka, xuquuqda mucaaradka, iyo xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta, iyo dhawrista kala saaridda awoodaha RW iyo Madaxweynaha.

Aaminaadda RW waxay kalo ku xiran tahay runsheegid, daahfurnaan, ka jawaabid cabashada iyo ra’yiga dadweynaha, iyo la xisaabtan ku dhisan xaqiiqada. Wareysiga RW Roble siiyay Barnaamijka Garnaqsi wuxuu shaki weyn geliyay shacab badan ee RW Roble ka war sugayay.

Shacabka wuxuu la socda fikirka ka dambeeya adeegsida dhallinyarada magacooda karaamadooda iyo mustaqbalkooda lagu ciyaarayo iyo in xubnaha guddiga doorashada yihiin shaqaale iyo saraakiil ka tirsan xafiisyada Madaxweynaha, RW, iyo Nabadsugidda iyo maamul goboleedyada taaso ka soo horjeeda Dastuurka qodobbadiisa 115-119 iyo126-129.

Inkiridda xaqiiqadaha shacabka og yahay waxay dhaawaceysa sumcadda RW Roble. Wareysiga RW Roble waxaa beeniyay khudbadda RWKX Mahdi Guuled oo daboolka ka qaaday qorshaha boobka doorashada federaalka oo natiijada laga sugayo tahay guusha Madaxweyne Farmaajo 99.5%. 

3. Mahdi Guuleed

RWKX Mahdi Guled oo caan ku ah abaabulka kicinka dadweynaha, aammaanta Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ah madaxa ururka N&N iyo xoogagga wadaniyiinta wuxuu ku eedeysan yahay ku tumashada Dastuurka KMG iyo marin habaabinta shacabka muddadii u ahaa siiyaha sharcidarrada xilka RW ee xukuumaddii xil-gaarsiinta. 

4. Cabdiraxmaan Bayle

4. Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxman Bayle oo 4 sano aan wax xisaab xir ah la wadaagin Baarlamaanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiir Bayle oo la hadlaya ganacsato Soomaaliyeed wuxuu u sheegay in Soomaaliya tahay dowladda ugu horreysa ee deyn cafinta.

Nidaam ahaan, Soomaaliya weli lagama caafin deyntii walow IMF, WB, iyo AfDB la siiyay deyntii ay Soomaaliya ku lahaayeen. Saddexda (3) sano ee soo socota ayaa la sugaya fulinta barnaamij deyn cafinta lagu gaarayo. Weli lama sheegin dalalka kale ee oggolaaday deyn cafin marka laga reebo dalka Mareykanka.

Soomaaliya waxaa culeys ugu filan bixinta deynta haraaaga ah oo lagu qiyaasay 500 milyan doolar. Soomaaliya waxay tahay dalkii 37 ee barnaamijka deyn cafinta lagu dhabaqo, waxaana harsan Sudan iyo Eritrea. Weli Barlamaanka federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed looma soo bandhigin heshiiskii deyn cafinta dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya kala saxiixdeen. Wasiir Bayle marna lama wadaagin Barlamaanka federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed xogwarranka Guddiga Maareynta Maaliyadda dowladda (Financial Governance Committee) soo saaro oo ku qeexan tahay maamulxumada hantida qaranka.

Isku fillaanshaha dalka waxaa asaas u ah ilaalinta sarreynta sharciga, madax runsheeg ah, waddani ah, garsoor lagu kalsoonaan karo iyo siyaasad daahfuran.

5. Fahad Yaasin

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Fahad Yaasin oo shacabka Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay hoggaamiyaha Sare ee dalka taaso caddeyn u ah in Soomaaliya ka jirin Dastuur iyo dowlad dimoqradi ah.

Agaasime Fahad cidna mas’uul uma ahan. Dal Agaasimaha hay’adda Nabadsugidda ka sarreeyo sharciga ma gaarayo nabad, horumar, iyo dowladnimo. Sidaa darted, waa dhalanteed rajada shacabka Soomaaliyeed ka qabo higsiga dowlad dimoqradi ah sharcigu hoggaaminayo nabad iyo horumar ah.

KEYDMEDIA ONLINE

  • user pic

    Kuurda

    • 8 December 2020

    Keydmedia inbadan ayaan ku taxnaa webkaan lakin aan idiin suaale dowlad walba maxa xumaantooda lee usheegtaan qofka intu musharaxa yahay taageera marki la doortana dacaayad, aan idin suaalee tan labaad dastuurka aa shegesaan kitaab ma ahaa ee yaa qoray halke lagu qoray maxaa ku qoran gabigiis maba aha in laisticmaalo wayo waxyaaba fara badana ka qaladan, aniga waxaan rabaaa o aan jeclahay somali oo mid ah, lakin dastuur laguso qoray DOWLADAHA KAMID AH DOWLADA FEDERALKA waxaas wax la qaadan kara ma aha




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.