Duell-kii: Shariif La Mood iyo Shariif Sakiin Round 2

By Prof. Mohamoud Iman Adan- Virginia (Keydmedia) - “Dawladdanu aniga iyo adiga ayay magan u tahay ee yaan lagaa badin. Aniguna gacansaar siyaasadeed oo wanaagsan baan la leeyahay madaxda dawladaha aan deriska nahay. Anaa ku hagi doona, iyagana kaa dhisi doona,” ayaa Shariif Sakiin ku qarsaday Shariif Axmad. “Anigu inta aan kaa aqaan ama aan kaa maqlay baa igu filan. Ciduna nooma dhexayn doonto oo talada iyo bahnimada siyaasadeedba isku-dhinac baan ka taaganahay,”ayaa Shariif Axmad hoosta ka xarriiqay.
Faallo Keydmedia Online
Duell-kii: Shariif La Mood iyo Shariif Sakiin Round 2

Geediga Siyaasadda Cakiran ee Labada Shariif

Si jaalnimada siyaasaddu u taabbagasho, laysuna aamino, Shariif Sakiin gabadhiisii buu u guuriyey Shariif Axmad. Shariif Axmad hab maamuuskaas iyo xididnimadaas wuu soo dhaweeyey, kalsooni weyn buuna siiyey gacaltooyada dhexmartay 2da qoys. Shariif Axmad wuu u bogay waayo-aragnimada iyo sida uu Shariif Sakiin u maleego shirqoollada iyo xeeladaha siyaasadeed. Waa lays aaminay waana la xididay. War maxay ku dambayn baa rag badanu isku xan-qarsadeen…!

Heshiis dawladnimo oo ka kooban labo dhinac baa Djibouti lagu soo dhisay. Afhayeenii Garabkii Maxaakiimta iyo ra’iisu barlamaankii dawladdii fadhiiday baa hormuudnimadii usoo istaagay. Shariif Axmad waxaa loo doortay Madaxweynihii Dawladda ku-meel-gaarka ah, Shariif Sakiina wuxuu isku darsaday labo jago oo waaweyn oo lays raacin Karin, hase ahaatee sadbursi baa Shariif Axmad siaad u sameeyey.

Ra’iisu barlamaankii waxaa la siiyey Sheikh Madobbe, taasuna waxay ahayd taladii Shariif Sakiin oo ku salaysnayd, “Ushaada nin aad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa, taasuna way dhacda.” Muddadii hore, wada shaqaynata 2da Shariif waxay ku salasnayd ii-cun iyo ii-cun, hase yeeshee arrintaasu ma sii socon, oo Shariif Sakiin wuu ka maarmay jaalnimadii Shariif Axmad.

Muqdishu ayay Dawladdii usoo gurmuuratay, waxayna qaadday tubtii tii ka horraysey ay qaadday. Halkaas waxaa ka dhashay 2 dawladood iyo 2 baarlamaan oo dhabrka isaga yaal inta kalena ayna shaqo isku lahayn. Looguma talogelin in dawlad xalaal uhu halkaas ka dhalato, qarankana loo adeego; hase yeeshee waxaa laga raacay,”Dawlad xumo dawlad la’aan bay dhaantaa.” Dhagar iyo is-dhabar jabin baa noqotay hubka ay madaxda dawladdu isu adeegsato.

Xukunkii waa la kala jiitay oo hawgalkii dawladnimo waa dhicisowday. Shariif Axmad lahayste siyaasadeed buu noqday oo waa la karaamo tiray. Hardankii 2da Shariif baa soo shaac-baxay oo waxqabadkii madaxda dawladda laga sugayey wuxuu kusoo aruuray isku-dir, ku danaysi, kala danaysi iyo danbursi, waxaana tartankaas ku badin doona Shariif Sakiin.

Shariif Sakiin wuxuu afaystay madiilhiisii uu kusoo can-baxay, wuxuuna bilaabay inuu xukunka dhinac uga dhago. Doontii dawladnimo ayuu gilgilay waxana marar badan lagu sigtay in la wada qarqo oo badda la quuso. Shariif Sakiin dabaasha badda waa laga badiyaa oo wuu is-xakameeyey. Sakiin hadda lama muquunin karo oo wuxuu samaystay hanti salballaaran iyo is-bahaysi cudud weyn leh oo dawladda lagu gilgili karo oo Villa Somalia hadda kuurka ugu jira. Shariif Sakiin wuxuu rabo waa inuu helo, wuxuu yiraahdana waa in la maqlo oo la oggolaado. Marna waa xidi marna jaal hore oo siyaasad lagula bahoobay, xantaadana waa yaqaan, haddana waa labo-xeraale.

Doodda 2da Shariif waa joogto, jillaafada hoosana nin walba waa markiisa;  waana mid Shariif Axmad uu faraha kaga gubtay oo ka kala furfurta xarig walba oo uu gunto. Maalintiina jaalleyaal isku saf ayay u muuqdaan, habaynkiina xarig-jiid hoose iyo dhagar jiifto ah baa lays weydaarsadaa. “Bahal-higlo af-quruna kuma kala tagto, af-quruna kuma wada joogto,” ayaa arrintu hadda maraysaa.

Barisamaadkii, wiil iyo waalid baa laysu ahaa, oo hantida qaranka laga boobo waa la wadaagi jirey, markay 2da Shariif isku keliyaystaana sidatan bay isu xambaarsanaan jireen:

  1. Shariif Sakiin:

Safarkaygii waa lagu soo liibaanay oo waxaan soo helay dheeq dhan 12 shandadood oo doolar Maraykan afka ka joogo. Waan kala qaybiyey oo nuskaagii gabadhayda ayaan kuu dhiibay. Guriga ayayna kuu yaalaan ee hubi caawa.

  1. Shariif Axmad:

Adeer macaane, waad mahadsan tahay. Maxaa kale oo aad hadda iiga baahan tahay?

A - Arbacada dhow waxaan rabaa inaan Suudaan u bixitimo oo aan noo soo daabaco shilin Soomaali fara badan.
B - Ma u baahan tahay in cid kale ku raacdo oo hawsha kula fududaysa?
A - Waan isku filnahay, loomana baahna markhaati hadhow farta nagu soo fiiqda.
B- Alleelehe waa runtaa. Maxaad kale oo aad hadda iiga baahan tahay?
A- Sako-bixintii baa soo dhawaatay oo waxaan rabaa inaan safar baryo-tag ah ku kala bixiyo Riyaad,   Abu-Dhabi, Cumaan, iyo Baxrayn.
B- Waa talo wanaagsan, waqtigiina waa lagu jiraa. Maxad iiga baahan tahay?
A- Ha igu magacaabin guddoomiye bangi. Lacagtan annaga ayaa soo abuurnay ee kuma iman  canshuur qarameed ama deeq dawlad kale dalka ugu deeqday.
B-Alleelehe taasu waa runtaa. Iguma ogid banki furid iyo arrimihiisa toona.
B- Oo maxaad socdaalkaaga Masarna ugu dariweydey?
A- Dawlaadda Masar sako ma bixiso.
B- Bal Yemen ka warran?
A- Iyadaaba liidata oo sako-siin u baahan.
B- Wixii Rabbi na siiyo xagee baad noo dhigi doontaa?
A- Dawaco kama qali-xumin. Godkeedu lix irid buu leeyahay. Marka mid, labo ama saddex laga gufeeyo waxaa u bannaan dhowr af oo ma weydo meel ay ka baxsato.
B- Arrintaas waad asiibtay. Aniga xisaab qarsoodi ah iiga fur: Dubay, Riyaad, Addis-Abeba, Kambala iyo Nairobi.
A- Maxaad Djibouti ku nacday?
B- Djibouti waa dal gacal ah oo ma nicin. Waa meel kulul oo aan lagu qarsoomi karin.
B- Xagee shaqaalaha dawladda  iyo ciidanka qaranka mushaar looga heli doonaa?
A- Ciidanku suuqiisa ayay ka dhargaa oo caasimad buu ku nool yahay.
B- Alleelehe waa runtaa.
A- UN-ku ha bixiyo mushaarka xildhibaannada, wasiirrada, ku-xigeennada, iyo shaqaalaha dawladda u shaqaya. UN baanu hoos tagnaa iyaga ayaana xilka mushaarka shaqaaluhu saran yahay. Arrintaas adigu kasoo dhammee.
B- Alleelehe waa runtaa.
B- Yaa bixinaya qarash-nololeedaka madaxda sare ee Dawladda?
A- Raashinka iyo kirada hoteellada waa in UN-ku bixiyo. Hala wargeliyo oo arrintaas adigu kala shir oo kasoo meel mari.
B- Xagee laga bixinayaa qarashka safarrada madaxda dawladda?
A - Canshuurta kasoo ururta dekedda iyo gegida dayuuradaha ayaa taas ku filan. Haddii aan la xadin, biilka qoyska madaxweynaha, kan wasiirka 1aad iyo anigaba waa nagu filan tahay.
B - Qarashka safaaradaha xagee laga heli doonaa?
A- UN-ku ha bixiyo ama hala baryo dawladaha Carbeed inay si joogto ah noogu deeqaan inay naga bixiyaan qarashkaas ilaa aan isku-filaansho ka gaarno

Shariif Sakiin safarkiisii 2aad ayuu ugu bixitimay dawladaha khliijka qaar kamid ah, baryo-taggiisiina wuu kusoo guulaystay oo waa la karaameeyey. Soo noqodkiisii, 5 banki buu xisaab-socota uga soo furay Madaxweynaha, isaguna 7 banki buu xisaab kasoo furtay.

Kaydka lacageed, bangiyadii lacagta la dhigay iyo inta mid walba ku jirta warqadahoodii iyo labmarradoodii intaba Madaxweynaha ayuu gacanta u saaray. Waa labadooda oo keliya, waxaana la jooga guriga Madaxweynaha. 

Madaxweynha oo dhoollo-caddaynaya ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyey Shariif Sakiin, wuxuuna ka shumiyey 2da dhaban. Rayrayn iyo bogaadin baa lays weydaarsaday. “Adder waad mahadsan tahay baa in badan Shariif Axmad ku celceliyey.” Gacalnimada iyo is-aaminka 2da Shariif markaan waa biyo kama dhibcaan. Rayrayn iyo is- suubaan salaaxid baa lagu kala hoyday. Male-awaalka fadhi-ku dirirku wuxuu leeyahay: “War maxay ku dambayn…!”

Shariif Axmad:

B- Adeer, sideebaa laguu qaabilay?
A- Carabta waa loo baroortaa si ay u maleeyaan inaad ka timid meel hoog, ba’ iyo halaag ka taagan yihiin.
B- Dabadeedna…?
A- Waxaa loo hadlaa si qof xiiqsan oo busaarad darted xabeeb la yeeshay.
Dabadeedna ilmo tiiraanyo leh baa hadba gabax…gabax… laga siiyaa...
B- Dabadeedna…?
A- Dabadeedna waxaa loo sheegaa in boqolyaal agoon uhu maalin walba baahi Caasimaadda ugu dhintaan.
B- Dabadeedna…?
A- Waxaan u sheegay in barakacayaasha, danyarta tabaalaysan, dhaawaca, naafada iyo bukaanka oo aan gadan Karin biyaha la cabo inay kar kariyaan biyahay badda si ay halkaas biyo la cabi karo uga miirtaan; taasuna hadda way A- dkaatay oo xaabadii la shidan jirey ayaa yaraatay.
B- Allelehe labo xaniinyood baad tahay…!.... Dabadeedna…?
A- Hilib la’aan darted danyartu waxay hadda bilawday inay bisasaaska qashaan
B- Ba’a’…! Ba’a…! War maxaad taasna ugu dartay…?
A- Inaan garawsho ka helo oo lay taakuleeyo…Oh….Oh…OH…!
B- Nabee waad dadaashay…!
A- Dabadeedna waxaan ku baryootamayaa in magangelyo lay siiyo ama laygu deeqo waxaan agoontii iyo maatadii u geeyn lahaa.
B- Alleelehe taas waad asiibtay...
A- Maxaa kale oo hadda aad iiga baahan tahay?
B- Baarlamaanku wuxuu ku warsan doonaa waxaad safarkii kala soo kulantay. Maxaad ku qaanicin doontaa?
A- Jawaabtu waa gaaban tahay. Waxaan ku oran, “Waxaan dawladihii aan soo booqda  kala xaajooday sidii ay ummadda Soomaaliyeed wax ugu qaban lahaayeen, waxayna diyaar u yihiin inay noo soo gurmadaan.
B- Culaab bay nagu hayaan Al-Shabaab. Malayshiyadaasu waxay u badan yihiin dhallin yaro kasoo jeedda bulshada Jubbada Sare. Sidee arrintaa wax looga qaban karaa?
A- Waa la yaqaan. Al-Shabaab waa cudud kayd noo ah oo aan gacansaar dhqaale iyo mid siyaasadeedba la wadaagno. Waxba taas haka walwalin. Waa arrin aniga ii taal.
B- Sidee loo jaheeyaa ciidanka tababarka Djibouti kasoo laabtay? Xagee la dajiyaa? Mala hayaa cunnadoodii…?  Mushaarkoodii…? Hubkoodii …iyo drayskoodi…?
A- Arrintanu yayna madax wareer kugu ridin. Xalku waa sahlan yahay. Al-Shabaab duulaan naguma aha oo taas anaa ballan-qaaday. Amisom-na ayadaa hadda ciidan noo ah, cadaw kale oo hadda weerar nagu ahna ma jiro. Ciidanka cusub waa dad qubane ah lamana aamini karo oo waa la kala diraayaa, sidii kuwii horeba loo kala diray.

Xanta goleyaasha lagu fiidsado iyo fadhi-ku-dirirka siyaasadda:

Madaxweynihii wuxuu maxbuus siyaasadeed u yahay Shariif Sakiin...!  Raggii Shariif Axmad lasoo jabhadeeyey nina manta dalka kuma harin…! Mid is-miidaamin lagu qarxiyo, mid gaadmo lagu dilo, mid la sigo oo iska qaxa, mid loo goodiyo oo og in lagu soo maqan yahay oo iska baxsada, iyo mid dhabbacda oo is-qariya ayay u kala qaybsameen…!

Waxaaba laga yaabaa in la arko Shariif Axmad oo foodda u saran in la maquuniyo. “Shariif Axmad oo ka tuugsanaya suuqa Xamar baad arki doontaan,” ayaa Shariif Sakiin kula kaftamay rag kale isagoo jooga dal caarbeed.  

Waa silsilad socotaa ee la soco!

By Prof. Mohamoud Iman Adan (mohamoud.iman.adan@keydmedia.net ) - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.