Durbaan Colaadeedka Kooxda SAHAL

Cali Sh. Maxamed - [Halkaan ka Aqriso Qeybta Koowaad ee Qoraalka] Qoraalkan kuma falanqeyn karo gaboodfalka ay geystaan kooxda loo yaqaan Alle-diid afduub, waxaanse si kooban ugu guudmarayaa dibed-jooga soo dira doollarka dagaallada sokeeye lagu socodsiiyo.
Faallo Keydmedia Online
Durbaan Colaadeedka Kooxda SAHAL

Beryahaan kooxo isku magacaabay SAHAL ayaa Shirar aan kala joogsi lahayn ka wada wadamada (Australia, East Afrika, Yurub, Woqooyiga Ameerika). Ajandaha shirarka looga hadlo waxaa ugu muhiimsan guubaabo iyo kicin Qabiil. Waxaa kaloo ka mid ah isballaarin Qabiil iyo caburin ku wajahan beelaha aan weli is abaabulin.

Erayada xanuunka leh waxaa ka mid ah “Jubbaland halow Puntland, Jubbaland halow Jigjiga, Jubbaland halow Gaarisa” sarbeebtu waxay tahay dhulkaas halow is- yiri oo dhan waxaa iska leh SAHAL oo Somaalida kale ka sareeya.

Magaca SAHAL sida la sheegay wuxuu ka taagan yahay (Sede + Absame + Harti + Awrtable + Leelkase) waa magac cusub oo aan si dhab ah loo aqoon sababta loo allifey iyo ujeedada laga leeyahay. Hidde-dhaqanka Somaalida kuma jirto in la nasaqo magac tol ama hayb qabiil loo yaqaan ee sababta loo beddelay maxay cuskan tahay? Waa su’aal Somaaliweyn dhextaal loona yahay in si taxadar leh looga jawaabo.

Walow aan weli ku jiro ka baaraandeg iyo baaris, garashadayda kooban magaca SAHAL wuxuu iila muuqdaa afar ujeedo in mid laga leeyahay:

(1) Dagaalkii labaad kadib Jarmalka iyo Talyaanigu waxay fahmeen in adduunka oo dhan laga karhay magacyada “Nazi & Fascist”, lagama maarmaanna ay tahay in qaamuusyada caalamka laga masaxo. Sidaas oo kale qarniga 21aad in la garwaaqsaday magacii hore inuu la mid noqday “Nazism & Fascism”, lana joogo waqtigii laga xuubsiiban lahaa godobtii hore loogu galay magacaas xasaasiyada leh.

(2) In la doonayo in la helo magac maldahan (cover and covert) oo hadda dakano horleh lagu galo. Kooxda Alshabaab ee hadafkoodu yahay tirtirista magaca Somaaliya, qofkii ku biira magacii hore waa laga beddelaa oo waxaa la siiyaa magac cusub oo la yiraah XARAKI (fadlan daawo wareysi laga duubay wiil ka mid ah dhallinyaradii Boosaaso ku dishey Sh. Axmed X. C/maan).

(3) SAHAL inuu ku dhisan yahay quraafaad iyo curaafeysi oo la aaminay inuu ka burji wanaagsan yahay magacii hore. Kohaanno ku xeeldheer falaga iyo faalka inay hal-abuureen magaca SAHAL, ayna ku andacoodeen inay arkeen dayaxoo dirirkii la degay iyo dhergane ku mataansan garbaraar.

Waxayse saadaashu u eg-tahay bilcaksi la mid ah, gabaygii ahaa “qabqable iyo afyuub faalkaan rogay qardhaastiisa, qoomamey dhaxlaan qoladii kibir is qaad- qaadaa. Beyd laaxig laguma naaloodo haddaan lo’ iyo naago loo dhigan”. Cabdi-Qays wuxuu ku yiri “markaan nin la gigay ka faashaday wuxuu sheegay nuur dhacay iyo naaf galbeedsaday.

(4) Indha low ku yaal ma arkaan adinkooda ee in magac beddelidu ku wajahan tahay aragti riqiis ah oo la doonayo in la cuuryaamiyo Xawaalada SAHAL oo ay leeyihiin ganacsato Somaali ka kooban, si magaca xawaaladu ugu muuqdo shirkada qabiil leeyahay.

Magac tol oo la beddelay waa arrin ugub ah ee bal aan dhowrno biyodhaca. Shaqsiyan qofku magaciisa waa beddeli karaa, laakin ma beddelo magaca aabihii iyo awoowgi oo waxay kasoo horjeedaa sharciyada caalamka.

Gabyaa Sangub wuxuu yiri “ha israacdo diidaye hays raamsatee daa”. Dagaalkii 77 kadib dalka waxaa ka jirey colaad madhamaato ah, in 2013 loo hamuun qabo dagaal cusub waa waalli iyo jiritaanka waddankaba halla waayo. Murti baa leh “Aafadii ilcadeeye qof kasoo doogay oo la cadaabay waa nacas”.

Waxaa taas la mid ah qof soo joogay darxumadii dhacday isla markaana ka diir-naxaya qaranjabka iyo quusta taagan ee haddana afuufaya bigil colaadeed una jeel-qaba dagaal sokeeye, waa axmaq iduhu ka caqli roon yihiin. Caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee maanta waxaa loo baahan yahay in dhaawacyada la dhayo, lana ambaqaado dib-u-heshiisiin si markale Somaalida kala irdhowday ay isugu soo hilowdo, heykal dowlad laga wada raalli yahayna ay u dhisato. Kolley arrinta SAHAL dad badan baa suugaan qiime leh ka tirin doona, waxaanse leeyahay:

S A H A L ma aan kala sareyniyo, Somaalida caburi baa Jubba iyo Gedo ma sidig baa, saldhiguna ma Kenyaa Saadaashuna ma dirir baa, madfac iyo ma Zuu baa Ma sagaashan-kow iyo seerigii colaadaa, 7 iyo ma jiib baa Gantaalihiyo sawaariiqda heegani, sahankood ma Bari baa Somaalidu ma hurudaa, mise way siloon tahay Nabadii sideysnayd, saldanadii ninkii rogay, Dembigii inuu suro, nimaan suulba ku lahayn Saakana santaag yiri, anigu sinaan ma ogoli Sidu inay sidii tahay, sidii beri inay tahay Raggiinaa sahwinayow, sidrigiina yey gelin Kala sareyntii Waamood, seben hore wixii jirey Soo noqonba meysee, haku silinsiloonina !

“Bahal ceeriin ma daayo, SAHALna cunsuriyad qabiil ma daayo”. Subax walba addunka wax cusub baa kusoo kordha. Iyadoo aan la yaabanahay shirarkii SAHAL, waxaan Youtube markale ka daawaday barnaamij lagu magacaabay “Xuska Xasuuqii 1991” laguna dhigay Toronto-Canada 28/01/2013.

Markaan ka baaraandegay nuxurka barnaamijku xambaarsan yahay, waxaa igu dhacay anfariir iyo amakaag, qosol gariir iyo naxdin isku dheehan. Filimeyn 2013 in barnaamij noocaan oo kale ah lasoo bandhigayo, ayna jirto gocasho iyo ciilqab heerkaas gaarsiisan. Waxaan dareemay in dib loogu noqday 1991kii oo weli lala saqraansan yahay saar qabiil, dagaal sokeeye oo markale qarxana aan laga baaqsan karin. Dad badan baa madasha ka hadlay, waxaase dareenkeyga soo jiitay hadalkii dhowr qof meesha kasoo jeediyeen, gaar ahaan hadalkii Cabdiwahaab Xaaji Xuseen.

Xaaji Cabdiwahaab wuxuu yiri “doqon ciirta ruxa in nala siiyo oo Ra’iisul Wasaare laga dhigo, yeelimeyno”. Marka hore waxaan leeyahay madaxtinimada Somaaliya boqortooyo beel u xiran maahan, marka labaadna waxaan jeclaystay inaan Cabdiwahaab xusuusiyo dhowr sheeko oo aad looga yaqaan geyiga Somaalidu degto, waxaa ka mid ah:

(1) Qowsaar baa geeli u ilaalin jirey nin hanti leh, geelu wuxuu ahaa aaf-daaq lagu bulsheeyo keymaha. Wiil qowsaarku dhalay ayaa geela wax ka ilaalin jirey, qowsaarkii waa dhintay, xilkii geelana waxaa la wareegay wiilkii oo aaminsan inuu geela ka dhaxlay aabihii. Milkilihii geela ayaa soo doontay geeliisa, waxaase u diiday wiilkii oo ku andacooday aabahey baan ka dhaxlay. Milkilihiii laba dhengadood ayuu wiilkii ku dhuftay, geeliina waa kaxaystay. Wiilkii oo ku waashay geela aabahey baan ka dhaxlay ayaa lagu naaneysay “Cali Geeli ba’ay”.

Dhib iyo dheefba adduunku waa meerto, silic iyo darxumo laguma waaro, barwaaqo iyo baraare laguma waaro. Mar waa la dallacaa oo derajo saraa la gaara, marna waa la degaa oo dadweynaa la noqdaa. Waa dunida iyo xaalkeeda oo waa harka labadisa gelin iyo hal galgalatay. Madaxtinimadu waa meerto oo marba koox baa qabata. Walow Somaalidu aysan weli u bisleyn “Maamul wanaag -- Good governance” marka laga shidaalqaato diinta Islaamka iyo nidaamka demoqoraadiyada, madaxdu waa adeegaha bulshada.



Haddii madaxdu u dhaqanto ilaah-yare shacabku addoon u yahay, markaas waa CALI GEELI BA’AY. Hoggaamiyaha xilka haya hadduu iska dhaadhiciyo adiga mooyee qof kaloo mudan ma jiro oo geela baarqab kale kuma jiro, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Haddii hoggaamiyuhu tolkiis u qeybiyo mansab & maal wixii shacabku u dhiibtay, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Hoggaamiyuhu waa qowsaar ilaaliya geela shacabka, hadduu xilkaas loo igmaday si hufan u gudan waayo, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Waxaa haboon in laga faa’iideysto waaya-aragnimadii lasoo maray oo maanta laga gudbo “cadkaanow walee ku cunay ama ku ciideeyey”

(2) Boqor baa isku saacad waxaa u yimid inantiisa Barni iyo addoonkiisa Barre. Gabadhii Barni waxay tiri “aabbe addoonka Barre iibi oo lacagta isii aan dhego- dahab kusoo iibsadee”. Markii Barni ka tagtay waxaa u yimid Barre oo yiri boqorow Barni ii guuri waan jeclahaye. Boqorkii inta qoslay ayuu yiri “Barre iyo Barni waa ismaandhaafsan yihiin” dabadeed gabay baa laga tiriyey halkudhegiisu ahaa “ismaandhaafkii maan Barni iyo maan Barre mahadhadiisii dheh”. Waxaa lagu celceliyey hanti baa nalaka bililiqeystay, ha-yeeshee Somaali tiro badan waxay aaminsan tahay hantidii laga dhacay Xamar iyo Hargeysa in lagu dhisay Puntland, qaybna ganacsi lagu samaystay, lagama maarmaanna ay tahay in xoog looga soo celiyo. “Waa ismaandhaafkii Barre iyo Barni”.

Wadaad sujuudsan baa wariiri wejiga ka qaniinay, sidii wax dakano galay ma cararine meeshii ayuu iska meermeeray. Wadaadkii markuu salaadii ka baxay wuxuu yiri “wariirigu ma waalan yahay, inta wax qoomuu qunyar iska
socdaaye”. Hashu geela iyadaa cunta haddana cabaadda.

Intaas aan ararta ku hakiyo, una gudbo danta iyo ulajeedada mowduuca. Qoraalkaani maaha maqaal siyaasadeed, maaha murti iyo suugaan, maaha maaweelo iyo madadaalo.

Sababta qoraalkaan igu kaliftey waxay tahay walaalaha ku shiray Toronto-Canada iyo kuwa ku tumaya durbaanka SAHAL inaan u iftiimiyo ama xusuusiyo dhacdooyinka taariikheed qaar ka mid ah, gaar ahaan godobtii lagu galay magaca dowlada ee reer Puntland horseedka ka ahaayeen.

Lasoco Qeybta Sadexaad ee Qoraalka iyo Xogta Kooxda Sahal!

Cali Sh. Maxamed - Sheekha333@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.