Duulaanka Kenya Riyo Soo Jiraan Ah!

Ahmed Warsame (Keydmedia) - Maqalnay in Ciidamo Kenyan ah in ay ku soo qulqulayaan Gobalada Gedo iyo Jubooyinka iyaga oo ku andacoonaya in ay dantooda daafacayaan, laakiin xaajada ayaa u muuqata halkii ay soomaalida oran jirtay oohinta Orgigaga ka weyn.
Faallo Keydmedia Online
Duulaanka Kenya Riyo Soo Jiraan Ah!

Bishii September ee Sanadkan ayeey aheyd kolkii uu bilowday damaca ugu weyn ee Kenya wallow tan iyo muda fogba ay Ciidamada Kenyaanka ku riyoon jireen in ay mar qura u soo gudbaan gudaha Soomaaliya oo ah dhul qiyaarad badan uu dhex ceegaago.

Dadka qaarkood waxa ay qabaan in duulanka Kenya uu qeyb ka yahay Mashruuca Gandi iyo Faransiiska ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan gobalada jubooyinka iyo Gedo, waxaana ognahay in Kenyan ay tahay goobtii lagu unkay mashruuca Azaaniya ee Max’ed Cabdi Gaandi.

Tiyoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa loo helay marmarsiiyo taasoo timid kadib markii ay sii xoogeesteen qafaalka laga geysanayo Jaziiradaha Dalka Kenya.

Bishii September ayeey aheyd kolkii la toogtay muwaadin reer Britain ah isla markaana la qafaashay afadiisa waxaana falkaasi uu ka dhacay jaziirada Lamu ee Dalka Kenya, falkan ayaa la xaqiijiyay in ay si wadajir ah isaga kaashadeen koox ka tirsan Shabaab iyo Burcad Badeeda Soomaalida, haweeneydii la soo qafaalay ayaa la  sheegay in iminka lagu hayo qeyb ka mid ah gobalka Mudug.

Sidoo kale isla Septemberi ayaa koox ku abtirsate beesha Mareexaan ee degta Gedo iyo Jubooyinka waxa ay ka soo qafaasheen isla Jaziirada Lamu Haweeney curyaan ah oo u dhalatay faransa taasoo dalxiis ahaan u joogtay halkaasi.

Khamiistii aanu soo dhaafnay ayaa Koox ka tirsan Shabaab waxa ay Dhadhaab ka soo qafaasheen laba Dumar oo ka tirsan Shaqaalaha hey’adda MSF Spain oo howl samafal ka waday xeryaha Qaxootiga.

Wixii ka danbeeyay Khamiisti Ciidamada Kenya waxa ay wadeen dhaqdhaaqa xoogan, waxaana ay damaacinayeen in ay gudaha u soo galaan Dalka Soomaaliya si ay uga qeyb noqdaan howl galka ciidan ee ka socda gobalada  Koonfureed ee cirifka xuduuda xiga. Laakiin amee Kenya Dano kale u socotaa? Amee Dano kale ka leedahay Soomaaliya?

Madaxda Dowlada midkoodna kama hadlin arintan, laakiin afhayeenka xukuumada ENG Yariisow oo BBC la hadlay ayaa beeniyay in Ciidamo Kenyaan ah aanay joogin gudaha Soomaaliya.

R. wasaaraha Kenya iyo Wasiirka Arimaha dibada oo Saxaafada kula hadlay Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay tahay talaabo sax ah galitaankooda gudaha Soomaaliya isla markaana ay baacsanayaan Al-shabaab waxaana wasiirka uu xusay in ku dhawaad kun askari ay ka joogaan Soomaaliya.

Laakiin Wasiirka difaaca oo Maanta Muqdisho soo gaaray Yuusuf Xaaji isla markaana dhalasha ahaan marka la eego ah Soomaali kenyaan ayaa sheegay in ciidamadooda aanay joogin gudaha Soomaaliya isla markaana Ciidamada ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya ay yihiin kuwa ay dowlada kol hore u soo tababareen. Keydmedia waxeey ogtahay in Ciidamo Kenyaan ah ee gudaha Soomaalia soo galeen, maxey naga qarinayaan?

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in ay dadaal u gali doonaan sidii ay ugu babac dhigi lahaayeen Ciidamada Keenyaanka isagoona xusay in awood xoog leh ay la soo bixi doono.

Prof Cabdi Xuseen oo ka tirsan jaamacada Soomaaliya ee Muqdisho kana soo jeeda dhulka ismaamulka Soomaalida ee Kenyan ayaa sheegay in talaabada ay Ciidamada Kenya ku soo galeen Soomaaliya ay tahay mid gardaro ah isla markaana aanay habooneen xiligan in talaabadan lagu kaco.

Wasiirka difaaca Xukuumada Soomaaliya Xuseen Carab ciise iyo Wasiirka difaaca Kenya Yuusuf Xaji ayaa kala saxiixday manta heshiis la sheegay in ujeedadiisu ay tahay la dagaalanka Al-shabaab waxaana ay sheegeen dhinacyada in heshiiskaasi si weyn loo eegi doono.

Inkastoo si loo qarinayo joogitaanka Ciidamada Kenyaanka gudaha Soomaaliya ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u hadal hayaan arintaasi.

Golaha guurtida Hawiye oo kulan ku qaatay Muqdisho ayaa wax laga xumaado waxa  ay ku tilmaameen soo galitaanka kenyaanka waxaana ay dalbadeen in ciidamada ay Dalkooda ku laabtaan.

SUURTAGALNIMADA QORSHAHA GANDI

Sheekooyinka ugu badan ee ay dadka hadal hayaan ayaa ah in ay u badantahay faragalinta in ay qeyb ka tahay qorshaha Gandi uu ku doonayo in Maamulka Azaaniya uu kaga howl galiyo gobaladaasi.

Horay ayeey siyaasiyiin, odayaal iyo xildhibaano uga dalbadeen dowlada Kenya in ay joojiso gacan siinta gaandi ee ku aadan hirgalinta Maamulka Azaaniya.

Dhanka kale Kenya qudheeda ayaa leh qorsha ay isugu balaarineyso Soomaaliya waxaana dadka qaarkood ay leeyihiin duulaankan waxa uu qeyb ka yahay mashruuca maraykanka ee la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada kaasoo qeyb ahaan loo wakiishay ciidamada Kenya in ay fuliyaan.

Hanjabaada Shabaab

Al-shabaab waxa ay sheegeen in ay qaadi doonaan weeraro xoog leh isla markaana ay beegsan doonaan daaraha dhaadheer ee Kenya si ay Kenya u dareensiiyaan quwadooda, waxaana arintaasi darteed iminka ka taagan gudaha Kenya feejignaan dheeri ah.

Akhriste maxay kuula muuqataa talaabadan ay Ciidamada Kenyaanka ku soo galeen ciida Soomaaliya, ma isleedahay waa gumeysi cusub oo ka hanaqaaday Dalka mise dana Siyaasadeed oo xeeladeeyay, fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook ama E-Mailka gaarka ah ee aan u sameynay faragalinta Kenya ee gudaha Soomaaliya: Faragalinta.Kenya@Keydmedia.net

Ahmed Warsame  - Keydmedia Correspondent
ahmed.warsame@keydmedia.net
Nairobi, Kenya




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.