Ethiopia Ma Iska Ilowday Wixii Dhacay 2007

Cabdullahi Ibrahim —— Dowladda Ethiopia oo dhawaan ku biirtay Howlgalka AMISOM ayaa bilowday in ay Ciidamo badan ku soo gurto gudaha dalka iyadoo iska ilowday wixii ka qabsaday Soomaaliya, waxa ayna Maalmahanba siideyanayeen madaxdeeda hadalo ay ku dheehan tahay hanjabaadyo iyo booteyn u muuqatay in ay isku xayeysiinayaan.
Faallo Keydmedia Online
Ethiopia Ma Iska Ilowday Wixii Dhacay 2007

Sida uu dhawaan sheegay Afayeenka Amisom ku dhawaad Shan Kun oo ciidamo Ethiopian ah ayaa ku biiray howl galka Amisom ee lagula dagaalamayo Ururka Al-shabab ee talo diidka ah lakiin marka aad fiiriso ciidamada Ethiopia ee soo galaya gobolada dalka waxa ay u muuqataa in ay Sedex Jibaar ka badan yihiin tiradii la sheegay.

Ciidamada Ethiopia ee ku biiray howlgalka Amisom ayaa aad loo xayeysiiyey Maalmahan ilaa heer la gaarsiiyey in ay yihiin kuwa kaliya ee ka adkaan kara Soomaalida, waxaana sidaasi ku dooday Siyaasiyiin badan oo Soomaali ah oo uu ku jiro Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha Caalamka ah Iyagoo iska indhotirayo guuldaraddii ka raacday Ethiopia duulaankii ay ku timid Soomaaliya 2007.
 
Dad badan oo Siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey dalka Ethiopia ayaa ka horymid in ciidamada Ethiopia ay ka mid noqdaan howl galka Amisom, iyadoo laga hortagayo in u fashilmo howl galkaasi mar haddii ay ku biirto Ethiopia oo colaad gaamurtay ay kala dhaxeyso  Shacabka Soomaaliyeed, Sidoo kalena ay abuuri karo in ay taageero badan helaan Ururka Al-shabab laakiin taladaasi waa la diiday.
 
Dadka fikirkaan qabo waxa ay ku doodayaan in ay jirto xasaasiyad badan oo laga qabo ciidamada Ethiopia maadaama ay iyaga iyo Soomaaliya ku dagaalameen dhul walina aan la xalin mishkiladdaas,Waxa ayna sidoo kale dadkani ku doodayaan in ay Ethiopia gabood falo badan ka geysatay Soomaaliya Xiligii ay dagaalada kula jirtay Maxkamadihii Islaamiga.
 
Dhinaca kale waxaa jira dad badan oo Soomaali ah kuwaas oo ku doodayo in ay dhamaatay colaaddii u dhaxeysey Ethiopia iyo Soomaaliya, sidoo kale ay Ethiopia daacad ka tahay nabad ka dhalata dalka Soomaaliya, waxa ayna kooxdani isku qanciyeen in ciidamada Ethiopia ay yihiin kuwa kaliya ee ka adkaan kara kooxda Al-shabab iyo guud ahaan kooxaha Islaamiyiinta Soomaalida ah.
 
Kooxdan ayaa aaminsan in aysan Al-shabab haysan taageeradii ay haysteen Maxkamadihii Islaamiga,Sidaa daraadeed aysan jirin wax laga baqo iyo waliba kacdoon ka dhan ah ciidamada Ethiopia,Waxa ayna rajaynayaan in si fudud looga adkaan doono Al-shabab sidoo kalena laga saari doona dhamaan dhulalka ay gacanta ku hayaan,Iyadoo laga faa




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.