Fadeexadi Kadhalatay Qaab Maamulka Deeqdi Waxbarasho Ee Turkiga - UPDATE

Abudlkarim Haji Seeko (Keydmedia) - Booqashadii uu Muqdisho ku yimid R.wasaaraha Turkiga Recep Dayib Ordagan waxay keentay Rajo wanaagsan oo dhinaca Horumarka, waayo Turkiga waxa uu umada Soomaaliyeed u muujiyay dareen walaaltinimo oo cajiib ah, isagoona go’aansaday in aanu ku ekaan gargaar iyo quudin kaliya.
Faallo Keydmedia Online
Fadeexadi Kadhalatay Qaab Maamulka Deeqdi Waxbarasho Ee Turkiga - UPDATE

Waxaa ka bilowaday magaalada Muqdisho booqashadii Ordagan kadib imtixaano loo galayo deeqo Waxbarasho oo ay dowlada Turkiga ugu tala gashay ardayda Soomaaliyeed, waxaana deeqahaasi u tartamaya dhalinyara badan oo ka baxday dugsiyada sare ee Dalka.

Boqolaal dhalinyara ah oo aqoon wanaagsan leh isla markaana dugsiyada sare ka baxday ayaa ka qeybgashay imtixaanka laakiin waxaa hareer socday dhalinyaradaasi kuwa kale oo qaab Qabiil lagu waday, isla markaana la doonayay in ay Turkiga uga gudbaan Yurub - Keydmedia.net Qoraal ayee Arintaas ka Qortay 23 October 2011.

Xog baaris muda qaadatay oo ay sameysay Keydmedia.net ayaa lagu ogaaday in 72 ka mid ah dhalinyarada loo qaaday Turkiga iyaga oo aan aqoon laheyn isla markaana ay dhib ku tahay wax Akhriska iyo wax Qorista dib loo soo celiyay kadib markii imtixaano laga qaaday.

Ka sakow dhalinyaradaasi aan Aqoonta laheyn waxaa kaloo jiray kuwa la siiyay Magacyo aan kuwooda aheyn isla markaana loo diiwaan galiyay Docoment-yo aan sax aheyn, waxaana kuwaasoo arintooda ay fashilantay kolkii leys dhinac dhigay Magacyada Wasaarada Waxbarashada ee Turkiga u diiwaan gashay iyo kuwa ku qoran Passport-da ay wateen.

"Waxaan wajahnay ceyb aad u daran kolkaan tagnay Turkiga, waayo 72 ka mid ah ardaydii Soomaalida aheyd ayaa waxaa la soo gudboonaaday Fadeexad la xiriirtay in aanay waxna Qorin waxna Akhrin” sidaas waxaa Keydmedia u sheegay Axmed oo ka mid ah Dhalinyarada iminka wax ka barata Dalka Turkiga.

“Qaarkood waxay isku dayeen in ay u baxsadaan dhanka Gariiga anaga oo ku jirna Xero weyn oo ay Dowlada Turkiga noogu tala gashay, taasi waxaa ka war helay ilaaladii xerada iyagoona war galiyay hey’adaha Waxbarashada Turkiga” ayuu yiri Axmed oo ka hadlayay qaab dhaqanka ardaydan dib loo soo celiyay.

“Tani waa cuqubo ka dhalatay xaqeenii la musuqmaasuqay, waayo waxaa suurta gal ah in dhalinyaradan hada la soo celiyay in ay yihiin kuwii la siiyay Boosaskeenii” sidaa waxaa yiri Max’ed Barre oo ka qeyb galay imtixaanka loona sheegay inuu guuleestay balse xili danbe lagu wargaliyay inuu ku dhacay Imtixaanka oo hada ku sugan Muqdisho.

Badanka dhalinyarada dib loo soo celiyay ayaa waxa ay yihiin kuwa ehel la ah xubna ka tirsan Dowlada KMG ah iyo waxa loogu yeero Maamul Gobaleedyada ee ka jira Gobalada Dalka.

Musuqa ugu xoogan ayaa dhacay kadib kolkii uu dhacay Qaraxii xarunta hargaha iyo saamaha ee ay Ardayda badan ku geeriyoodeen, waxaana Qaraxaasi ku lumay Docoments-ka arday badan oo ku guulesyatay Imtixaanada. Lumeen?

Xogaha hada la hayo waxa ay sheegayaan in Dowlada Turkiga kadib kolkii ay aragtay qaabka wax loo Maamulay ee Musuq Maasuqa uu salka uu yahay ay go’aansatay Muqdisho in ay ka hirgaliso Iskuul Hoose, Dhexe, Sare kaasoo ay u wareejin doonto deeqaha Waxbarasho ee ay Shacabka Soomaaliyeed ugu tala gashay.

Wasaarada Waxbarashada gudaheeda waxaa ka taagan muran xoog leh oo ku saabsan deeqaha la musuq maasuqay, waxaana Wasiirka Wasaarad xiliya kala duwan uu damcay inuu Saxaafada u sharaxo qaabka wax loo musuqmaasuqay, laakiin xubna ka tirsan xogheenadiisa oo tuhman ugu xoog leh uu ku jiro ayaa diidan.

Fadeexada la soo gudboonaatay dhalinyaradaasi Ardayda lagu sheegay ee nidaamka qaldan looga dhoofiyay Dalka ayaa waxaa aad uga xumaaday dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata dunida daafaheeda iyo gudaha dalka intuba, waxaana ay saameyn balaaran ku yeelatay sumcada dhalinyarada waxbarata ee Soomaalida ah.

Sababta ugu weyn ee Fadeexadan ayaa ah mid salka ku heysa Qabyaalada iyo Nin Jecleysi, waxaana si tani looga fogaado loo baahanyahay in la helo dad caaqiliin ah oo ka fog caadifad Qabiil isla markaana uu hagayo caqli iyo aqoon leysku biiriyay.

Hadaba Akhriste marka aad eegto arintaan foosha xun misna Fadeexada ah ee saameysay Ardayda soomaaliyeed, saameyn intee la eg bay ku yeelan kartaa Ardayda Soomaaliyeed? Fadlan aragtidaada noogu soo dir facebook.

Abudlkarim Haji Seeko – Keydmedia Correspondent
Abudlkarim.haji.seeko@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.