Falalka Argagixisadaa iyo Ficilka Madaxda

Editorial - Keydmedia Online - Werarkii Sabtidii lagu Qaaday Xarun ay ku sugnaayeen Shaqalee Turki ah oo ka Howlgalla gargaarka Dalka Soomaaliya ayaa Ficilkii wax Qabadku waxuu ku soo aruuray Cambaareyn oo kaliya.
Faallo Keydmedia Online
Falalka Argagixisadaa iyo Ficilka Madaxda

Qaraxyadaan Maanka Dadweyna soo jeediya markey Dalka Soomaaliya ka dhacaan, Durbadiiba waxaad Idacadaha ka maqalnaa: “Dowladda Maraykanka ayaa si kulul Cambaareysay weerarkii Waxashnimadaa ahaa ee Kooxda Shabaab”

Waxaan kaloo Maqalnaa: “Madaxweynaha oo Falkaas ku tilmaamay mid Argagixisaa oo lid ku ah Amaanka iyo Horumarka Dalka Soomaaliya, waxuu M/weynahu Balan qaaday in ay soo qabanayaan kuwii ka dambeeyey Falkaas Waxashnimada ahaa”.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa asaguna markiisa ka dhawaajiya Erayo Kuwaas la mid ah. G/miyaha Barlamaanka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaan ayaguna aheen kuwo hadaladooda aan marna la gamban oo ayaguna si fiican u EEDEEYA Kooxda falkaas fulisay.

Waxaan iloownay Ban ki Moon oo ku hadlaya Magaca QM inuusan marna la daahin eedeenta, si fiicana u Canaanta Kooxda Falkaas ka dambeesay. Waxaan ka tagnay oo aheyd in loogu hormariyo Ergayga QM Soomaaliya u qaabilsan oo asaguna markiisa si kulul u eedeeya Falkaas Argagixisada ah, AMISOM iyo IGAD ayaa ayaguna markooda ka qeybqaata eedeeynta loo jeedinaya Al-Shabaab.

Odayaasha Hawiye oo Hoteelada ku xareesan ayaa ayaguna markooda Codka furta, oo eedeyn iyo Canaan dusha uga tuura Kooxda Falkaas fulisay, falkee, falkaas Argagixisadaa. Hadaba In wax la isweydiiyo ma xuumee aan isweydiino, intee Sano ayaa maqleeseen Qaraxyada Soomaaliya ka dhaca siiba kuwa Koofurta oo aysan Ficilkooda wax-qabad aysan dhaaf siisneyn Eedeyn oo Kaliya.

Dowladii KMG ee ay M/weynayaasha ka ahaayeen Shariif Sh. Axmed, Shariif Xasan Sh. Aden iyo C/xamaan Faroole, waxey Bulshada ku Xasuusataa mid Gabi ahaan ku fashilantay Hanaankii Dawladnimo, kuna Caan baxday Tayo Xumo waxqabad la’aaneed iyo waliba Kooxda Shabaab oo ay la lahayeen Xiriir hoosaad. Bulshada Soomaaliyeed dhamaanteed oo aan laga reebin Xasan Shiikh, Saacid iyo Jawaari waxay oranjireen “waxaan Dawlad ma ah ee waa Dawlad ku sheeg”.

Hadal heynta Waqtigaas waxay u badneeyd: ”Nimankaan meesha waa la keynsaday, oo waxaa keensaday Nimanka Shabaab kensaday, oo misana Amisam, Amxaaro iyo Kenya keensaday, Nimanka Faroole iyo Gaandi Maalgaliya, sidaas daraadeed iskama warqabaan ama waa iska warqabaane si kastaba ha ahaatee isku Qolo bay u shaqeeyaan, isku Hawl ayeeyna hayaan. Dawladu waa Magac u yaal Reer Galbeedku Gariin tirtirasho ka dhigto, Reer Galbeed soo dhistay”, Markuu donana Cay ka buuxsha Eedeyna ugu dara”.

Dawlada Xasan Shiikh, Saacid iyo Jawaari, markey kursiga ku fariisteen Bil kama soo wareegin markii ay Werar ku qadeen: Jeneraal Dhagabadan oo Reer Muqdisho ay si Fiican ugu xasuustaan Qaabkii Hufanaa oo u ula Dagaalamay Kooxda Shabaab.

Waxay kaloo Weerar lagu qaaday Sarakiishii Heya’ada Nabad Sugida. Aduunka kama dhicin in Ragaas oo kale Dariiqa lagu sii daayo, Waa la Ilaaliya, Waa la iska Ilaaliya oo waa laga faa




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.