Awood Qeybsiga Dalka // Fari Ka Ma Qodna Falfal Xumida Baarlamaanka!

Dr. Saciid Ciise Maxamud - Nidaamka Dimoqaraadiga wuxuu leeyahay Laba hanaan oo kala ah mid Baarlamaanku uu Awood badan ku leeyahay Dowlada iyo mid Madaxweynaha uu u Madaxbanaan yahay Dowladiisa.
Faallo Keydmedia Online
Awood Qeybsiga Dalka // Fari Ka Ma Qodna Falfal Xumida Baarlamaanka!

Hanaanka ku dhisan Baarlamaanka wuxuu leeyahay Madaxweynaha Dalka oo ah mid Heybad iyo Sharaf lagu maamuso maqaar saar ahaan iyo Madaxa Dowlada qeybteeda fulinta oo Hogaaminaya Golaha Wasiirada.

Madaxa Xukuumada wuxuu ku imaanaya talada doorasho uu ku guuleysto Xisbiga uu ka tirsan yahay ama xisbiyada uu isbaheysiga kula jiro. Madaxweynaha ayaa hubinaya Sharciga uu ku soo baxay Madaxa Masuulka ka noqonaya Xukuumada, dabadeedna isaga oo raacaya dhaqanka u degsan xulista Madaxa fulinta ayuu soo gudbinayaa ogolaanshahiisa, waxaana ugu dambeystii Codka Kalsoonida u qaadaya Baarlamaanka. Madaxweynuhu wuxuu ka sareeyaa loolanka Siyaasadeed ee ka dhex jira xisbiyada fikirka isaga soo horjeeda.

Nidaamka Salka ku haya Madaxweynaha inuu u Madax banaan yahay Dowladiisa, wuxuu Madaxweynaha doorasho shacab ku imaanaya xilka madaxweynenimada, isaga ayaana noqonayaa Madaxa Dalka iyo Dowlada qeybteeda fulinta. Baarlamaanka wax Awooda kuma lahan howlaha Dowlada qeybteeda fulinta.

Baarlamaanka Awoodiisu waxey ku kooban tahay ka doodista iyo u codeynta sharciyada, canshuurta, miisaaniyada iyo sameynta Lacagta cusub. Baarlamaanku ma lahan Kalsooni uu Codkiisa ku ridi karo Madaxweynaha iyo Dowladiisa haddii aysan gelin dembi culus oo keeni kara inuu is casilo ama kalifta in Baarlamaanku Maxkamadeeyo.

Nidaamka ku dhisan Awood weynida Baarlamaanka waa mid laga dhaxlay hanaankii gaboobey ee Boqortooyada oo ah Boqor inuu heybad Dowlada ku Hogaamiyo, xubin ka mida baarlamaankuna uu noqonayo Madaxa fulinta. Habkan waa mid laga guurayo oo khilaafkiisu uu badan yahay, awooda baarlamaankana aysan ku xirneyn wax shuruuda.

Tusaale ahaan, baarlamaanka wuxuu Kalsoonida kala noqon karaa Madaxa fulinta Dowlada sabab la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.