Farmaajo waxaa lagu xasuusan doonaa Qaraxii Zoobe!

Sida madaxweynaha Mareeykanka Donald J. Trump loogu xasuusan doono, ineey hogaan xumidiisa darteed ku hoos dhinteen in ka badan, laba boqoloo kunoo Mareykan ah, ayaa sidaa si lamid ah, MW Farmaajo loogu xasuusan doonaa, in hogaan xumidiida darteed, ummada Soomaaliyeed uga dhinteen, hal maalin iyo waliba hal qarax, tiradii ugu badaneyd ebid, waa qaraxii Zoobe’e.

Faallo Keydmedia Online
Farmaajo waxaa lagu xasuusan doonaa Qaraxii Zoobe!

Tirada dhimasho ee dalka Mareeykankana, waxaa la sheegaa ineey ka badan tahay, intii Mareeykanka uga dhimatay, dagaalkii 1-aad iyo kii labaad ee aduunka markala isku daro. Waa dhimasho tira dhaaftayoo, ummada Mareeykanka dhagaha heeystaan. Dayacaada intaa la eg, waxaa mas’uuliyadeeda leh, madaxweeynahan fududeeystay cudurkan, ee wax aan jirin ku tilmaamay, wuxuu Virus-kaa ka ogaa ummadiisa ka qariyey, hoowshii loo baahnaana aanan qaban, waa Donald Trump’e.

Sidaa si la mid ah, hogaam-xumida, iyo dayaca ummadeed, ee MW Farmaajo loogu xasuusan doonaa, waa in xilligiisii hal maalin gudaheed, iyo waliba hal qarax, ummadeena Soomaaliyeed looga xasuuqay, dad kor u dhaafaya kun qofoo aan wax eey galabsadeen jirin, isagana dadkaa amnigooda inuu ilaaliyo mas’uul ka ahaa, oo loo doortay, balse ku guul-darreeystay.

Wuxuu ahaa qaraxii ugu ugu weeynaa taariikhda dalkeena hooyo, iyo nasiibdarro! Dhimashadii ugu badneyd, ee hal maalin ummadeena soo gaarta ebid. Waa bar madoow oo ku oolli doonta, taariikhda MW Farmaajo, iyo markastoo  xilli madaxeedkiisa laga hadli doono, 100-ka sanee soosocota.

Inkastoo MW Farmaajo lala wadaagi doono, dayaca mas’uuliyadeed, ee badbaadada dadkiisa ka saarneyd, ka mas’uuliyad dowladeed ahaa, illeen dowladi hal qof ma aha’e, hadana dadka waxeey dalkooda u doorteen madaxweeyne, isagaa dalka mas’uul ka ah, ugu ammar sareeya, mas’uuliyada dalkana loo doortayoo dusha u ridanaya, si kastuu darbiyada madaxa ugu dhufto. Waa sida Soomaalidu tiraahdo’e “Fallaari fil filiq kaagama harto!”.

Sadex sano ka hor ayey aheyd, markii ummadaa loogu xasuuqay/gumaaday, sidaa arxan darrada ah isgoyska Soobe. Qofkastoo Soomaali ah, qof uu yaqaannay, saaxiib lahaa, daris ahaayeen, wax soo wada barteen, meel kasoo wada shaqeeyeen, xigto ama xigaalo ahaayeen, ayaa maalintaa meeshaa ku dhintay. Ummadii maalintaa meeshaa lagu halaagay, waxaa ka mid ahaa walaalkeey: Marxuum C/Risaaq Yuusuf Cali Diini (C/Risaaq Eenoow!), oo eey dhashay eedadeey, Eedo: Caasho Cismaan Cosoble, oo mudo sidii loo weeysanaa, mar dambe meydkiisa la helay. Wuxuu ahaa wiilka kaliya, ee Allaah siiyey, wuxuuna ka tagay xaas iyo Ilmo isuma qado ah.

Waxyaabaha maskaxdeeyda ku sawiran, ee wali ka go’i la’, waxaa ka mid ah, in iyadoon saacado qaraxiiba laga joogin, dadkiina guryo waaweyn ku dumeen, dabkiina wali qiiciisa baxayo, ayaa Nasiibdarro! Cagaf lawada galiyey burburkii, kaasoo eey macquul ahaan laheyd, in ummad badanoo wali nool, kuna hoos jira burburka, lasoo badbaadin kari lahaa, hadii wax lagu badbaadin karo, wadamada dariska ama caalamkaba looga dalbi lahaa, waqtina lasiin lahaa.

Halka caalamka maalmo, isbuucyo iyo waliba bilo socoto gurmadka, iyo badbaadinta nafleeyda, illaa laga quustoo, la gaaro, heey lagu wada qanco, inuusan qof bini’aadam ah mudo intaa kabadan burburkaa kusii hoos noolaan Karin. Waxaa isweeydiin mudan, maxaa rafta ummadeena qiima tiray, oo madaxda dalka loo toortay, agtooda uga dhigay mid aan waxba joogin?

Waxaa sidoo kale ii sawiran, hooyo da’ aheyd, oo dhismo dumay dul fadhisay, oo wiilkeeda ka hoos qeeylinayey, illaa markii dambe uu aamusay,iyadoon noloshiisa cidi badbaadinin, iyadana eeysan waxba u qaban karin, nasiibdarro! Mudo kadbacdi isagoo meyd ah, ayaa lagasoo saaray.

Majirin dadkaa gurmad caalami ah oo loo dalbay, ama loo fidiyey, si dadka dhismayaashaa ku hoos jiray, si loo badbaadiyo! Ma jirin qalab baara nololi ineey burburkaa hoostiisa ka jirto oo la howl galiyey, ama xitaa eeyaha nolosha uriya, oo la howl galiyey! Dad aad u badan, si aad u fudud, ayaa noloshooda looga sabray, oo eey u badan tahay, in qaar badanoo nooli ku jireen, waana arin xanuunkeeda leh. Waa ummad kuwii hogaanka eey u doorteen, sida ugu liidata, udayaceen.

Waxaa Iyana xanuunkeeda laheyd, markii ugu horeeysey ee uu booqday MW Farmaajo goobtii qaraxa ka dhacay sawiradii laga qaaday, waxaa ka muuqatay, dhoolacadeyn iyo isagoo labada gacmood kor u taagaya sida uu sameeyo qofka mafkii guuleeysto, meeshii uu ka hogaamiye ahaan muujin lahaa murugo, maadaama uu yahay hogaamiye ummadiisa la xasuuqa. Ma aha in cidi leedahay, wuu ku faraxsanaa, ama guul ayuu u arkayey xasuuqaa dhacay, balse waxaa iska cadeyd, kana muuqatay sawiradii maalintaa laga qaaday, inuu ahaa hogaamiye garan waayey, ama isaga khaldantay, dareenka maalintaa oo kale ummadaada murugeeysan loo muujiyo. Qarax keena ula mid ahaa, maalintuu ka dhacay caasimada dalka Lubnaan, hogaamiyahooda dareenka uu muujiyey ummadiisa ayaa la wada ilmeeyso, inta is celin waayey xanuun dartiis, ayuu Tv-ga ka hor ooyay!

Gunaanad

Allaha u naxariisto walaalihii Soomaaliyeed ee isgoyska Soobe lagu xasuuqay. Ehelkii iyo qaraabadii eey ka tageenna, samir iyo iimaan Allaha kawada siiyo. Innaa lilaah, wa innaa ileeyhi raajicuun.

Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.