Farmaajo: Macsalaamo Soomaalinimo?!!

Kulankii golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ugu soo dhamaaday magaalada New York ee Dalka Maraykanka ee uu ka qeybgalay R.wasaaraha dowlada KMG ah Max’ed C.llaahi Farmaajo ayaa waxaa ka soo baxay ifafaalo cad oo muujinaya in la doonayo dunida magaca Soomaaliya in laga tirtiro.
Faallo Keydmedia Online
Farmaajo: Macsalaamo Soomaalinimo?!!

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “NIN WEYN WADKIIS WAA YAQAAN” halka carabtuna ay ku maahmaado “CAAQILKA WAXA UU FAHMAA TILMAANTA” taas waxaan uga gol-leeyahay hadalheyn ay bulshada Soomaaliyeed hadal heyso muuqaalka Farmaajo ee Shirkaasi iyo kulmadii uu la qaatay madaxda qaarkood.

R.wasaaraha waxaa uu la kulmay tan iyo markii uu tagay New York madax kala duwan oo ka tirsan dowladaha caalamka iyo ururada la sheego in ay daneeyaan arimaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa shaqsiyaadkii matalayay ururada iyo dowladaha ee uu Farmaajo la kulmay :

  1. Ms. Susan E.Rice : wakiilka joogtada ah ee maraykanka u qaabilsan UN-ka.
  2. Ban ki-moon: xoghayah guud ee QM
  3. Lynn pasco wakiilka ku xigeenka xoghayaha guud ee Qm dhinaca siyaasadda
  4. Safiirada dalalka daneeya arimaha Soomaaliya
  5. Mr. Vitaly I Churkin wakiilka qaramada midoobay ee Ruuskha
  6. Mr. Min Wang wakiilka qaramada midoobay ee China.

Aan tusaale u qaadano kulanka dhex maray Susan Rice iyo Farmaajo oo warbaahinta caalamka muuqaala ay ka soo duubtay sheekooyin kale duwan ay dhaliyeen, waxaana dooda badankeed ay ka dhalatay qaabka ay isu qaabileen labada shaqsi.

Marka aad dib u micilisato muuqaaladii warbaahinta ay ka warisay kulankaasi Rice iyo Farmaajo oo is gacan qaadaya is markaana dhinacyada ay ka kala xigaan calanka Maraykanka oo xigay dhanka Rice iyo calanka UN-ka oo xigay dhanka Farmaajo, maxaa kaaga baxay halkaasi?.

Soo ma muuqaneysa in Rice ay wakiil rasmi ah ka tahay dowlada ay matasho ee maraykanka isla markaana ay maslaxada maraykanka ka shaqeyneyso meel walba oo ay tagto, dhanka kale Farmaajo soo uma muuqanaya marka sawirka aan sarifno wakiil UN-ka danihiisa ka shaqeeya oo aan goobta u tagin maslaxo umadeed.

Dad baa laga yaabaa in ay ku doodaan waa maxay macanaha ay leedahay garab istaaga calan, maxaase isku xiray calan iyo shir laba dowladooda dhex maraya?, soo calanku ma ahan astaanta dal walbaa looga sooco kan kale, soo dowlad kama koobneen Calan, Dad , Ciid iyo Ciidan ?

Qaar ka mid ah mufasiriinta siyaasada ayaa ku macneeyay sawirka laga qaaday Farmaajo iyo Rice mid muujinayay macna ahaan marka la fasiro Maraykanka iyo QM oo wada hadlaya isla markaana Qaramad midooway uu wakiil ka yahay Farmaajo, halkaasina aanu joogin wakiil Soomaaliyeed.

Xubnaha dowlada iyo Soomaalida dhamaanteed waxa ay ku eedeeyaan Al-shabaab in ay yihiin kuwa aan ogoleen Soomaalinimada isla markaana ka soo horjeeda calanka ay ummadda Soomaaliyeed caanka ku tahay,  fasir ceynkee ah ayaa la siin doonaa Farmaajo oo ku magacaaban R.wasaare qaran isla markaana ku badashay booskii calanka Soomaaliyeed Calanka Qarmada midoobay isuna muujiyay xubin ka tirsan qaramada midoobay oo aayaha Soomaaliya kala hadlaya dowlada Maraykanka.

Shirkan uu R.wasaare Farmaajo uga qeybgalay New-york ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya waa kii ugu horeeyay ee heerkan ah  ee uu ka qeyb galo tan iyo markii ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana iminka ku furmay tashoosh iyo buuq ka dhashay kulanki Rice uu la qaatay iyo qaabkii qaabilaada ay u dhacday.

Haddii R.wasaaraha uusan saameyn iftiimin iyo fasiraad la xiriirta qaabka kulankaasi iyo waxa ku qasbay in calnkii Soomaaliya oo la heli karo inuu ka doorta QM waxaa macquul ah in shacabka Soomaaliyeed ee iminka taageersan erayadiisa iyo balanqaadyadiisa ay kalsoonida kala laabtaan uuna ku soo dhaco banaan cidla ah sida shaqsiyaadkii jagada uga horeeyay oo kale.

Lama moogo in QM ay si dhab ah u hagto dowlada ayna u yeeriso talaabooyinka ay qaadeyso, waayo waxaa cad oo aan shaki ku jirin taageerada Qaramada midoobay ee dowlada iyo waliba in xisbaaiyaha guud ee dowlada in ay tahay UNDP oo bixiso qarashaadka mushaaraadka Min wasiir ilaa askari, waxaana sidoo kale UNDP ay mas’uul ka tahay dhamaan lacagaha kale duwan ee loogu deeqo dowlada.

Abdirahman A. Ilmi - Washington - Keydmedia Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.