Farmaajo - Shariif Lamood iyo Shariif Sakiin ma doonayaan Dowladnimo!!

Mowjadaha khilaaf ee u dhaxeeya madaxda dowlada waxa ay iminka joogaan halkii ugu sareysay, waxaana muuqaneysa in shaqsiyaadka ku daneesta siyaasiyiinta Soomaalida ay waji gabax iyo anfariir kala kulmayaan is heysadka horboodayaasha siyaasada Soomaalida.
Faallo Keydmedia Online
Farmaajo - Shariif Lamood iyo Shariif Sakiin ma doonayaan Dowladnimo!!

Xukuumada uu hogaamiyo Ina Farmaajo waxay sumcad ka sameysatay shacabka ku nool Dalka iyo dunida inta aan dulaaliinta ka aheyn danaha Soomaaliya, waxaana muuqaneysa in kalsoonida iyo howl qabadka ay muujisay xukuumada ay cara galisay shaqsiyaadka ku caan baxay is hortaaga Danta umada Soomaaliyeed mar walba, waxaana shaqsiyaadkaasi iminka ay adeegsanayaan awooda hogaamiye kooxeed Shariif Xasan oo ku magacaaban gudoomiyaha Baarlamaanka.

Si cad oo aan ka leexleexad laheyn ayuu u sheegay R.wasaaraha talaadadii todobaadkan xili shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho in caqabada ku hor gudban siyaasada Soomaaliya inuu yahay Shariif Xasan isagoona xusay in lama huraan ay tahay wax ka qabashada arintaasi.

“Sax ma ahan in loo hogaansamo shaqsi dantiis, iyada oo danihii umada ay yaalaan, waxaa nala gudboon in aan ka dhaga laabano daacaayadaha raqiiska ah ee ka imaanaya shaqsiyaadka aan umada danta u heyn” Sidaa waxaa yiri Farmaajo oo ku sii daray hadalkiisa in loo baahanyahay Dalka in la xoreeyo maskax ahaan iyo muruq ahaan intuba.

“Waxaan ka shaqeynay sidii uu u dhismi lahaa ciidan qaran oo niyad leh, maanta waa ku guuleysanay, waxaan meel saarnay mushaarkii ciidamada waxaana diyaar u nahay inaan ku sii dadaalno, waxaana iminka noo suurta gashay inaan wax ka qabano cadawga dibada, laakiin waxaa ayaan dara ah in cadaw hoose uu naga hoos dhashay oo kala ridaya qorshayaasheena” ayuu R.wasaaraha yiri asigoo hadalkiisa sii wata.

Inkastoo tan iyo curashadii sanadkan uu ahaa mid soo taaganaa khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada ayaa hadana xooga khilaafka waxa uu soo ifbaxay bilihii u danbeeyay gaar ahaan bishii April oo aheyd xiligii uu Mahiga ku baaqay shirkii loogu magac daray wada tashiga ee ay sida wada jirka ah u qaadaceen xukuumada iyo madaxtooyada, waxaana maalinkaas wixii ka danbeeyay Mahiga iyo Shariif Xasan ay isku dhaarsadeen sidii ay u sii wadi lahaayeen fowdada iyo qaska.

XARIG JIIDKA XILIGAN

Iminka xarig jiid siyaasadeedka waxa uu marayaa halkii ugu qaraaraa, waxaana muuqaneysa in koox uun uu xariga la go’i doono oo hadaan dheer ay ka dhici doonto, Mahiga ayaa ka dhaadhiciyay hogaamiye kooxeed Shariif Xasan qorshe loogu magac daray awood qeybsi kaasoo lagu hami galiyay Shariif Xasan inuu xukuumada ku soo biiriyo xubno taageerayaashiisa ah oo aan howl qabad laheyn.

Wasaaradaha la tilmaamay ee uu la doonayo taageerayaashiisa ayaa waxaa ka mid ah sida ilo xog-ogaal ah ay sheegeen:
 

  • Wasaarada Gaashaandhiga: oo ka mid ah wasaaradaha xukuumada hadda jirta ee la dhihi karo wax badan ayeey qabteen isla markaana guulo ayeey u soo hoyeen dowlada. 
  • Wasaarada arimaha dibada: oo uu la doonayo inuu qabto xilkeeda Yuusuf Dheeg oo ay saaxib dhaw ahaayeen maalmahan danbe. 
  • Wasaarada Maaliyada: oo iminka xubna kale duwan loo saadaalinayo oo uu ka mid yahay C.raxmaan Iibi iyo wasaarada kale.

MUXUU YAHAY GO’AANKA FARMAAJO HADDII AY SIDAN DHACDO

R.wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in aanay muhiim aheyn cida howsha qabaneyso iyo qaabka loo qabanayo laakiin muhiimada ay tahay yaa qaban kara howl wanaagsan oo waxtar leh, waxa uu xusay in xubnaha uu la soo shirtagay shariif xasan ee uu doonayo wasiiro noqdaan ay ka soo tirsanaayeen xukuumado kale duwan isla markaana aanay waligood howl wanaagsan qaban.

Waxa uu tilmaamay hadii xaalada ay sidan u sii cakirnaato uu umada Soomaaliyeed uu dib ugu soo celin doono xilkii ay u dhiibteen isla markaa uu dantiisa shaqsiyadeed raacan doono, waxaana uu xusay inta aan la gaarin heerkaasi in shacabka looga baahanyahay xaqa iyo baadilka in ay kala hufaan.

ARAGTIDA SHACABKA

Xog ururin dhinacya badan oo ay sameysay Keydmedia waxaa lagu ogaaday in shacabka haba yaraatee kalsooni aanay u heyn Shariif Xasan iyo taageerayaashiisa xil doonka ah ee doonaya in umada hantideeda ay jeebka ku shubtaan.

Dadka marka aad dhex marto ee aad si hoose ula sheekeysato waxay kuu sheegayaan in xukuumada xiligan jirta ay tahay tii ugu rooneed ee dalka soo marta tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii Dalka, waxaana ay sheegeen shacabka in Shariif Xasan iyo taageerayaashiisa ay doonayaan in ay qalbi jabiyaan shacabka isla markaana ay laalaan rajada soo bidhaantay.

MAXAA LA GUDBOON SHARIIF XASAN IYO XERTIISA

Si aan ka leexleexad laheyn ayeey dadku uga codsanayaan Shariif Xasan iyo xertiisa in ay ka tanaasulaan damaca waalida ku dhisan, isla markaana ay haboontahay in dadkooda ay dhinac ka raacaan hadii ay yihiin kuwa hami siyaasadeed lehna ay ka fakaraan mustaqbalka iyo isbadalada suurta galka ah ee dhici kara.

Nacimo Cabdi – Muqdisho – Keydmedia Correspondent

UPDATE - WAR DEG DEG AH - Farmaajo oo diyraarsaday warqadii is casilaada!

-------------------------------------------------------------------------------------------

DAAWO -> Sawirada dibada baxyada Muqdisho (UPDATED)

-------------------------------------------------------------------------------------------

-------------------------------------------------------------------------------------------

AQRISO -> Ciidamada Milatariga oo la wareegay Villa Somalia

-------------------------------------------------------------------------------------------

 - Shiekh Ciise Dalabey "Tartan baa wadanka ka jira...!! DAAWO

 - Maxamed Cumar Dalxa - "Barlamaanka Sharif Sakiin: Qodobka Wuu iyo Waa"!! DAAWO




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.