Faroole & Caalin oo ku hadlay afka Zinawi

Dr. Ali. A. Hirabe - Runtii waa wax laga xumaado in Faroole iyo Caalin aay Maanta Ethiopia garab istaagaan, iyaduna hadda aay u aragto in arimihi somaliya 20 sanno ka dib aay siyaasadii guracaneed ee aanan xal u ahyeen umada Somali in aay sii wado.
Faallo Keydmedia Online
Faroole & Caalin oo ku hadlay afka Zinawi

Hadafka iyo ujeedada ka danbeeysa diidmada shirka Turkiga waa kala faquuqa umada Somali, faroole waa u adeegaha Ethiopia waana dariiqa kaliya aay somali u soo marto, waligeedba shaqsiyaadka  Puntland horboodaya Ethiopia waa u danayn jirtay, ujeedkana waxaa uu ahaa dhiiga Somali in uusan qiimo yeelan,dowladnimo iyo wadajir somalina in aanan waligeed la helin.

Dib u fiiri C/aahi Yusuf iyo siyaasadii guracaneed ee uu kula heshiiyay Ethiopia kuna gumaaday umada Somali si dalka Somalia uu u noqoto maxmiyad Ethiopia,50.000 ciiddamada huwanta Ethiopia ayaa xasuuq ka geeystay  gobolada koonfureed ee Somalia.

Waa ayaan darro weyn in hogaan ku sheega Puntland iyo Galmudug aay u adeegaan weli cadawgii soo jireenka ahaa ee  Ethiopia kanna soo horjeestaan in Turkiga lagu qabto shir bud-dhig u ah nabadeeynta iyo soo celinta qaranimada Somalia,Turkiga waxaa uu qaatay goáan ku wajahan xalinta arimaha Somalia,waxaa la ogyahay xiligii yaraa  ee aay dalka soo gaareen in aay wax ka qabteen arimaha murugada badan ee Somalia sida taageerida siyaasada dowlada ku meelgaarka ah,dib u dhiska cisbitaaladii burburay,quudinta shacabkii ku baro kacay Muqdisho iyo nawaaxigiisa.

Turkiga waxaa uu ka howlgalay gobolada dalka sida Galmudug iyo Puntland ,xaqiiqdii Turkiga waxaa uu ahaa dowlaa kaliya ee si aanan mugdi ku jirin u garab istaagay shacabka Somalia 20 sanno ka dib burbur iyo barakac,dib u dhiska madaarka Aadan Cadde iyo ogolaanshaha in Turkish Airlines noqoto diyaarada ugu horeeysay ee si geesinimo ah u bilowday in aay ka shaqeeyso dalka,waxbarashada ardayda Somali ee Turkiga ayaa ah arimaha xaqiiqdii somalida iyo rajada berito.

Halka Ethiopia la ogyahay in aay waxbarasho ugu deeqday arday tiro yare ee  ka socda Puntland,akhristow ma ilowday dhaawacayadii qaraxii Shaamow iyo kii Hargaha iyo saamaha qaabka aay ulla tacaaleen wallaalaha Turkiga, Turkiga waxaa aay Muqdisho ka furteen Safaarad caalimi ah kana shaqeeysa danaha umada Somali,intaba Faroole iyo Caalin waxaa aay ka doorteen Ethiopia iyo Zanawi in aay u noqdaan qaadimiin,Faroole lacag xoogleh ayuu ku bixiyay sidii Caalin uu warmurtiyeed mideeysan u wada qabtaan xaqiiqdiine waa sidaa,dekeda Bossaso canshuurtii laga qaaday shacabka in aay noqoto mid loogu adeegayo hadafka iyo ujeedada Ethiopia waa murugo.

Shacabka Puntland  waa shacab runtii somaliya tariikh ku leh  waana dad somalinimada jecel balse marka Faroole iwm hogaanka u qabto  umadaa taariikhda leh waxaa aay u muuqanayaan kuwo la haystayaal kaligii taliye Faroole uu awooda leehayahay  kana amarqaata Ethiopia kunna hadlaya afka gumeystaha Ethiopia.

Puntland xiligaan waxaa ka jira dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo diidan ujeedada iyo hadafka Faroole sida Karkaar-state,Rascaseer-state iyo Khaatumo-state wax qarsoon maaha wolow codkooda diidmada Faroole uu ku yaryahay saxaafada balse waxaan leeyahay shacabka gumeeysiga Faroole ku hoos nool,shacabka damiirka  lahoow waxaa lagu jiraa xiligii umada aay cadeeyn laheeyd somalinimadiina iyo wadaninimadiina,waa aay fiicnaan laheeyd in aad kala garataan ujeedada iyo hadafka Faroole.

Miisaantaan meesha umada Somali manta aay taal iyo fursada dahabiga ah ee Turkiga u fidiyay umada Somali iyo soo celinta nabada iyo wadanoolaanshaha umada Somali,waxaa quman in aad diidaan hadafka iyo ujeeda Faroole ee ah kala faquuqa umada Somali  waxaa waajib ah in aad shacuurtiina muujisaan,kuna kalsoonaataan shirka Turkiga hormuudka uu ka yahay laguna martiqaaday dhamaan duubabkii Somali in lagu unkayo nabada iyo wadajirka umada Somali.

Dr. Ali. A. Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Mas




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.