Faroole Garoowe Gooso!!!

Aragtidada Dr. Ali. A. Hirabe - Afar sano ayey ku sii dhowdahay inta uu xafiiska maamulka hayo macangaga madax isku sheega Puntland C/raxmaan Faroole, laga soo bilaabo 8-dii Janaayo 2009, Puntland waxaa dhisay ururo qabiilo ah oo is baheeystay sida SSDF,USP iyo SNDU.
Faallo Keydmedia Online
Faroole Garoowe Gooso!!!

Ururadaas Waxay ahayeen ragii hogaaminayay ururadaa kuwo aay siyaasad iyo aragti wadaag la ahaa C/laahi Yuusuf balse waxaa soo ifbaxday in aragtidaa iyo siyaasadii saldhiga u aheeyd midnimada Puntland ay wax weeyn iska bedeshay sabbabta oo ah intii Puntland aay jirtey xukunkeedu wuxuu meerto u noqday saddex jufo oo kasoo jeeda isku beel iyo isku urur reer Maxud Saleebaan iyo urukii SSDF.

Intii ka horeeysay maamulka Faroole sida C/aahi Yusuf iyo Cade Musse marna ma dhicin in maamulka uu duulaan hubeeysan uu ku qaado qabiiladii bud-dhiga u ahaa Puntland sida ka dhacday waqooyiga Gaalkacyo, Baaargaal, Xaafuun, Qardho iyo Bariga Sanaagmaamulka Garowe ee Faroole uu hogaamiyo maanta ma leeyahay karti iyo siyaasad hufan ?

Iyada oo aan arkeeyno in degmooyinka qaar qabiil weliba uu ku dhawaaqay in uu xaq u leedahay in ay aayahooda ka tashadaan sida qabiilada ku nool gobollada SoolSanaag iyo Cayn oo dhistay Maamul iyaga u gaar ah oo ka madaxbannaan Soomaaliland iyo Puntland khatumostate,sida oo kale Rascaseerstate iyo Karkaarstate ayaa lagaga dhawaaqay Puntland intii Faroole xukunka hayay.

Maanta waxaa uu damac kaga jiraa in uu Somalida degen gobolada koonfur ku abuuro qalaanqal siyaasadeed oo la mid ah mida uu ku hayo Puntland,Faroole waxaa uu cadeeyay ujeedka iyo hadafka Puntland aay ka leedahay Federalka in aay tahay oo kaliya anaga ayaa hogaamineeyna ama Puntland waa aay ka go´eeysaa somalida inteeda kale sidii Somaliland.

Faroole ayaa sheegay in hogaamiye kooxeedyaddii Muqdisho aay yihiin kuwii ka soo qaxiyey guryahooda isla markaana laayey dadkoodii reer magaalka ahaa sidaa darteedna wax kale oo u yaalo aysan jirin oo aan aheyn maxkamad in la hor keeno,ujeedka hadalkaa ayaa ah mid uu ku soo dhaweeysanayo beelaha Daarood balse waxaa umada Somali aaminsan tahay in hore loo socdo oo laga gudbo waxii la soo maray,Faroole haddii uu jecel yahay in dagaalka sokeeye aanan laga gudbin waxaan leeyahay miyaad ilowday in C/aahi Yusuf uu dalka Somalia ku soo hogaamiyay cadowgii ugu foosha xumaa ee Ethiopia iyo gumaadkii aay ka geesyteen gobolada koonfureed iyo caasimada Muqdisho.

Miyaad ilowday in Morgan ahaa nin la mid ah hogaamiye kooxeedka iyo wasiirkii gaashaandhiga dowladii Siyaad Bare 1991, miyaad ilowday ragii siyaasada la waday C/aahu yusuf sida. taliyihii ciidanka Sirdoonka NSA (National SecuritAgency) Gen. Maxamed Darwiish.aliyaha Ciidammada Cabdullaahi Cali Cumar,La taliyaha madaxweynaha dhinaca siyaasada YuusufCumar Al-Azhari ,wiilka uu dhalay C/aahi ahna qasnajiga Madaxtooyada Axmed Cabdullaahi Yuusuf,Afhayeenka Madaxweynaha ahna safiirka u fadhiya Brussels Yuusuf Cusmaan Baribari.Madaxa ilaalada Madaxweynaha Cabdullaahi Dheere Taliyaha Airpotka iyo Dekeda Muqdisho Laba Xidigle Joocaar intaaba aay mudan yihiin in maxkamad la soo taago.

Waxaa cad in Faroole yahay ninka kaliya ee colaada ku hartay balse waxaan qabaa in-taasi uu gaarsiiyay Sheekh Shariif oo aanan aqoon u laheeyn Faroole oo xukunkiisa ku egyahay Garowe ka dhigo nin awood badan iyo kooxda dhagarqabayaasha siyaasad guracan u maleegay xiliga kala guurka ah,waxaa quman in inta caqliga u saliimka ahi ee reer Puntland Somalida u cadeeyaan in Faroole yahay nin colaada somalia sii hurinaaya Puntlandne eeyan la qabin waxa uu aaminsan yahay.

C/weli waxaa uu noqonayaa xildhibaan laga soo xulay Puntland  August 2012 waxii ka danbeeya,waxaana dhamaaday xiligii xukuumadda ee uu  r/wasaare ka ahaa iyada oo la ogyahay in wasiiradii xukuumadiisa qaar noqdeen sidiisa oo kale xildhibaano u taagan baarlamaanka cusub.

Halka uu asaga isku soo sharxay madaxweeynimada Somalia,Cabdiweli oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Xukuumadda uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay ay jireyso illaa iyo inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo bedesha ”Xukuumaddu waa jireysaa, illaa inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo maamulka kala la wareegta” Riyadii C/weli oo run noqon weeyday,Alow Sahal Umuuraha.

Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com 

Masuuliyada Qoraalka waxaa iska leh Qofka ku Saxiixan! Keydmedia Online Ma Qorin Qoraalkaan!




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.