Cabdiraxmaan Faroole: Waan Goosaneynaa!

Ayuub A. Aden (Keydmedia Online) - Allow run ka yeel in Cagajuglaynta Faroole ay sabato burburka Federaalnimada. Mowqifka Faroole wuxuu lamid yahay Nin Geedkii uu fuushanaa salka ka jaraya, runtana wuxuu ogaan doonaa marka geedku jabo oo dibir xumi ku dhacdo.
Faallo Keydmedia Online
Cabdiraxmaan Faroole: Waan Goosaneynaa!

Sidoo kale, Ninkii durbaanka si xoog leh u tuma, ugu dambayn sacabbada ayaa biyo ka galaan.

Ciyaarta Faroole uu ciyaari karo Maalmaha soo socda waa mid aan Fahamkeedu u bahneyn in la noqda Xeeldheere Siyaasadeed Qof walbana wuu Fahmi karaa.  

Hadaba waxaa laga filayaa in uu sameeyo sida soo socota:

  1. Faroole wuxuu doonayaa sidii caadada u ahaan jirtay oo uu dhowr jeer ku Caanamaalay inuu Warqadood u Qoro Carabaha, UN-ka iyo Tilyaaniga.
  2. Wuxuu ka hadli doonaa BBC-da iyo Voice of America oo marwalba diyaar u ah iney Qeyladiisa maqashiiyaan Dadweynaha.
  3. Wuxuu dhowr goor iskaga dabanoqon doonaa Addis Ababa
  4. Wuxuu oron doonaa “Soomaaliya waan ka tashaneynaa oo waan isku Tashaneynaa”

Intaas wuxuu ula danleeyahay aad heshid misaan Siyaasadeed oo aad Qal-Qal ku galisid M/weynaha Cusub Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Baarlamaanka Cusub.

Buqaas wuxuu Rajo ka qabaa in uu Mahiga, Kenya ama Itoobiya usoo gurmadaan oo sidii Sharif Axmed “Ha la idin dhex dhexaadiyo”. Waxaase saadaashu sheegeysaa inuu dhamaaday Xiligii Cagajugleynta Jabhada SSDF ee uu Faroole Horjoogaha u yahay.

Bal aynu is-weydiino natiijada Putland ay ka heli doonto ka bixidda dawladda dhexe ee federaalka ah: Waxaa dhici doonta in dhammaan mas




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.