Faroole maxuu qoonsaday? Bintland Ethiopia miyaa loo doonay?

Dr. Ali. A. Hirabe - Faroole maxuu qoonsaday? Waxaa ugu horeeysa asaga oo aanan jacleeyn Qaran Somali in uu oo dib u soo noqda sabbabaha soo socota darteed, waxaa uu ansixiyay Dastuur ku cad in Bintland aayan ka mid aheeyn Somalia, waxaa ku Qoran Dastuurka Binland xaga arimaha jinsiyada in Qofka Bintland ku dhashaa ama ku jiraa xeendaabka Bintland in uu qaadanayo jinsiyada Bintland.
Faallo Keydmedia Online
Faroole maxuu qoonsaday? Bintland Ethiopia miyaa loo doonay?

 

Halkaasi waxaa ka cad in Faroole iyo inta daba soctaa aayan marna raali ka aheeyn jinsiyada Somali iyo in aay soo noqto midnimo  Somali,waxaa kale oo jira magaalada Muqdisho sida aay ku socoto xiligaan ee xaga nabada iyo horumarka is-dhexgalka umada aay sabbabeeyso siyaasada Faroole in aay ka gadmiweeydo umada somali.

Waxaa uu Muqdisho u soo dirsaday duubab hal beel ah taas oo cadeeyneeyso in Bintland aay tahay hal beel oo kaliya halka Khaatumo-state Maakhir State Karkaar-state iyo Raascaseeyr-state  aay u soo dirsadeen duubab matalaya shacbka ku dhaqan goboladaa diidana kala goída Somali balse aaminsan somali waxda.

Waxaa meesha ka baxay waxii Mahiga iyo Faroole maleegayeen ee dastuurka qabyada qoraalka oo maalin walbaa wax laga bedelayo welina aanan cadeeyn qormada dastuurka saxda ah shacabkii lagu dhaqi lahaana aay diideen, wasiirka dastuurka iyo arimaha faderaalka mar aay wax ka weeydiisay Faroole in uu ka mid yahay Qaswadayaasha ayuu ku jawaabay in Faroole aanan loo haynin magac balse uu xaq u leeyahay in uu mucaarado,wallow uu sheegay in aay mudnaan laheeyd in uu dowlada dhexe ku soo wargeliyo wax uu ku mucaaradayo eeyan fiicneeyn in Un ka iyo IGAD leeysku dacaweeyo.

Waxaa meesha ka baxday Dastuurkii Bintland oo aay ansixyeen dhawaan dhagarqabayaasha Bintland in uusan marna la jaan qaadi karin dastuurka qabyo qoraalka maadaama maalin walbaa qodob laga bedelayaayo, Roadmapka iyo Garowe 1  Garowe 2  Galkacayo 3 ujeeddada loo abuuray waxaa aay ayeed in danaha Bintalnd laga hormariyo danaha umada Somalia.

Xaqiiqdiina waxaa iska horyimid labadaa ujeedo oo aadka u kala fogaa, waxaa cadaatay in Somalida aayan ogoleen dastuur laga leeyahay hadaf guracan iyo sadbuuri ku dhisan xaqdaro iyo caddaalada oo laga fogaado.

Xagee u socdaa Faroole ama Bintland ????

Waxaan marna shaki ku jirin in dhawaan aay caddeeyndoonaan in aay ka go`een Somalia sida Somaliland ,waaa talaabo lagu heshiiyay kuna cad dastuurka Bintland ee dhawaan la ansixiyay,hadaba Faroole sow ma noqon geel ninkii lahaa dhacayo yaa ka soo dhigin Faroole xad ma laha xuduudiisa waxaa xargaha ka furay Shariif aanan laheeyn aqoonta Siyaasada Somalia.

Maxaa laga dhihi karaa r/wasaare C/weli hadaladiisii uu VOA " Nasiib darada jirtaa waxaa weeye Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qoraayo mana haboona qofku inuu  wax iska diido isagoo aan aqoon u laheyn waxa uu diidayaan” Faroole iyo Bintland ma garanayaan dastuurka qabyo qoraalka mise waa garanaayeene danahooda ayuu ka horimaanayaa ujeedada Bintland waa in aay ka go´daa Somali.

Faroole ma xishoodo ee waa baqaa,waxaase ka sii xishood daran kana xanuun badan Gaas oo ah dhaxalkii C/aahi Yusuf oo og wax umada aay diidan tahay iyo hirgelinta ujeedooyinka guracan ee Faroole ama Bintland.

Somalida waxaa la gudboon in aay dib ugu fiirsadaan dastuurka qabyo qoraalka oo runtii noqday mid dano kala duwan laga leeyahay,waxaan marna la qaadan karin in dastuurka uusan ka soo horjeedin shareecada Islaamka, waxaan cadeeynayaa in dastuurka qabyo qoraalka uu aad ugu fogyahay shareecada basle sida laga arko ansixita dastuurka in lagu ansixinaayo qaabka 4,5 oo ah mid shareecada ka fog.

Qabaailada lagu sheegay nuska sida reer xama.Barawaan Madhibaan,Jareerweeyn duubabkooda waxaa ka codsaneeynaa in aayan ka qeeybgalin shir aay nus ka yihiin,shir somali u dhan tahay fadalan kaga qeeybgala iyada  oo somalida aay simman tahay maah nus,diida in baarlamaanka somali aad ku yeelatiin 25 xildhibaan xaq maah balse waa gardaro qaawan, ka faaiideeysta xiliga lagu jiraa maaha xiligii hubka leeysku handadayay balse dalka waxaa ka taliya AMISOM.

Alow sahal umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com


Mas




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.