Faroole Miyaa Kismaayo Laga Hayaa? “Kuwa Kaa Tun Weyn Ayaa Hore Looga Quusiyey!”

By Cumar Cali - Waa wax lala yaabo, sheekooyinka aan meelna jirin ee mar walba la isugu sheekeeynayo. Kismaayo miyaa markanna Faroole laga hayaaa? Wallee waa la yaab, waase is moodsiise runtu sidaas ma ahan. In badan ayaa laga hadlay Kismaayo, oo arrintii ugu dambeysey ee qaar ka mid ah soo galootigu ay damacooda hunguri-doon ku hungoobeen.
Faallo Keydmedia Online
Faroole Miyaa Kismaayo Laga Hayaa? “Kuwa Kaa Tun Weyn Ayaa Hore Looga Quusiyey!”

Mar kasta oo Kismaayo la soo qaado, dadka wixii wax garanaya waxay ereygooda u jiheeyaan dhinaca nabadda iyo wada-hadalka. Ficilkii ugu xumaa ee Kismaayo laga yiraahdo wuxuu ahaa kii ay ku fashilmeen Maleeshiyaadka meesha iska soo galay, oo markaas is lahaysiiyey.

Fishilka ugu weyni ee Kismaayo wuxuu salka ku hayey markii koox Maleeshiyo ah oo jifo kooban ah ay damac shisheeye iyagoo dugaashanaya ay si aan miyir lahayn u halacsadeen hunguri aan meeshaba oolin. Waxaa la is tusay oo si riyo ah la isaga dhaadhiciyey in Kismaayo meel kale laga maamulo oo aan Somali ahayn, sidaas ayaa loogu dhacay fadeexad ku aaddanayd in Masuuliyadda iyo jiritaankii Somalinimo wax kale laga door bido, oo nidaamka iyo qaranimada Somaliya la iska indha tiro (waa tii talada Madaxweynaha iyo tan dowladdaba la diiday).

Dadka Aragtida fog waa garanayeen in falkaas foosha xun ee ka soo yeeray Maleeshiyaadka uu wato Axmed Madoobe aysan yaba yaraatee wax wanaagsan dib uga soo yeeri doonin.

Hase ahaatee, dowladda waxaa lagu maslaa hooyoo, hooyana ilmaheeda wanaagsan iyo kuweeda xunba waa ay wadataa. Arrinta la yaabka leh ee hadda soo ifbaxaysaa waa Faroole oo mar kale Kismaayo ku soo baraarugay. Allow bal ogow.

Akhriste, maxaad u malaynaysaa waxa xilligan Faroole ku soo kiciyey Kismaayo iyo hadal haynteeda? Ma arrimo maamul u samayn baa? Ma arrimo talo iyo wanaag ka dhallin baa? Ma degaanka yaa la iga qadiyee aan ka gaaraa? Mase wax kalaa jira?

Nin baa beri waxaa laga hayaa, annagu yaabnaye idinku ma yaabteen.  Somalida in la isaga warramo oo weliba qof kale oo aan Somali ahayn uu isaga warramo, waa wax aan sina loo qaadan karin.

Axmed Madoobe waad wada taqaanaan meesha uu ku dhashay. Aabihiis gobolada dhexe ayuu kitaabo ka raacan jirey, laba reer ayuu Itoobiya iyo Somaliya ku kala lahaa, Axmed Madoobe wuxuu ka mid ahaa caruurta ku dhalatay Itoobiya weligiisna halaahs ayuu joogay.

Marka Haddii la miyir qabo, oo aysan maskaxdu wax naga noqon, ma habboona, wax laga wada hadli karona noqon mayso, in uu Axmed Madoobe iyo dhowr wiil oo uu adeer u yahay in ay Kismaayo iyo maamulkeeda ka hadlaan, bal iska daa in ay iyagu maamul u sameeyaane. Arrintaas sidaas ayey u bayaansan tahay, madmadowgana waa laga fiican yahay.

Aynu wax yar wax iska xusuusino Hoggaamiyaha Maamulka Puntland: Waxaa muuqata in hoos u dhac weyn ku yimid hannaanka siyaasadeed ee Maamulka Puntland intii uu hoggaanka hayey Faroole. Waxaa faraha ka baxay ammaanka. Waxaa dadka reer Puntland lagu dhaqaa xeer jajab uu hoggaamiyuhu jeebka ku haysto.

Waxaa gebi ahaan kala furfurmay xiriirka bulsho ee dadka mandiqadda ku sugan, kuwaas oo iyagu Puntland gacantooda ku dhistay. Waxaa si weyn loogu xad gudbaa Xuquuqda Saxaafadda iyo suxufiyiinta. Waxaa hoos u dhacay, welibana meel quus ah taagan xiriirka dadka reer Puntland ay la lahaayeen Somalida kale. Waxaa sidoo kale, hoos u dhac weyn ku yimid xiriirka iyo wada shaqaynta maamulka Puntland la lahayd dowladda Somaliya (DFKMG).

Hadduu qurux u arkayey iyo hadduu dano kale ka lahaaba, Faroole wuxuu ku caan baxay ka fiirsi la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.