Faroole: Dagaal-Ooge Faradheer?

Dr. Ali. A. Hirabe - Soomaalida Aduunka ku dhaqani waxaa aay daawadeen Faroole iyo reerkiisa oo magan u ah Uhuru Kanyata kana baryaaya in uu taageero u fidiyo sidii uu u Aqoonsan lahaa dhismaha Jubbaland.
Faallo Keydmedia Online
Faroole: Dagaal-Ooge Faradheer?

Iyada oo la ogyahay in Somalida iyo aduunka oo dhami aay ku tilmaameen dhismaha Jubbaland  mid ku yimid sadbuursi iyo caadifad qabiil kana soo horjeeda dastuurka Somali ku heshiisay,waxaad moodaa in Faroole iyo reerkiisa aay u hamuun qabaan in dagaalkii sokeeye uu markale soo noqdo.

Waxaa marag ma doonta ah in SSDF ay aheeyd ururkii ugu horeeyay ee bilaaba dagaalkii sokeeye ee Somalia ugu danbeeytiina qarxay 1991,waxaan aad ugu xumahay in xiligaan Faroole uu u muujiyo wallalaha Ogaadeen oo runtii abaal aad u weeyn aay ku leeyihiin  Somaalida  oo dhan 77 kii unna qubay dhiigooda in manta kuwii Ethiopianka dabadhilifka u ahaa xiligaa in mantana si caadifadeeysan ugu taageeraan Jubbaland iyada oo la ogyahay in shacabka Ogaadeen aay dharaar cad ka gadan jireen Ethiopia lana ogyahay Faroole in uu ku tilmaamay in Ogaadeen uusan  Somali aheeyn balse aay yihiin Ethiopian.

Fidnada Faroole ee taageerida  Jubbaland waa mida ku timid dowlad naceeyb iyo maxaa SSFD  r/wasaare loo siin waayay sidii Cumar C/rashiid iyo C/weli xaga dowlada federaalka,waxaan leeyahay wallalaha Ogaadeen ee degen Jubbaland cidi wax umma diidana balse Cumar C/rashiid iyo Faroole siyaasada aay idiin dhigayaan ka hara Puntland ayeey degen yihiin not jubbaland hadsafkooda waa burburka Somalia iyo in aanan dib loo soo celin qaranimadii Somalia, Puntland Ogaadeen wax kuma laha taladiinana kama socoto oo Faroole iyo reerkiisa ayaa isku koobay.

Waxa hada ka socdaa Puntland iyo marxaladda ay haatan mareyso  waataa kulan lagu wado in lagu qabto magaalooyinka Bosaso iyo Qardho midkood ilaa 25 ilaa 26 bishaan Jun intaba waxaa aay muujinaayaan dhibka Faroole ka geeystay Puntland iyo sida Puntland looga diidan yahay in uu kaligiistaliye xumuko.

Faroole waa kaa bal ha yimaado Muqdisho haddii uu ka mid yahay kuwa wax ku sheegta Jubbaland, shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu qabanaayo waxaa uu u dhaxeeyaa inta ilaah xaqa u siiyay Jubbaland iyo dowlada federaalka oo ajendaha iyo fadhiga masuul ka ah not Faroole and Puntland .

Soomaliya wexeey ku jirtaa xilliligii la soo celin lahaa qaranimadii Somali ee dhuntay 1991,runtii xilligaani waxaa waajib nagu ah in laga shaqeeyo sidii loo kasban lahaa taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si aanu u helno taakuleeyn dhaqaale kaas oo inoo suurta geliya dib u dhiska dalka iyo kobcinta dhaqaalaha,dowladduna aay  ku qanciso shacabka Soomaaliyeed canshuurta ay bixiyaan in loogu adeego ee aan jeebka la gashan sabbabna aayan u noqon dowlad masuqmaasuq ah in umada lagu hogaamiyo.

Dhinaca kale, waxaa xaqiiqa ah, shacabka Soomaaliyeed inuu waayo arag u yahay wixii uu soo maray iyo sababihii kiciyay dagaalada sokeeye. Sidoo kale wuxuu markhaati ka yahay in dowlada hadda noo dhisan aaneey aheeyn mid ku meel-gaar ah balse aay tahay mid ku timid  doorashado xalaal ah xilkana Somalida u hayndoodnto 4 sanno ,waxaa lagu jiraa sidii uu dalka uga faa-iideysan lahaa deeqaha aan aheyn gargaarka deg-degga ah (emergency relief aid) ee la siiyo waddanka Soomaaliya loona soo mariyo hey’adaha Un ka ee xarunta ka dhigtay Somalia.

Sida oo kale xukuumaddu waxaa aay  howl gelin ugu jirtaa  sidii ay tala ugu yeelan laheyd habqeeybsiga  isticmaalka boqolaalka malyan ee doolar ee sannad walba uu aduunweynuhu ugu gargaaraayo Somaliya sidii si simman aay u heli lahaayeen dhamaan gobolada dalka iyada aanan loo fiirin xukunka guracan ee gobolwalba ka jira balse shacabka ku nool gobolada dalka  si simman waa in aay dowlada kula dhaqantaa haddii aay rabto in shacabka u arko mid xalaal ah,maaha in shacabka Somaliland lagu dhaafo waa Somaliland oo Somalinimada waa diideen,shacabka waa shacab Somali ah cida xukuntaa laguma nici karo.

Sheekhii Faroole u soo faaliyay Jubbaland oo dacaroonaya bal ila dhageeysta allow aaway xishoodkii duqani waxuu ahaa faalalowgii Mudug madaxda ugu ahaa Faroole oo dagaal iclaaminaya  Nin daad qaadey xunbo cuskey,

http://www.youtube.com/watch?list=PLveJ2HXBQkurz-vedcxir-Z6i9muBE5FZ&feature=player_embedded&v=1Uhvw8PP46w#t=6s

Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a @hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.