Farshaxanka ‘Cusub’ ee Aamin Caamir

Axmed Cabdi Faarax - Sawirada Kartoonka waa Nuuc ka mid ah Wadooyinka ay wax ku gudbiyaan Saxafiyiinta waxaana dhanka Soomaalida caan ku ah Aamin Caamir “Aminarts”.
Faallo Keydmedia Online
Farshaxanka ‘Cusub’ ee Aamin Caamir

Aamin waa kaas farshaxaniiste ama Saxafi dhax dhaxaad ah siweyn ayuuna u faaqidaa ama wax uga sawiraa Arrimaha Siyaasadda iyo Bulshada ee Geeska Afrika Somalida uu kasoo jeedo haba Ugu horeeyaane.

Amiin waa Soomaali Deegaan ahaana waxuu ka soo jeeda Gobolka Banaadir, waxaa uu ka mid yahay Bahda Saxaafadda isaga oo leh Mareeg u gaara, oo uu ku soo bandhigo Sawirro kala duwan taas oo keentay in uu ka mid noqdo dadka Soomaalida ugu caansan dhinaca Farshaxanka.

Muddooyinkii hore saxafigan waxaaa lagu yaqaanay sidan horayba idinkugu sheegay dhexdhexaadnimo ka turjumaysa hadba isbedelka iyo doorka Siyaasadeed, inkastoo waayahii danbe xaalkiisu isku badalay in uu hadba dhan kasoo jeesto oo ay suura gal tahay in maalmo ka hor dad uu dacaayad ka fidiyay hadane uu maalmo ka dib amaan kula doc wareemo taas oo aysan fahmi Karin dadku in yar mooyaane lkn xaqiiqda ayaa ah in cidna uusan la jirin ee uu la jiro lacagaha laaluushka ah oo ay dadku siiyaan.

Waa Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ardaydii dalka Soomaaliya wax ku bartay waliba cashuurta dalka waxaana waajibkiisu ahaa in uu ka qeyb qaato xasilinta dalka laakiin taas badalkeeda waxa uu u istaagay in dalka qaribitaankiisa ka qeyb qaato oo uu lacag siisto Ummadii canshuurteeda uu kusoo wax bartay taas oo ka dhigeysa in uu yahay “Abeeso ay Shalay soo Korsadeen”.

Amiin waa mid ka mid ah musiibooyinka Somalida heysta ilaa haddana lama hayo Waxqabad rasmiya, marka laga reebo Sawirrada dacaayadda ah, oo beryihii hore maskaxdiisa ka iman jiray markii dadku barteen uu noqday mid u adeega ama fuliya hadba Ruuxa Dhaqaale siiya codkiisa inuu ku soo gudbiyo sawir ahaan.

Dadka qaar ayaa ku eedeeya inuu jiro nacayb qoto dheer oo u qabo Soomaalida kale, ee aan ahayn beeshiisa, in kastoo ay jiraan Beelo iyo dad khaasa uu xiriir fiican la leeyahay taas oo la oran karo waxa uu kula Saaxiib yahay Dhaqaalaha uu ka qaato barina waa u cadaw hadii ay isku qilaafaan dhaqaalahaasi.

Aminarts wuxuu caan ku ahaa Faaqidaada Sawirrada Siyaasadda Dalka ka turjumaya lamana arag isagoo soo sawiraya, Marwooyinka ay qabaan siyaasiyiinta, sidaan ognahay, haddii hoggaamiye iyo siyaasi khaldan yahay ama saxan yahay maaha mid loo aaneeyn karo Xaaskiisa iyo Caruurtiisa taas waxaa ka odhan lahaa inuu Amin ku xadgudbay dhaqankii Soomaalida oo xitaa ay ceeb tahay xilliyada dagaalka in lagu xadgudbo Berima gaydada oo Haweenka, Caruurta iyo duqoowda ugu horreeyaan, sidoo kale Siyaasiga waxaan loo aanayn karin ehelkiisa kale, sida Hooyadii, Aabbihiis, Walaaladiis, iyo dadka eheladiisa kale ah.

Waxaa soo daahiray imika Ceeb cusub oo uu la yimid ina Camir kadib markii uu la so baxay in u aflagaado qaawan u geysto hawenka caruurta iyo beela Soomaliyed tusale waxaa kaaga filan dad walaalo ah oo ku dagaalamayo Shabeelaha Hoose in u qeeb ka noqdo dagaalkaas  ay ku barakacaayaan dadka masakinta kuna dhimanayan kuwo kale.

Sida aan wada ognahay in dagaalada fidnada ah sida kan shabelaha hoose ka socdo xaalkooddu uusan sahlaneen Aakhirona leys weydin doono lkn waxaa la yaab ah ninka saxafiga ee Aminartas xitaa hadii xeerka saxaafada iyo qawaaniinta caalamiga ah ay qaban weysay masoo xasuusanayo miyaa Aakhiro iyo su’aalaha laga weydin doono qofkasta ee ka qeyb qaadata dagaaada fitanka ah kan oo kale.

Mida iswediinta mudan ayaa ah amiin mal mahan waxuu wax ka qorayaa marwo fosiyo yusuf xaaji adan oo ah wasirada arimaha dibada oo wax qabadkeeda la wada ogyahay mudadii ay xilka heysay amiin sida ad maqaalka ku aragten waxaa wax baray dowaladii Marxuun Maxamad siyaad barre maantane waxuu jawaab uga dhigay caay iyo aflagado meeshi laga rabay in u cashuurta uu wax ku bartay dowalada u celiyo marar badan ayaa qoraalo laga qoray amiin uguma horeeso qoralkan waxaa sido kale wax ka qoray Sanadkii 2012 Cabdiraxiin Hilowle Galayr oo ku saabsanaa inuu ilaaliyo dhaqanka iyo Anshaxa Erayga.

Farxashaxamiista yaasha caalamka ayaa lagu yaqaanaa ineey ka shaqeeyaan qoraalo taariiqi ah oo la xusi karo mudooyin qarniyo kadib iyagoo lagu daro ama la geliyo meelaha taariikhiga u ah wadamada caalamka sida (Museums ka) halka farshaxaniistaha xiligaan ugu fiican dalka Somalia uu la jaan qaadi la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.