FASHIL KU YIMID DULAALIINTA ARIMAHA SOOMAALIYA

Qaaradda Afrika waxaa la gaday oo go’doomiyey NGO-yo oo afka qalaad lagu yiraahdo (None governmental organizations) oo macna ahaan noqoneysa ururo aan dowli aheyn, waxaana ururadan ay yihiin kuwa dalaaliin ka ah barnaamiyo loogu magac daray horumarin oo ay Hey’adaha reer galbeedka iyo Maraykanka taaba galiyaan.
Faallo Keydmedia Online
FASHIL KU YIMID DULAALIINTA ARIMAHA SOOMAALIYA

Iminka waxaa soo ifbaxday caqabad ay wajahayaan hey’dahan kadib markii ay waayeen saaxib weyn oo galaangal balaaran ku lahaa arimaha dulaalida barnaamijyada loogu yeero horumarinta Afrika.

Iminka waxaa muuqaneysa in fashil baraalan uu wajahayo Hey’adaha dulaaliinta ka ah arimaha Soomaaliya ee fariisimaha ku leh Magaalooyina Nairobi iyo Addis-ababa, waxaana tani ay soo degdegta kadib markii uu xilkii waayay Senator maraykan ah oo arimaha Afrika qaabilsanaa isla markaana naasnuujin jiray Hey’adahaasi kaasoo lagu magacaabo Russ Feingold.

Hay’adahan  degan Nairobi iyo Addis Ababa waxay waayeen saaxiib qaali ah oo u joogay aqalka senate-ka ka dib markii laga badiyey Senator Russ Feingold oo laga soo dooran jirey gobolka Wisconsin.

Rug caddaaga siyaasadeed waxaa uu ahaa senator mudo 18 sano ah, waxaana uu ahaa senator liberal ah oo caan ah.  Sababta NGO-yada  ka qaylasiisay ayaa waxay tahay ayagoo ka cabsi qaba saaxiibkii la isku halayn jirey ee saamaynta ku lahaa siyaasadda America ee Africa  iyo dhaqaalaha NGO loo qoondeyn jirey in la waayo.

Waqti dheer ayay u baahan tahay in la kasbado saaxiib kale oo weliba leh miisaan siyaasadeed ama qibrad sidii Feingold.  Waxaa la saadaalinayay in labada nin ee guddiga arrimaha dibadda uga sareeyaa ay booska baneyn doonaan dhowaan oo asagana loo caleemo saaro madaxa guddiga, haddase arrintaasi waa laga quustay .  

Xanata hoose ee la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Senator Kerry Obama xil u magacaabayo halka Senator Dodd uu retire noqonayo, Sidoo kale waxaa la filayaa in Congressman Donald Payne laga qaado gudoomiye nimada guddi hoosaadka Africa iyo caafimaadka adduunka  maadaama aqalka hoose ay jamhuuriga la wareegeen.  Waxaa la filayaa in Ruug cadaa Christopher H. smith (R-NJ) looga dhigo madax guddi hoosaadka arrimaha Africa ee aqalak hoose ama Jeff Flake (R-AZ)

Senator Feingold waxaa uu ku caanbaxay sharci xakameeyey nidaamka lacagaha loogu bixinayo doorashooyinka oo la yiraahdo Macain Feingold Campaign Finance Reform. Muddada dheer ee uu ahaa senatorka waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah. Ka hor imaanshaha uu ka hor yimid 2001 Patriot Act kaasoo ahaa sharci awood dheeraad ah oo baaritaan siinaya dawladda. Sidoo kale waxaa uu ka hor yimid dagaalkii Ciraaq.  

Senator Russ Feingold (D-WI) waxaa uuu mudo dheer ka tirsanaa gudiga arrimaha dibadda ee Senateka asagoo ka gaaray darajada saddexaad waa sida loo soo kala horeeyaye.  Hadda waxaa gudiga arrimaha dibadda madax ka ah Senator John Kerry (D-MA) waxaana ku xiga Chris Dodd(D-CT) qofka saddexaadna waa asaga.  Feingold waxaa uu hadda madax ka yahay guddi hoosaadka senateka ee arrimaha Africa weliba waxaa lagu tilmaamaa inuu aqoon badan u leeyahay Africa.  Waxaa uu aad uga hadlaa Soomaaliya iyo Suudaan laakiin waxaa aad u haboonaan lahayd in uu dadka jooga Soomaaliya ama dadka ka soo jeeda dalkaas uu ku xirnaado ama xogta toos uga soo helo ayaga inta uu NGOyada Nairobi iyo Addis Ababa aqbaarta ka soo qaadanayo.  

Congressman Donald Payne iyo Former Senator Norm Coleman labaduba waxaa lagu yaqaanay in ay dhegaystaan dadka soomaalida ah naftigood oo aan Nairobi/ Addis Ababa/Kampala  loo sii marin. Congressman Donald Payne xataa waxaa uu tagay Muqdisho, Norm Coleman NGO iyo UN iskumabae.  

Shacabka Soomaalida si kastoo ay isu haystaan ama qilaaf ka dhex jiro waxaa haboon in aan Nairobi/ Addis Ababa/kampala loo sii marin ee toos loola xaalo. Dadka Soomaaliyeed ee maraykanka ku nool waa inay ogaadaan hadii ay is habeyn waayaan oo ay isku mashquulaan ama iska daba shaqeeyaan in aanan la tixgelin doonin oo laga gaabsan doono

Maadaama ay doorashadii maraykanka xilligii dhexe ay dhamaatay waxaa la gelayaa in congreesku iska dhex doortaan gudiyadoodii dhowaan.  Waxaana xusid mudan in Senator Feingold qof lagu bedeli doono.  Waxay u badan tahay in Democrats aqalka senate-ka haystaa ay booskii Feingold (madaxa gudi hoosaadka Africa) ku bedelan doonaan Senator Benjamin L. Cardin (D-Maryland) ama Senator Jim Web (D-Virginia.

Haadaba maxaa la gudboon Soomaalida Maraykanka degan?

1) Inay ogaadaan dadka Feingold iyo Donald Payne lagu bedelo iyo gobolka laga soo doorto

2) Inay Soomaalida deggan gobolka dadkaas is abaabulaan oo si toos ah ula xiriiraan

3) Inay ku hormaraan xiriirka,waxbaridda iyo talo soo jeedinta  iyo in aanay oggolaan  danaytayaasha Jooga Nairobi/Addis/Kampala inay keligood talo soo jeediyaan.

4) In la isku dayo in si fiican loo gudbiyo danaha shacabka soomaaliyeed ee 20 sano dabka lagu shidanayey ee laga dhigo wax la dilo ama la qaxiyo ama la rafaadinayo.   Looma baahna is barbar yaac iyo isku xumayn ama dan     shaqsiyaad waayo shacabka dhibaataysan waa isku dan. Waa dhab in qolooyinka joogaan Nairobi/Addis/Kampala ay heli karaan habab badan oo ay dantooda ku soo gudbiyaan laakiin waxaan ognahay in danta ay ka leeyihiin Soomaaliya ay uga weyn tahay danta shacabka Soomaaliyeed. Muhiim waxaa u ah dantooda.

5) In soomaalida deggan gobolada kale ee maraykanka caawiyaan soomaalida deggan gobollada madaxdaasi laga soo doorto ayagoo ku caawinaya fikrado ama abaabul iwm.

Maxamuud Nuur Wardheere - Former US Senate Staff
www.keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.