Farmaajaa fiijiyey farina u taagan tahay

Bashir M. Hersi - Maalmahan waxaa Saxaafadda qabsaday mudane Mahige oo aan u baxshay “Ma Hinge” oo dhinac ah, madaxweyne Shariif “Haye”+ Aala Sheekh oo dhinac ah iyo Ra’isul wasaarihii hore Mudane Formaajo “Boqolle”, oo dhinac ah, waxaa hawada la isu mariyey eedaymo iyo erayo kulkulul, ay gun u tahay in biya hoosteed la iska arkay, qaabka, sida, hannaanka iyo ujeedka ma cadda, waase aan maanin karnaa, illeen Eebbaa caqli iyo garasho nagu mannaystee.
Faallo Keydmedia Online
Farmaajaa fiijiyey farina u taagan tahay

Mudane Formaajo “Boqolle” wuxuu siyaasaddan silloon ku soo biiray sanaddii 2010-kii ka dib markii xilka laga qaaday Cumar C/rashiid Sharmarke, maalintii xilka loo magacaabay ayaan marar badan dul joogsaday meelo ay ku qoran tahay, in xilka loo dhiibay dadkii mudnaa, ama aan sii qurxiyee xaqa u lahaa, ee aan labaatankii sano ee burburka ku jirnay xil sare aan qaban.

Hadalkaa haruufkiisuu lahaa, haddaanse weydiin dhigo halkan, miyey jiraan beelo si gaar ah xaq u leh xilka iyo kuwa aan xaq u lahayn? Weydiintu waxay ka dhalanaysaa sida hadalka loo dhigay, waliba tani waxay sii xoojinaysaa hadalka laga soo xigtay Formaajo “Boqolle” ama taageerayaashiisa, uuse gadaal ka beeniyey, ee ahaa xilka dawladda ugu sarreeya, looma igman laba beel kaliya inuu ku meero, marka laga soo tago inuu dhahay in kale, hubaal hadal meesha ku jira inuu yahay, una baahan in si fiican loo milicsado, oo sadbursiga salka loo jaro.

Mudane formaajo “Boqolle” maalintuu yimid ayaa waxaa naloo sawiray badbaadiye qaran maamul yaqaan ah, isagoo soo dhisay gole wasiirro oo la yiri aqoon iyo tayo ayaa lagu soo xulay, wasaarado kooban gadaalse ka barakoobay, ma Bariis ama Ganlay dab la saaraa? Eraga “Tayo” waan u soo noqon doonaa.

Waxaa la yiri wuxuu ku caan yahay hawl hufan iyo hannaan dabacsan, waxaanse rabaa inaan halkaan xasuusiyo kuwa dhahaya waa maamul yaqaan, ma wada xusuusataan socdaalkiisii New York, ninkii summad la’aan iska hadaafay ee astaamo dawlado kale iyo ururo marti u noqday, miyaa maanta nalaga dhaadhicinayaa waa halyey! Geel jiruhu Geeliisa waa u sumadan yahay HALYEYNIMOOY XAAL QAADO.

Mudane Formaajo “Boqolle” maalintuu xilka qabtay ilaa maalintii laga tatajiyey, mayee, tanaasulay, sida uu na leeyahay, waxaa halhays u hayd boqol ayaan wax walba ku qabanaynaa, hadday ka dhammaadaanna waa kororsan jiray, wax qabadka dawladda boqol maalin ayaan ku soo gudbinaynaa, Alshabaab boqol maalin ayaan uga saaraynaa

dalka, UN-ku boqol maalin gudaheed ha u soo guuraan wadanka gudihiisa, waana midda aan ugu baxshay “Boqolle” aqriste bal Adigu boqol dhammee?.

Soomaalidaa tiraa: “Gaal dil gartiisana siiye” Mudane Formaajo “Boqolle” wuxuu ku guulaystay arrimahan kala ah:

-Mushaarka ciidanka wuxuu ciidanka dawladda si joogta ah ugu qoray mushuur bille ah, oo ah runtii mid maalintuu meesha ka baxay aan ka dambayn, mudane Gaas oo Prof lagu sheegayna uu dhammays tiri waayey.

-Codsigii ku aadanaa in xafiisyada UN-ka Muqsisho loo soo raro, middani way dhaqan gashay.

-Golahiisii wasiirrada oo uu gacanta ku qabtay, macnaha koontoroolay, oo ay isku dhinac wax u wada wadeen, dabcan qaladaad way dheceen, ee aqriste waxaad eegtaa Mudane Gaas oo Prof lagu sheego, sida wasiirradiisu u dhaqmaan? Maya, waxaadba eegtaa sida uu isagu u dhaqmayo, maalin walba waxaa la soo saaraa wareegto, maalinta ku xigtana waa laga laabtaa, nin miyir qabaa sidaa uma dhaqmo ayey ila tahay.

Nolosha qof walba waxaa daba socda saddax dhib, oo kala ah:

-Eray uu dhigay “qoray”

-Eray uu dhahay

-Addin uu dhibay.

Mudane Formaajo “Boqolle” buug uu qoray wuxuu ku weeraray beelo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, erayada ninba si u faham, balse, dhibka dhacay, siduu u dhacay, dhabbaa la taagan yahay, miyey beel kaliya eed ku yeelan kartaa? Saw ma ahan wax ay Soomaali oo dhami ku fashilantay? Mise waa laab la keceennii iyo qoonsiga qabiileedkiiye, mudane Formaajo “Boqolle” isma lahayn miyaa markuu qorayey erayadan xil ayaad Soomaali u qabanee? Mise wuxuu is lahaa ku ciil bax?.

Kaliya ma ahane wuxuu kaloo weeraray labadii madaxweyne ee ugu horreeyey Soomaaliya, Aadan Cadde iyo C/rashiid Sharmarke “AUN”, waxaase hubaal ah in erayaduu dhigay ay hoos u noqon doonaan, meel walba uu istaago, ogaal iyo ogaal la’aanba, haddana waxaa la doonayaa in nala yiraa waa halyey! Aqriste bal liilkan hoose ka dhugo xog qormadaa ku saabsan.

Maanta ayuu ku soo laabtay, oo yiri Anigu qabiillada wax kama sheego, sheeko caruureed, miyeysan kula gudboonayn inaad qormadaa ka cudurdaaratid? Si aad nooga gaddo inaadan qabiilaynta ku qaabin, waxaanse la yaabaa dadku waxay isaga indha tirayaan arimahan oo kale, iima dhadhamin.

Waa Salaad Cali Jeelle oo kale, oo saddax sano ka hor wuxuu lahaa la wada dhagaystay, ee maanta qareen u ah sharciga iyo tixgalintiisa! Waa Caato oo Cakaaro wuxuu madfac ka soo riday la ogaa, oo maanta qaanuun u qaylinaya! Waa Gacmadheere oo hadalladuu shalay lahaa la wada xusuusto, oo maanta xeer ilaaliye iska dhigaya! Waa Maxamed Cabdi Yuusuf oo Kismaayo kula jaal ahaa Moorgan, ee manta isu haystay nabaddoon! Magacyadu ma dhammaanayaan ee aan ka soo haro.

Dad ayaa ku xiiqay inay dhahaan wuxuu ahaa mudanihii ugu tayada fiicnaa ee qabta maamul waayadan burburka, malaha waa waxa ururka “Tayo” magacaa loogu baxshay, waxaa jirta su’aalo badan oo ku saabsan magacan, sida: tayada lagu tilmaamay waa mid caynkee ah? Yuuse tayo dheeraa? Tayadu ma tusmadaa? Ma tilmaantaa? Ma tabtaa? Ma tallaabtaa? Ma tawaawacaa? Ma tiiraanyadaa? Ma tatajiskaa? Ma tanaasulkaa siduu isagu hadalka u dhigay? Ma … Ma…. Weydiimuhu badan.

Mudane Formaajo “Boqolle”, Sheekh Shariif “Haye” iyo Mahige “Ma Hinge” isku dhacoodii koowaad waxay ahayd sanaddii 2010-kii, waxaa lagu guda jiray xilli kala guur ah, ku meel gaarkiina gabaabsi sii yahay, mudane Mahige “Ma Hinge” wuxuu magaalada

Nairobi kaga dhawaaqay shir dhici doona 12-ka April ee 2010-kii. Haramkii ugu sarreeyey wadanka guudkiisa, waa dawladda ku meel gaarka ahe, baaqa Mahiga waxay kala hortimid diidmo qayaxan, iyadoo adeegsatay codka fuuntada, labada masuul ee kala ah madaxweyne Sheekh Shariif “Haye”iyo ra’isul wasaare Farmaajo “Boqolle”.

Diidmada qaxayan ee labadaa masuul ku diideen shirka Nairobi, waxay dhaxalsiisay in magacyo horay loogu daalay laguna hungoobay mar labaad lagu sunto, waxaa isla markiiba is qabsaday sawaxanka ku salaysan halyey, aanse kala qaadnee labadooda keebaa halyey ah? Mise magaca way isla wataan? Aragti ahaan waa la dhihi karaa fikradda midkood ayaa soo jeediyey, hadday isla soo wada jeediyeen kuma darin, sidaa darteed waa in midkood guusha la siiyaa, mise waa sheekadii ahayd guushu waa Aabayaal badan tahay.

Midse aan halkan ku caddeeyo, waa tii la yiri: “Gaal dil Gartiisana Siiye”, Anoon taageero xuurtaysan iyo mid laga fiirsaday midna u hayn labadooda, yaan haddana leeyahay go’aankii ay qaateen wuxuu ahaa tallaabo ugub ku ah siyaasadda Soomaalida.

Hadday halyeynimadan ku muteen qaadacaaddii shirka, maxaa qabqablayaashii qaadacay shirkii Carta iyana loo siinwaayey billadda halyeynimada? Hadday ku muteen halyeynimada qaadacaad shir! Maxaa kooxdii ku hartay Asmara loo siin waayey billadda halyeynimada? Hadday halyeynimada ku muteen qaadacaad shir! Maxaa loo siin waayey billadda halyeynimada mudane Cali Mahdi oo qaadacay shirkii Kenya ee 2004-tii? Weydiimuhu dhammaan maayaan ee aan ka soo haro, waxaanse ugu celcelinayaa inaan indha ku garaadleey la noqon, maalin walba waxa taagan kaliya aan wax lagu qaadan.

Wareeggaa hadduu dhammaaday, waxaa la galay wareeggii labaad, shirkii “Kampala Accord” waxaa ku baxay mudane Formaajo “Boqolle” oo noqday neef Udxiya ah oo kale, micnaha waa la isku furtay, yaa isku furtay? Jawaabta aqriste Adigaan kuu deynayaa, sida la isugu furtay? Aniga wali waa iga maqan tahay, ninkii wax igu dhaama ha noo faa’iideeyo, waxaanse la qaadan karin goobtii Hoos guntiga lagaaga furtay inaad dalxiis u aaddo! Middaasi waa damiir la’aan, waxaan uga jeedaa socdaalkii dambe ee mudane Formaajo “Boqolle” ku tagay Uganda.

Midse aan Formaajo “Boqolle” dhoho, mudane haddii Gedo, Cabudwaaq, Balanbal iyo Muqdisha lagaaga mudaharaaday, laguuna muujiyey taageero, waliba dhiig ku daatay, dhalliyaro ku qur bexday, saxafiyiinna xabsiga loo dhaadhiciyey, dadkaasi kaama mudnayn inaad been laba daanlayso, ee aad ku tiraa: “DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY” Allahayle, aan Sheekh Shariif “Haye” ka soo bawsadee halkaa “Marada ayaa kaaga dhacday”.

Mudane Mahiga “Ma Hinge” ayaa ku soo laabtay, weerarna ku qaaday mudane Fornaajo “Boqolle” yirina wuxuu kala geeyey baarlamaankii, lacag xoogganna ku baxshay, Mudane Mahige “Ma Hinge” waxaan dhihi ahaa Formaajo “Boqolle” waa wiil Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu garab siyaasadeedkuu doono taageero, ololana u sameeyo, dhaqaalana ku baxsho, illeen sharciga ayaa u bannaynaya iyo Soomaalinimadiise.

Waxaase ayaan darro ah Adigu “Ma Hinge” inaad ka soo gudubtay hawshaadii, ee aad faraha kula jirto arrimo aan shaqadaada ka mid ahayn, waa iska caadday inaad caloodin gaara waddo, balse, miyeysan kugu habboonayn inaadan guuxaaga ka dheerayn? Hubaal inaanad wiil Soomaaliyeed afkaaga ku jareexayn karin.

Haddii halkaa xaal marayo ayaa waxa qadka soo galay Mudane Shiikh Shariif “Haye” isagoo weerar dusha uga tuuray mudane Formaajo “Boqolle” kuna tilmaamay inuu isagu soo gacan qabtay, kana dhigay waxa uu maanta yahay, Alla wadaadku fududaa, balse, Formaajo “Boqolle” wuu iska fogeeyey in hadalka ka caraysiiyey Mudane Shariif “Haye” uu yiri, waxaanse la yaabanay wadaadka waxa qaaday.

Waa ta Soomaalidu tiraa: “Lagaa baray ee lagaa badiye” aan u adeegsado eray bixinta siyaasadda ku soo korortay ee ah: “Marada ayaa ka dhacday” halkan ka dhagayso Wallee Sheekh Shariif “Haye” mahaan marada ayaa uga dhacday, waaba su’aale:

haddii Formaajo “Boqolle” ka shaqeeyey safaaraddii Soomaalidu ku lahayd Ney York, Sheekh Shariif “Haye”xagge ka soo shaqeeyey?.

Midda madaxa daalinaysaahi waa haddaad Sheekh Shariif “Haye” Adigu ku soo caan baxday habaabinta dhallinyrada, haddana dhabbaha aad uga leexatay, mudane Formaajo “Boqolle” dhallaan ma dagaal galin, diin dacaraysanna uma sheegin! Aan ka ahayn inuu dadkii u bannaan baxay dan seejiyey, midda kale Mudane Shariif “Haye” markuu imaanayey muxuu watay? Oo uu dheeraa mudane Formaajo “Boqolle”? Waa maxay sidii rag waaweyn looma hadlayee!

Ugu dambayn, wareerkan iyo weerarkan oo dhan waxaa u sababa, inay gababo tahay xilliga kala guurka, mudane walbana uu sii boos bannaysanayo, ninkuu u arko inuu miisaan leeyahay ayuu iska riixayaa, wuxuuna isku dayayaa inuu dacareeyo.

Mudane Mahige “Ma Hinge” waxaa lagu eedeeyey inuu diinta wax ka sheegay, mid ayaan ka leeyahay, dhaqan ahaan, marka dagaal la galayo, carruurta, cirroolahayaasha, marrasta iyo haweenka gadaal ayaa la iska mariyaa, haddaan Soomaaliyeey Annagu culimo ku sheeg iska soo hor marinnay, urur diimeed ku daaban, ee urur diimeed ayaa madaxtooyada deggan la yiraa, beenna aan ahayn, ma waxaan leenahay diinta ayaa wax laga sheegay?! Aan la shir tango siyaasi sadar qarsoon ku dagaaalamaya, haddii kale waligeen waxaan ku jiraynnaa waxbaa nalaga sheegay.

Bashir M. Hersi - brdiraac@hotmail.com


Mas




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.