Foolal cusub iyo Faro caddaana

Bashir M. Hersi - Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa kala guran, isu guran, wada guran, aan marna is gaarin la kalana guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma badalayaan! Mar quus yaa keeni, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku haynta dhacdada, mar qiyaas iyo malayn.
Faallo Keydmedia Online
Foolal cusub iyo Faro caddaana

Tan hore jeesatay, oo is qiblaysay, isna duuduubtay; nolosha qaarkeed geeri yaa dhaanta! Tan xigta qof walba iyo Gareedkiis, tan dambe rajo, oo noloshaaba ku dhisan.

Wadanka waxaa muddo rubuc qarni ku dhaw hagayey qawlaysato, mar qabiil dabada la gasha, marna quwado shisheeye, marka kalana qarash iyo laaluush. Qool walba u xiray sidii qaranku ugu qabbirnaa lahaa. Qawl iyo quwadba isugu geeyey inay qawmiyaddan kala qaarnaato, qar iyo gabi dheerba u fuushay inay guudka sare dalka ka joogto, dadkana ku gaamuriyo colaad iyo gaajo.

Talo ahaan waxaan dhihi lahaa, Xildhibaannada ha soo xulaan Odayaasha dhaqanka, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal. Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo argagixiso, sidaa awgeed, Oday dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.

Haddaba Su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulaa? Illeen maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Inta aanan ka jawaabin, midi waa inay caddaataa, waa inaysan soo xulin Odoyaasha dhaqanka madaxda maanta joogta, hadday soo xulaan waa “Waa Jugjug meeshaada joog” oo marnaba ma dhacayo wax isbadal ah, sidaa awgeed, ugu horraynba waa in raggaa laga ilaalshaa.

Haddaanse u laabto warcelinta weydiinta, ani ahaan waxay ila tahay in sidan loo xulo Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka: Ugu horrayn waxaa laga billaabayaa xulidda magacyada ma guuraanka ah, sida: Imaam, Ugaas, Boqor, Suldaan, Garaad, Malaaq, Isin, Beeldaajiye, Duub, Wabar IWM. Beelaha aan lahayn magacyda caynkaa ah asee isu dhigma, waxaa laga soo xulayaa Nabaddoonnadooda.

Middan waxaan uga jeedaa inaysan dhicin sidii shirkii Carta oo kale, in beelo aan lahayn Ugaas, aysan madasha shirka ku caleemasaaran Ugaas, illeen waxani waa dhaqan soo jireen ehe, oo ma ahan wax la dhoodhoobi karo laba galline, sidaa awgeed, wa in xulashadu ahaataa dhakawyada dhaqanka iyo dhuuxa Hiddaha, magacyada deegaanba si looga adeegsado, balse, isku wada mid ah, xagga shaqada iyo shiddadaba.

Markii qaabkaa lagu soo xulo, oo beel walba Odaga ugu magaca dheer, ee ugu sarreeya sallaanka dhaqanka la keeno, ayaa xilka dusha loo saarayaa, halkaa looga hari mayee, waxaa la hordhigayaa, in badbaadada Soomaali ay gacantooda ku jirto “Qoodh iyo Xero, Dhur iyo Dhaqan” inaysan beelinna, ay maanta mariyaan mudanka ay leedahay, haddii kale, ay ka dhacayso ma harto, waligood daba socon doonta.

Dhaartaa iyo dhaaya furkaa ka dib, ayey gudagalayaan soo xuliladda xildhibaannada, mid muhiim ah aan halkan ku xuso, waa inuusan xil noo qaban, qofkii wata tilmaamahan midkood, dastuurkana naloogu daro, sidii loogu daray inuusan madax noqon karin qofkii wata dhalasho shisheeye, sidaa si la mid ah, ayaan u dalbanaynaa, qodobbada Dastuurka in lagu daraa ay tahay waxay kala yihiin sidan:

  1. In ciidamada shisheeye, ee wadanka ku sugan waqti go




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.