Rooble ka faa’iideyso fursadaha ku hor yaalla!

Faallo Keydmedia Online

Wadahadalladii uu sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ‘Rogane’ la yeeshay Golaha Midowga Musharixiinta, todobaadyadii la soo dhaafay, waxa ay shacabka Soomaaliyeed ku abuureen, hami iyo hiddidiilo cusub, waxaana la fishay in uu kaso baxay qolki uu ku gunfulnaa ee ku yaallay Madaxtooyada.

Rooble ka faa’iideyso fursadaha ku hor yaalla!

Inkasta oo wadahadalladii Rooble iyo Mucaaradka aysan mira dhal noqon, haddana Keydmedia Online, waxa ay fahasan-tahay in ay wali jiraan fursado uu Rogane ka faa’iideysan karo si uu uga tago taariikh toolmoon oo dalka iyo dad-kaba anfacda.

XUKUUMADDA XIL-GAARSIIN - KON, waxa ay ogtahay, in sharciga u yaalla dalka uu Xukuumadda u ogol yahay xil gaarsiin, lagana doonayo in ay hir galiso doorashooyinka dalka, sidaas daraaddeed, RW Maxamed Xuseen Rooble ‘Rogane’  wuxuu heystaa fursad uu dadka isugu soo dumo, dalka doorasho uga qabto, dagaal iyo dirirna uga fogaado.

WAQTIGII FARMAAJO OO DHAMAADAY – Majiro wax sharci ah oo Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday u ogolaanaya inuu sii maamulo waddanka, qeyb ka mid ah Maamul Goboleedyada iyo Mucaardka ayaana isku raacay, in Farmaajo faraha kala baxo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaliyana ku ekaado Mushaexnimadiisa, taasnia waxa ay fursad weyn siineysaa RW Rooble oo ay tahay inuu dusha saarto masuuliyadda  xilliga kala guurka.

ROOBLE OO AAN LALA DAGAALSANEYN – Sii-yahay xilka Ra’iisul Wasaaraha, wuxuu heystaa fursad uu kula hadli karo guud ahaan saamileyda siyaaasadda, oo ma jirto cid eed gooni ah ka tabaneysa, Maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo Golaha Midowga Musharixiinta oo ay si adag isku hayaa Farmaajo, ayaa dhowr jeer Rooble ‘Rogane’ ugu baaqay inuu qaato doorkiisa ku aaddan doorashooyinka dalka oo sharci ahaan hoos tagaya xaafiiskiisa.

Soomaalidu waxa ay xauustaan, taariikhdii dahabiga ahayd ee uu ka tagay AUN Nuur Xasan Xuseen ‘Nuur Cadde’ oo si miisaan leh u maareeyay xilligii kala guurka ee Dowladdii AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Dabcan, jidkii uu qaaday Nuur Cadde waa mid furan oo xil-haye kasta oo xalaal ah uu mari karo, si uu xalliyo xaalado taagan, shacab iyo siyaasiyiin Rooble waxa ay kula talinayaan inuu indhaha kala furo, xaqiiqda wajaho oo wadada saxda ah uu cagta saaro.

Sida cad Farmaajo wuxuu u bira tumanayaa daadinta dhiigga shacabka, iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, wuxuuna doonayaa inuu dalka ku joogo xoog ama uu kursiga ugu soo laabto sifo sharci darro ah, taas qofka ay waajibka ku tahay inuu maya yiraahdo waa Rooble ‘Rogane’.

RW Rooble, wuxuu heystaa Fursad uu uga dabasho xanta suuqa taalla  oo haddii uusan ka gilgilan ku noqon doonta, sun u walaaqan ugu danbeyna isaga disha, ama tagto aan tirmin oo taariikhdiisa baal madoow uga qaran

Beesha Caalamku, waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen, kulamadii uu Rooble la yeeshay Mucaaradka, waxa ayna ku booriyeen inuu sii wado, saamileyda oo dhan iyo shacabka oo idil oo waxaa ay Rooble ku taliyeen inuu qaado tobiyaha toosan.

KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.