Gaarisaay Ma Ila Gumowbaa?!

By Bashiir M. Xersi - Ha u qaadan dhaleecayn. Ha u qaadan dhib iyo dhabbaqo abuur. Ha u qaadan dareen xun tabin iyo durid. Ha u qaadan doc wareen ama doc faruurid. Ha u qaadan fidno iyo fawdo abuur. Intaa iyo intoo kalaba ha u qaadan. Maxaa yeelay intaaba ujeedku ma ahan, ee bal sadarradan ila wadaag.
Faallo Keydmedia Online
Gaarisaay Ma Ila Gumowbaa?!

Dadka Soomaalida ah inta uusan imaan Gumaysiga ma lahayn hannaan dawladeed oo mideeya, aan ka ahayn midka GUURTIDA oo aan isna dhaafsiisanayn GOOFKA ama GALKA lagu nool yahay. Gumaystihii kala qaybsaday Soomaali ee kala ahaa Faransiis, Igiriis iyo Talyaani, waxay soo kordhiyeen dhib aan hore u jirin oo ay iyagu abuureen.

“Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaaye” Ururkii SYL ayaa hore u galay qalad taariikhi ah, ka dib markii ay ku gacan sayreen taladii Igiriiska ee ahayd in tobanka sano ee maamul hoosaadka lagu jiri doono isaga loo daayo maamulka dalka, isna uu ballan qaado in Shanta Soomaali afar ka mid ah uu isu keeno, marka Jabuuti laga reebo. Go’aankii la qaatay wuxuu ahaa hal ku dhaggan: “Four Power” oo markaa kala ahaa Maraykan, Igiriis, Rush iyo Faransiis, oo ka guulaystay Xulufadii Naaziga iyo Faashiistaha ee Talyaani iyo Jarmal kala hoggaaminayeen. Dhabar jabkii laga dhaxlay, waa midda aan cinwaanka ugaba dhigay qormada.

Soomaalidu waa is taqaan, deegaan iyo dad ahaanba. Qof walba iyo qolo walba xan iyo xiiso waxay tahayba waxbaa lagu sheegaa. Haddana, si xaal yahayba, sidii dagaalka sokeeya ugu dillaacay Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa dhacay ishdexgal ballaaran oo aan horay u dhicin. Taana waxay keentay in si fiican la isu sii barto, oo kaliya ma ahane, ku tiri ku teentii hore iyo dhag ka maqal badani meesha ka baxeen.

Taa ka sokow, sidii ay Kenya u gashay gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sannad ka hor, waxaa soo badanayey codad ka soo yeeraya Soomaali ka soo jeedda Gobalka Waqooyi Bari Kenya, oo dhammaan ku aaddanaa in Kenya xaq u leeday inay ku duusho Soomaaliya. Qaarkood waxayba sii sheegeen in Soomaali la kala qaybsho. Waxaan tusaale u soo qaadan karaa, Faaraxan Macallin oo yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…”.

Hadalkaa xumaan abuurka ah marka laga soo tago, waxaa kaloo jiray taageero kale oo si hagar la’aan ah Keenyaanka loogu garab siiyey sida midda Maxamed Yuusuf Xaaji, oo isna dhankiisa aan hiil af iyo addinba kala bakhaylin. Waa maroo waa Wasiirka Gaashaandhigga, waa marka kaloo wuxuu ku jiraa Kooxda Kenya ku maleegta Karinta Dheriga Kismaayo, oo dabcan ku kaaban qabiil.

Hal hilmaamin Gaandi oo isna noqday udub dhexeedka colaadda Jubbooyinka. Waaba su’aale Axmed Madoobe iyo Gaandi ninna kuma dhalan Jubbooyinkee, maxay tahay sheekadan cayn wareegsan? Mise waa: “Ku qabso ku qadi mayside!”? Waa yaabka yaabkiisa, bal ila eega.

Haddii marar badan aad maqashay waxaa muran adag ka taagan yahay maamul u samaynta Jubbooyinka, waxaan kugu marti qaadi lahaa inaad ila eegto eraydan uu yiri Axmed Madoobe oo Horjooge u ah kooxda RAASKAMBOONI. Si aad u ogaato meesha sartu ka qurun santahay ee la isku mari la’yahay. Mar uu ka hadlayey arrintaa wuxuu yiri sidan: “Waxaan dawlada ka codsaneynaa inay yimaadaan oo hawsha maamul u sameynta ay la gudoomiyaan IGAD oo ay isdhinac fariistaan, annagu ma qabno in la yiraahdo IGAD meesha haka baxdo.”

Waan u soo laaban doonaaye, aan mid ay salka ku hayso kuu sheego. Waa shirarka Nairobi had iyo jeer ka dhaca, ee haddana aysan u dhammayn beelaha wada dega Jubbooyinka. Shirarkan ma billaaban maanta iyo shalay. waxay soo socdeen in ka badan shan sano, oo si is daba joog ah loogu qabanayey Imaaraadka iyo Kenya. Dhammaanna ay taakulayn jirtay Dawladda Kenya, gaar ahaan ragga af Soomaaliga ku hadla ee ku  jira Maamulka Kenya. Haddana, ay si toos ah ugu soo beereen intooda kale, maadaama aysan qarsoodi ahayn hanka Kenya ay ku doonayso Shidaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa jiray shir dhexmaray garab ka socday oo metelayey Kooxda Raaskambooni iyo Maamulka Addis Ababa hoos taga ee ka taliya Soomaali Galbeed ee uu hoggaansho Cabdi Ileey. Illaa hadda ma cadda waxa ay ka wada hadleen. Balse, weydiinta baa ah, inta beelo Soomaaliyeed deggan Jubbooyinka iyo Gedo, maxaa keenay in Soomaali Galbeed af garasho laga doonto? Bal dhan kale ka eegoo, saw Soomaali Galbeed ma ahan waxa ay eersatay Dawladdii Soomaaliyeed? Abaalkii ma wuxuu noqday in ay Beel ahaan Qabqablayaal u taageeraan, halkaanna ka maamulaan? Isma qabanayso.

Maahmaah Talyaani ah ayaa waxay leedahay: “Non c




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.