Gobollada Dhexe Maxaa loo go’doomiyey?

Keydmedia Online - Qoraalkan oo noqon doonaa joogto, ayaan Had iyo Jeer ku Faaqiddeyn doonaa sida Cinwaankaba ka muuqata Xaaladda Gobollada Dhexe.
Faallo Keydmedia Online
Gobollada Dhexe Maxaa loo go’doomiyey?

Qoraalkaan Ma yeelan doono Qaybo, maadaama uu taxane noqon doono ayaanan u yeelayn qaybo kala qaybsha, ee hadba Qodob gaar ah ayaan Falanqayn doonnaa, iyadoon waxba laga badalin Cinwaanka. 

Gobollada Dhexe oo ka kooban Mudug, Galguduud iyo Hiiraan, marka laga soo tago inay yihiin Gobollo leh Bad iyo Birri, baad beereed iyo Xoolo, markii si kale loo yiraahdo waa Xeebeley, Beereley iyo Xoolo dhaqato ayaa illahey ku maneystay Gobollada Dhexe, haddana, waxay ka mid yihiin gobollada ugu dibaadisan Gobollada Dalka dhanka Horumarka, oo uu keenay ama sababay dayac soo jireen ahaa teer iyo Maalintii xornimo la qaatay dawladnimana dhalatay. 

Sidii uu billowday Dagaaladii Sokeeye, Gobolladaa in kasta oo Xolaado lagu hoobtay ka dhaceen haddana ma sii daba dheeraan, sida Gobollo kale ay Manta ka taagan yihiin Colaad iyo Xasiloonidaro, haddana, saamaynta uu burburku ku yeeshay aad ayey u muqataa dhan walba, gaar ahaan dhinacyada Waxbarshada, caafimaadka, dib u dhiska, horumarinta deegaanka iyo guud ahaan Daryeelka bulshada oo haba yaraatee aan ku jirin hadalheynta Bulshada.

Maanta oo ay ka dhisan yihiin dhawr Maamul dhanna ay Al-Shabaab ka maamusho, wali laguma guulaysan in la helo guddoon wax ku ool ah oo gobolladaa ka qaada heeryada Saboolnimada ee dul gawriirta, guddoonkaa oo noqon kara sida dhaqanka soo jireenka ah yahay: Odoyaal iyo Culumo ama Siyaasi oo hoggaanka bulshada dib uga soo biiray.

Talo aan lagu dhiirran looma aayo, sidoo kale, dan aan dan kale loo baajin dan ma ahan, sidaa awgeed, waa in la isu geeyo xoogga iyo cududda, caqliga iyo camalka, Caqliga iyo ogaalka, si aan u helno aqool toosan, illeen aqool xumo abaar ka darane. Tani waxay keenaysaa in Qof walba oo deegaanka ah uu xil saaran yahay, ayna tahay inta karaankiisa iyo awooddiisu tahay in looga fadhiyo inuu ka soo dhalaalo.  

Qoraaalada soo socda oo Analysis Qoto dheer Xambaarsan ayaan ku guda gali doonaa Waxa Sababay in Gobollada Dhexe ay ka hamuumanyihiin lana hafro Dhaqalaha yar ee Dalka soo gala.

Waxaan isweydiin doonaa, Maxaa Sababay in Dowladdihii Dalka ka jiray ay Xaqiraan Gobollada Dhexe. Maxey tahay Sababta ay Dadka u dhashay Deegaanka Gobollada Dhexe ay uga aamusanyihiin Garsoor la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.