Goormuu Ciidankii Qaranku Dhismayaa, Kuwan Shisheeyana Dalka Ka Baxayaan?

Cabdulqaadir M. Cismaan “Cabdi Boqor” Ciidamada Shisheeye ee dalka joogaahi waxeey isugu jiraan, kuwa dowlado ka socda, oo si sharci lagu sheegey dalka kusoo galey, kuna jooga. Waxaase sidoo kale jooga kuwo calooshood-ushaqeysteyaal ah (Mercenaries), oo Shirkado wada ah.

Faallo Keydmedia Online
Goormuu Ciidankii Qaranku Dhismayaa, Kuwan Shisheeyana Dalka Ka Baxayaan?

Waxaa intaa kuusii dheer Sir-doonno dowlado ka kala socda ha ahaadeen kuwa dariska iyo kuwa quwadaha waaweyn iyo dunida inteeda kale’e. Dowladu waxeey kuwa Amisom ugu tiirsantahay amnigeeda iyo amniga xarumaha muhiimka ah ee dowlada.

Waxaan wada ognahay in ciidamada Afrikaanka ah (African Union mission in Somalia-AMISOM) eey dalka soo galeen 2007-dii. Waxaa muhiim ah marka bal in aan isweydiinno, horta ma jiraa waqti cayiman oo ciidamadii qarankana lagu dhisayo, dhamaan ciidamadan shisheeyana dalka eey uga baxayaan? Ileyn hadii waqtigaa aan la qaban, oo aan inta la isla garto, meel la isla dhigin, ciidan qaranna inoo dhismimaayo, ciidamadan shisheeyana dalka waligood ka biximaayaan'e.  

Su’aashaa in aan isweydiinno waa muhiim, maxaayeeley wax caqli-gal ah ma aha in amniga dalkeena aan ciidamo shisheeye waligeen ugu tiirsanaano, waana nasiibdarro! In aan waqti go'an loo qaban oo eey dalka uga baxayaan, ciidamada qarankana uu ku dhismaayo.

Waa caloolyoow inteeda la eg ah in ciidamadaa shisheeye yihiin kuwo dhextaagan xarumihii dowlada, haba ugu sii darnaatee Madaxtooyadii Qaranka (Villa Somalia/The State House). Waa wax aan la aqbali karin in ciidamadaa shisheeye ahaadaan waligood kuwa madaxda qaranka amnigooda qaabilsan, oo xitaa ka xiga askarta dowlada. Waa wax aan sahlaheyn in qaranka sirtiisii oo dhan eey gacantooda si sahlan ugu galeeyso, maadaama eey xarumihii dowlada oo dhan Muska/salka dambe uwada fadhiyaan.

Lacalla hadii aad illoowdey bal ana xasuustaada dib u celiyee, ciidamadan shisheeye kuwii baxay iyo kuwa maanta joogaba, waxeey xasuuq ba'an u geysteen ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan magaala madaxda qaranka ee Muqdisho, haba ugu sii darnaadee suuqa Bakaaraha oo eey si joogta ah isaga duqeyn jireen. Waxeey caan ku ahaayeen in hadii xabad meel looga soo rido, eey waxkastoo nuuxsanaya baas ooda uga qaadaan, illaa wax dhaqdhaqaaqaya la waayo.

Wadooyinka Muqdisho marka eey marayaan baabuurta si cabsi badan oo degdeg ah ayaa loo wada parking-gareyn jirey, maxaa yeeley baabuurta iyo dadka saaranba wey dulmarijireen. Waxaa dhacdey in dad salaad Jamaaco wadada dhinaceeda ku tukanaya eey gawaarida qafilan dulmarsiiyeen.

Hadiiba xarumahooda wax uun kusoo dhacaanna, waxeey duqeyn aan kala go' laheyn u qeybinjireen xaafadaha Muqdisho, si gaar ahna Suuqa Makaaraha oo xiliga maalintii ah goobta ugu dadka badan, ahaana xarunta dhaqaale ee nolosha ummadu ku tiirsaneyd. Ciidamada hadda jooga ee Amisom waxeey duruurstaa ka barteen, malaha kulana dardaarmey ciidamadii Xabashida Itoobiya, ee duullaanka kusoo galey dalka, dhamaan ciidamaadii kalee shisheeyena dardaarankaa weey sii kun jibareen, gaar ahaan kuwa Yugaandha iyo Burundi, oo ugu soo horeeyey.

Madax naftoodii badbaadinteedaba magan ugu ah, iyo waliba sii jiritaanka Saldanadooda, ma aaney awoodin in eey wax badan ku canaantaan, ama eeyba ka xanaajiyaan.

Hadana dadka qaar ayaa qaba in dowladuba meesha ka bixi laheyd la'aantood, oo waatii shabaab saacadaha kooban u qabteen in dowladuba isu soo dhiibto, maadama madaxtooyada eey ku aruursaneyd dowladu xilligaa.

Balse hadii xita xasuuqyadii eey geeysanjireen laga soo gudbo, maanta dhibaatada dhinacyada badan oo eey ku hayaan ummada ayaa iyana aad u baaxad weyn, oo dalka waxeey ku baahinayaan cuduro halis ah sid:a AIDS-ka IWM, oo eey ku dhexfaafinta Mujtamaca Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, iyadoo nasiibdarro! Eey kusii qulqulaan dumarka xunxun ee jirkooda ka ganacsada, walibana u sameystey Bootafooriyaal/Pimps/Kuwo dumarka gada iyo waliba Mooryaan iyo gangs, oo hada inta dumarkii waaweeynaa ka qashin-dhaceen u gudbey in eey gabdhaha yaryaree iskuulleeyda ah lacago yaryar iyo soo sirid ugu geeyaan ciidamada shisheeye, taasoo halis weyn ku ah ummadeena, iyo waliba dhaqankeedii, diinteedii iyo akhlaakhiyaadkeedii intaba.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International waxay qeexday sannadkii 2012 in Gobolka Banaadir oo kaliya lagu kufsaday 1,700 oo Haween ah, inta badan kufsiga waxaa geystay ciidan ku-sheeg hubeysan. Dhowaan waxaa Xamar laga billaabay mashruuc halis ku ah haweenka oo Dableey wadata baabuur ayaa haweenka xaafadaha ka afduubta, waxayna geeyaan xeryaha ciidammada AMISOM. Sida warbixinnadu sheegayaan haweenka la afduubay waxay AMISOM u noqdaan addoon loo galmoodo “Sex Slaves” ugu dambeynna waxaa lagu beeraa cudurro halis ah oo “AIDS” ka mid yahay.

Qoraallada qaar waxeey sheegayaan in imaanshihii AMISOM ka hor koofurta Soomaaliya aanu ka jirin cudurka “AIDS”, nasiibdarase! Maanta uu gaarey 5%. Inta xaalada dalka la socotaahi maanta wexeey wada ogyihiin in ciidamadan shisheeye eey leeyihiin xarumo iyo xabsiyo u gaar ah, cid aan iyaga aheyna aaney gali karin. Waxa eey ka sameeyaan cidi ma oga, si dhameystiran ayeyna ugu madax bannaanyihiin howlahoodana uga wataan. Cidi kama warqabto waxa ka socda gudaha xeryahaa, wixii mar eey la galaanna ka samir waaye dad iyo duunyaba.

Waxeey qabtaan howlo kaloo dhaqaale eey caalamka uga helaan, oo dad Soomaali ah eey qabankaraan balse aaney u ogoleyn, sida mashaariic jidad dhisid ah, dhismaha qeybo ka mid ah xarumaha dowlada, howlaha qaar ee Airport-ka caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo dakadda intaba.

Waxeey sidoo kale dhisteen oo eey leeyihiin Hoteello iyaga u gaar ah oo eey Xalane iyo Afisiyooni ka dhisteen, shisheeyaha soo dagaya iyagaa Airport-ga ugu yimaada, oo ka kaxeeysta, iyadoon sidaana cidi u fiirinkarin, sidii iyagoo Dalka eey leeyihiin, maadaama uu iyaga uun u furanyahayna wixii dhaqaale ah iyagaa qaata, iyada oo aan cidina canshuureyn, koontarooleynna. Waxaa intaa kaaga sii daran dumarka lagu gadayo waa Soomaali intooda badan, iyadoo aaney cidiba ka dhiidhineyn, ileyn inagii ayaanba isku filneeyne.

Gobollada kale qaarka eey ka joogaanna iyaga warkoodaba daa, illaa maanta ayey reer baadiyuhu aad uga argagaxaan, maxaayeeley ciddii u dhawaata rasaas ayey ooda uga qaadaan. Gabadhii eey kufsadaanna cidiba warkeeda gaarimaayo ileyn waa baadiyo'e, ugu yaraan kuwa magaalada ayaaba la maqlayaa oo warbaahintu ka warheeshaaye.

Dhinaca kale, Ciidamadan Shisheeye ee dalka jooga, waxeey dhaqaale xoogan UN-ta iyo wadamada deeqaha bixiya uga qaataan joogitaankooda dalka. Nasiib darro! Dhaqaalihii dhisida ciidanka Qaranka lagu bixin lahaa, waxuu intiisa ugu badan galaa kuwa Amisom. Ogoow meesha askariga Soomaaliyeed uu $160/ ka qaato, laga bilaabo Dable illaa Janan, kan Amison wuxuu qaataa ugu yaraan Kun iyo Dhowr boqol oo Doolar.

Waxaa intaa usoo dheer, Dhaqaalaha gudaha dalka kasoo gala, ha ahaado: Mashaariicdaa aan soo sheegney, ka Dhoofinta dhuxusha Dakada Kismaayo (Kuwa Kenya), iyo Laaluushka eey ummada Dhuunta ugu galeen. Waxaa sidoo kale jirta in iyaga iyo dalalka eey kasoo jeedaanba qalab Military eey joogistooda Soomaaliya ku helaan, walibana  dalalkooda taageero dhinacyo badan ah ayeey aduunka uga helaan, mid dhaqaale, mid siyaasadeed, iyo mid diplomaasiyadeed intaba.

Nasiibdarro! Waxaa in badani oo Ummadeena ah aaney ku baraarugsaneyn in ciidamadan iyo dalalka eey kasoo jeedaanba, eey hortaaganyihiin in ciidan Qaran oo Soomaaliyeed oo tayo leh in uu dhismo. Waxeey sidoo kale hortaaganyihiin in loo qabto waqti xadidan oo ciidamo qaran, oo howsha kala wareegi kara la dhiso, iyagana dalka eey isaga baxaan. Waa tan keentey in aan labadaa la isku xirin, lagana hadal. Xaqiiqdiina waxbadan oo qalqal lagu galinyo amniga oo ka dhaca meelaha eey joogaanna ma garankartid cida ka dambeeysa! Laga yaabe in eey u dhacaan muujinta in wali loo baahanyahay ciidamadan shisheeye, iyo si sii joogitaankoodu u noqdo mid aan xad iyo dhamaad toona laheyn.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in aanu wada fahanno danaha gaarka ah ee madaxda dowladaha eey kasoo jeedaan ciidamadan, oo hada inoo sameystey waxa eey ugu yeereen (AMISOM Troops Contributing Countries), oo qaarkood eey xukumaan niman Kaligood-Taliyeyaal ah (Dictators), danna u arka in Soomaaliya lagu mashquuliyo saraakiil badan oo hami sare leh, dhaqdhaqaaqoodana aan la jecleysan, Afgambina ku fikiri lahaa, iyadoo dhaqaale aaney dalkooda ku heli laheyna meeshaa loogu helo ($200/= ayey Uganda ku qaataan), taasoo iyana keeneysa in eey Saraakiishaasu u arkaan in dani ugu jirto siijoogitaankooda Soomaaliya mudo aad u dheer, amaba aan xad laheyn.

Waxaa walwalkeeda leh marka intaa lagu siidaro Sirdoonka dariska iyo kuwa caalamiga ah ee dalka jooga, iyo waliba shirkadaha military ee Calooshood-u-Shaqeeystayaasha ah, ee faraha badan sida: Black Water, Halliday Finch, Bancroft Global Development, Saracen International, SKA, iyo kuwa la midka ahba ee dalka wada jooga, qaarkoodna maal gashiba ku sameeystey dalka, ee Qasriyo Hoteello ah iyo Resorts ka dhistey, cidii eey rabaanna ku dila, kuna afduubta, nasiibdarrona!

Cidiba aaney baarin, amaba aaney baarikarinba, oo waxkasta oo qarbudaad ah oo caasimada ka dhacaba waxaa dusha laga saaraa Al-Shabaab, (Wixii xunba Xaawaa leh). Bal u fiirso waxa dhacaya: Dhaqaatiir baa la diley, Isbitaallo qaab casri ah loo dhisey baa la duqeeyey, Baallayaal baa la qarxiyey, soow marka waxa lala dagaalayaahi ma aha horumarka dalka? Xikmad Booliisku leeyahay ayaa dhaheeysa, “Hadii dambi dhoco, si aad u ogaato Dambiilaha, isweydii cidda ka faa’iideeysa, oo dani ugu jirikarto Fal-Dambiyeedkaa”.

Ciidamada shisheeye ee Amison si eey dhibka baaxadda weyn ee dalka eey ku ahaan u qariyaan, waji wanaag badanna caalamka iyo inta aan wax garan ee ummadeena ka midka ah u tusaan, ayey waxeey u sameynteen xarun propagandada u qaabilsan (Media and public Relations/propaganda Department).Waxeey leyihiin Website wararka eey ku baahsadaan, waxeey sidoo kale soo saran Joornaal safaaradaha iyo hey'adaha caalamiga ah loo qeybiyo, iyadoo eey usii dheertahay nuucyada kala duwan ee Social Media-yaha ah oo eey arintaa u sameeysteen.

Waxeey casuumaan wariyeyaal caalami ah, wareeysiyo hal dhinac ah ayeyna siiyaan. Waxeey sidoo kale sameeyan Video-yo, eey ku sheeganayaan isbadalka iyo horumarka eey Soomaaliya gaarsiiyeen. Bal Is weydiiye, ciidanka Qaran ee Soomaaliyeed inta hada jirtaahi ma leeyihiin waxa oo dhan? Maxaase u diidan oo ka hortaagan?

GABAGABO IYO GUNAANAD

Waa su'aal da'weeynoo madaxa daalineeeysee, wixii ciidan la dhisayay illaa 2007-dii, ee tababarka loogu qaadi jiray Uganda/Kenya/Jabuuti iyo kuwii dambe ee Turkey-ga loo qaaday toloow halkee la geeyay?

Waxaas oo dhan ma warqadaha ayaa lagu soo qori jiray uun mase dhab ayeey aheyd in kumanaan ciidan dalka dibadiisa tababar loogu qaadi jiray oo ilaa hadda loo qaado? Maxay ku dhici la'dahay in amniga Caasimada oo kaliya eey sugaan iyaga iyo kuwan AMISOM?

Maxeyse ku dhici la' dahay kumanaanka ciidan ee xerada Xalane ku xareeysan in eey hantaan ugu yaraan Ammaanta Xamar? Su'aasha ugu yaabke badanse waa: Goormuu ciidankii qaranku dhismayaa, kuwan shisheeyana dalka ka baxayaan?

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”  
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha  
Al-Madinah International University, Malaysia  
abdulkadirphd@hotmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.