Saxaafadda Xortaa, Runta kama Gambato!!

Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Keydmedia waa Safxad dhexdhexaad ah oo u codaysa inta aan codkoodu dhaafin deyrka aqalkooda oo cadkooda cid kale xalaalaysatay. 100 kiiba 95% Akhristeyaasha Keydmedia waxay ku cod bixiyeen in Safxaddanu tahay cod qarameed oo aan lagu suuradayn lab-lakaca qabyaaladeed, waxayna ku wajahan tahay:
Faallo Keydmedia Online
Saxaafadda Xortaa, Runta kama Gambato!!

Nabadda guud ee Dalka. La Dagaalanka argagixisada.  U codaynta wadaninimada iyo qaran-dhiska. Horumarka bulshada-gaar ahaan daryeelka nugulka ummadda- iyo aayaha dadka iyo dalka.

Inta kor ku xusan iyo wixii lamid ah ciddii ku xadgudubta waanu tilmaamaynaa, runta dahsoona waanu sheegaynaa. Madaxda Qabyaaladda xambaarsanna waanu tilmaamaynaa, inta Soomalinimada danaynaysaana waanu la safanaynaa. Inta eexda iyo cadaalad-xumada ku adeegatana waanu tilmaamaynaa, inta magaca Soomaaliyeed wax wanaagisana waanu ammaanayaa, waana ugu hambalyaynaynaa. 

Keydmedia markay runta soo tabiso cid baa warmo dhaadheer lasoo boodda. Cid baa diiddan in runta la sheego oo caadaysatay inay wax dhaleecayso, asaraar iyo been-abuurna runta ku qariso.

Qorraxda sacabka laguma qarin karo, xogta Dalka taallana waa sidaas oo kale. Dad baa caadeystay inay aflagaado riqiis ah, dacaayad aan raad lahayn iyo inkirid mutuxan wax ku raad-Qariyaan.

Saxaafaddu waa xor, runta ayaana la sheegayaa. Cidu ma inkiri karto in Puntland uu yaallo hub lixaad leh oo isugu jira kan dhulka, circa iyo baddaba. Lama inkiri karo in Qiimaha Hubkaas ay ku baxday Lacag dhan 50 Milyan oo ah Doolarka Maraykanka.

Shaki kuma jiro in Dawladda Imaaraadka Carabtu ay hubkaas Lacagtiisa bixisay. Waa laga warqabaa Shirkadda SARACEN inay gacanta ku hayso taakulanta, dayactirka, tababaridda Qalabka iyo kan Ciidanka. Shaki kuma jiro in SARACEN ay hore u tabartay Ciidan gaaraya ilaa 1,500 oo Diyaar u ah weerar iyo difaacba, tababarkuna uu yahay mid weli socda.

Shaki kuma jiro in Cabdirixmaan Faroole uu yahay Nin abuura xasarad colaadeed oo uu hadda qorshaynayo sidii uu u hubayn lahaa Ciidan beeleed oo ku duula deegaamada kale oo Puntland deriska la tahay, dabadeedna uu kusoo xoojiyn Ciidanka Puntland.

Waa la og yahay in Mudane Faroole uusan gacalnimo u hayn deegaamada deriska la ah oo uu ku hamiyo sidii uu uga dhexabuuri lahaa xiiso colaadeed si uu u helo marmarsiinyo uu dhuldurugsi ku samaysto. Waa la filayaa in hubkaasu khatar ku yahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya oo muddo 21 sano ah kusoo wiiqanta colaad gaartay heer Qaran, Dagaal dambana uu dhib gaarsiin karo kan kuwa ku kala nool geesaley iyo Buurgaabo.

Safaxadda Keydmedia waxay heshay Xogta hubkaas Qow ku xaraysan, intaas bayna wax kasoo Qortay, waana arrin run ah. Runtu dadka qaarkiis dacar bay ula dhadhantaa oo sidii qof sumoobay bay la gabidhacleeyaan.

Doodda xal-doonka ah waanu soo dhawaynaynaa, waxaane daran af-lagaadada iyo is-dhaleecaynta lala fadhiyo goobaha fadhi ku-dirirka oo maangaabku ku hadaaqo. Qof caytamay wuxuusan haynin run bulshada loo bandhigo.

Kuwa caytamaya waxaa dhibaya Xog-ogaalnimada Keydmedia ay leedahay, in badan oo kalena akhristeyaasheeda kamid ahna way ammaanaan, mana garanayno cidday ku abtirsadaan. Saxaafadda ayaa noocaas ah oo Qof walba si buu wax u arkaa, cid kalena si kale ayay u aragtaa, ciduna cid kale ma afduubi karto. Cayda dhaaf, aragtidaadana soo bandhig. Nin Ceytamay, Waa Nusqaan (Waa Daciif)!

Inta Keydmedia wax ku xaglinaya waxaa ka buuxda xammaasad Qabiilnimo, waxayna u raadgadayaan hubka Qow ku kaydsan oo gacanta ugu jira Mudane Cabduraxmaan M.Faroole. Waxay ku adeegtaan waa gaashaan Qabiilnimo. Waxay ku fakaraan waa damac Qabyaaladeed. Waxay isku taakuleeyaan waa xiriir Qabiilnimo. Waxay isaga markhaati kacaan waa beenabuur iyo lab-lakac Qabiilnimo. Waxay ku riyoodaan waa xoojin Qabiilnimo. Waxay ku Allebaryaan waa cudud Qabiilnimo. Inta ku adeegata hanqaltaagga Qabiilnimo waxay qabaan jirro ayna marna ka biskoon Karin.

Bal fanida Safxadda Keydmedia oo ka arka raad Qabiilnimo. Keydmedia ma sugayso in cida walba u Sacabatunto. Kuwa aanu isku aragtida nahay Dadka iyo Dalka ayaa u baahan, waana inay soo bandhigeen Aragtidooda. Kuwa diiddan in runta la sheego oo caadaystay inkirmada iyo asaraarka mutuxan oo isku qariya qiica Qabyaaladeed way Jirran yihiin oo waxay qabaan bukto Qabiilnimo, taasoo horsed u ah caddaalad-xumo iyo xadgudub bulsho.

Aragtidoodu waxay ku salaysan tahay dhaca, boobka iyo ku xadgudubka nabadda iyo xasiloonidarrada Ummadda. Tanu waa cashar Taariikhi ah: Cidda Qabiilnimo ku dhaadata dawladayn iyo dawladnimo midna ehel uma aha. Qofka runta sheega oo runta ku adeega wuxuu helaa kalsooni Umaddeed waana ka qiime weyn yahay inta beenta iyo asaraarka ku adeegata.

Waa ka mas’uulsan yahay inta ku shaqaysa lab lakaca Qabyaaladeed. Wuxuu kusoo baxaa is-reeb reebka xulka Qaranimo, wuxuuna reebaa Magac Taariikhda gala. 

Yaa mooggan in Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmad uu yahay qarandumiye soo hoggaamiyey cadaw burburiya dalkiisa, dadkiisa iyo hantidoodii? Malaha gobollada koofureed oo uu burburiyey kamid ma ahan dalkiisa iyo dadkiisa?

Wuxuu kaloo ku faani jiray, in uu ahaa Ninkii ugu horeeyay oo Soomaali Xabad u qaata, 2006 wuxuu Jowhar ka sheegay in uu 40 Sano Dad Soomaali leynayay. Wuxuu kaloo ku faani jiray inuusan faataxada oo loo maray in uusan Xukunka ku imaanin ee uu Qori caaradiis ku yimid. Maantaynah Xisaabtii uu hormasaday ayuu Illahey la hortaaganyahay. 

Sidoo kale yaa Mooggan Warloorada Niikteynka xiran sida Dagaal-ooge Gaandi oo Qandaraas Qabya ah kasoo qaatay Shirkadaha Shidaalka Qoda ee laga leeyahay Fransiiska iyo Norway inuu Dalkiisa iyo Dadkiisa iyo Hantidoodaba Burburiyo, in uu Barakiciyo 80.000 oo Qoys oo Maantay ku sugan Xerooyinka Dhadhaab.

Labo Sano oo ey Mooryaanta Gaandi ku rafaneysay Degaamadda Jubbada Hoose maxuu Maantay ka hayaa oo aan Guuldaro aheyn. Muxuu Aaqiradiisa Illahey kala hortagi doonaa? Yaa Mooggan in Hubka u xaraysan Cabdirixmaan M. Faroole uu isasiiyey oo uu yahay qalab Qabiil gaar ah u keydsan oo lagu weerari karo hadba cidda la cadawsado? Yaa Mooggan in Faroole uu maagi karo cid alle cidduu doono isagoo adeegsanaya hubka gacanta ugu jira, isagoo hubaynaya ciidan rayad ah iyo kan Puntland oo sita dareyska dawlad-goboleedka Puntland?

Sow Mudane C/raxmaan Faroole ma ahan Ninka ku hamiya inuu soo qarqoorto dhul Galmudug leeyahay oo Shidaalku ku jiro laga soo bilaabo deegaanka xarardheere oo lagu daro Puntland, isagoo damacsan inuu la wareego dekedda Hobyood si Shidaalka halkaas looga dhoofiyo?

Sow Faroole ma ahan ninka u gacantogaalaynaya inuu la wareego aagga Shidaalku ku jiro oo katirsan deegaamada sool iyo Sanaag?

Yaa Mooggan in Cabdiweli M. Caligaas uu yahay beeldaajiye si gaar ah u naasnuujiya beelaha uu ku abtirsado? Bal u kuurgala sida uu tolkiis ugu cadgooyo, dadka kalena uu u qadiyo. Bal arka inta xiirane iyo dhafoor-qiiq uu shaqo dawladeed siiyo ama mashruuc dhaqaale badan leh uu ku gufeeyo?

Cumar Cabdirashiid sow ma ahan ninkii u ololeeyey in laga  tanasulo dhul badeedka aanu badda ku leenahay oo dhan 200 oo nautical miles oo lagu soo koobay 12 mile oo loo bixiyey Exclusive Economic Zone (EEZ)? Si shirkadaha ajnabi ay u dhurtaan shidaalka badaheena ku jira oo aan ciduna cid kale kula xiaabtamin, iyaguna ka qaataan shaxaad joogto ah?

Baarlamaanka ayaa arrintaas ka hortagay oo mooshinkii halkaas baa lagu jabiyey, hase yeeshee Cabdiweli M. Caaligaas kama samrin oo mar labaad buu soo rogaalceliyey oo Baarlamaanka soo hordhigay isla mooshinkii, waana la jabiyey?  

Badanka bulshada Soomaali weyntu waxay qabtaa in Madaxda aanu kor kusoo tilmaanay iyo kuwa ay baalasha ku sitaan ayna ehel u ahayn inay garqaadaan dawlad qarameed ama ay maamulaan Dawladnimo la wadaago. 

Mar labad: Cayda dhaaf, aragtidaadana soo bandhig.

Keydmedia.net


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - ayuub.a.aden@keydmedia.net




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.