Habka loo Daaweeyo Cagaarshawga B | 2

Maxamed Cali Axmed - :: Qeybtii Koowaad ee Qoraalka :: Qoramada Caafimaadka ee had iyo jeeraale aan marba ku soo qaadanno Cudur, ayaan sidii aan hore ugu hadlnay Sokowraga iyo Dhiig karka iyo Cagaarshowga B, waxaan Qormadaan uga Habka loo Daaweeyo Cudurkaas halista leh.
Faallo Keydmedia Online
Habka loo Daaweeyo Cagaarshawga B | 2

Haddaan Qaybtii hore ee Qormada uga soo hadalnay “Waa Maxay Cagaarshowga B? Maxaa keena Cagaashowga B? Waa maxay calaamadaha laguu garto Cagaashowga B? Sidee lagu ogaan karaa Cagaarshowga B? Sidee looga hortagi karaa Cagaarshowga B?” ayaan Qaybtan Labaad oo u dambayn doonta Qormada ku sii dhammaystiraynnaa inta ka harsan Shaxarrxaadda Mawduuca Cudurka Cagaarshawga.

Sidee lagu daweeyaa Cagaarshowga B?

95% Dadka u Infekshanku ku cusub yahay, ayuu nidaam difaacoodu ka takhalusi karaa Fayruska Lix bilood gudaheeda, oo markaa waxaad dhawrsanaan u yeelaneysaa Infekshan mustaqbalka iman kara (sida taxanaha tallaalka oo kale). Waxa jira Daawooyin badan oo la qaddarin doono haddii u Cagaarshowga B ee muddada gaabani u si aan caadi ahayn u noqdo mid daran ama u daba dheerado.

Dadka bukaanka ah ee qaba Cagaarshowga B (loogu yeedho “sideyaasha”) ayaa laga yaabaa inay u qalmaan ka dawaynta haddii Fayrasku firfircoon yahay, oo taasi waxay joojin kartaa is ku gudbinta Fayruska iyo sii burburinta Beerka. Dawooyinka la heli karo waxa ka mid ah: Tenofovir, adefovir, entecavir, telbivudine, lamivudine, iyo pegylated interferons, walibana ku jira isticmaalka aan ugu-talagalaka lahayn ee isku daryada dawooyinka lid-fayrusaadka ah ee xaadirkan loo ansixiyay daweynta HIV.

Kormeer joogto ah ayaa loo baahan yahay marka dawaynta lagu jiro si loo qiimeeyo dareen-celinta, loona maamulo saamaynta soo-raac ah, iyo si loo ilaaliyo iska-caabbiga dawada (mararka qaarkood qaab Fayrus isbeddelay ayaa meesha qabsan doona), iyo si loo ilaaliyo rogaal-celinta (kicitaanka infekshanka) kadib markay dawayntu joogsato.

Ficillada Guud:

Dhammaan Dadka qab Cagaarshowga B ayey ah inay is tallaalaan si ay uga hortaagan Infekshanka Cagaarshowga A, haddii aanay horayba uga badbaadsanayn Cagaarshowga. Baaritaanka joogtada ah ee Kansarka Beerka ayaa waliba lagula talinayaa bukaannada qaarkood. Qof kasta oo leh xanuunka joogtada ah ee Cagaarshaawga, sidoo kale, duritaan hargab sannadeed ayaa lagula talinayaa, iyo waliba tallaalka oof-wareenka 5tii sanaba mar.

Tallaalka Cagaarshowga B:
Waa Waa maxay sababta la isku tallaalayo?

Tallaalka Cagaarshow B ayaa ka hortagi kara Cagaarshow B iyo Natiijooyinka halista ah ee ka yimaada Cudurka Cagaarshow B, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kansarka Beerka iyo burburka Beerka (Cirrhosis). Tallaalka Cagaarshow B ayaa Qofka la siin karaa kaligiis ama loo raacin karaa isla duritaanka tallaallada kale.

Tallaalka Cagaarshow B ee Caadiga ah waxaa loo gartay Mareykanka dadka Qaarkood ee qaan-gaarka ah iyo carruurta laga soo billaabo 1982, Carruurtana 1991. Laga soo bilaabo 1990, cudurrada Cagaarshow B ee cusub ee ku dhaca carruurta iyo dhowr iyo Toban Jirka ayaa hoos uga dhacay in ka badan 95%  iyo illaa 75% kooxaha da




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.