Habow Siyaasadeed iyo Hoggaan la’aan!

Yaxye Xaashi Maxamed — Tan iyo markii talada dalka laga tuuray hoggaankii Kacaanka, dadka soomaalidu waxay raadinayeen, maamul hanta talada dalka. Hase ahaatee, isku day kasta waxaa hor istaagay awoodihii iska soo horjeeday, ee dalka ka jiray.
Faallo Keydmedia Online
Habow Siyaasadeed iyo Hoggaan la’aan!

Shirar badan oo dunida dacalladeeda lagu qabtay iyo heshiisyo badan oo la gaarayba, waxay ku dhammaadeen waxba. Mudda dher kadib, waxaa lagu guulaystay, in la sameeyo hoggaan ku hadla magaca dadka soomaalida. Hase ahaatee, wali laguma guuleeysanin awoodihii iska soo horjeeday in la dhammeeyo. Waana culayska hortaagan maanta maamulka jira, waana culayska ku imaandoona maamulka danbe, haddaba, maxaa la gudboon dadka soomaalida, maadaama dhibaatadu ay 30 jirsad ku sii socoto?.

Waxaa markan habboonaan lahayd arrinta dhan kale in loo wajaho, si looga hortago culays ku yimaada maamulka danbe ee imandoona, sida: 1- In La joojiyo maamulladan is bar bar yaaca ah ee nin waliba jeebka ku sito.  2- In xoogga la saaro hanashada gobollada dalka iyo tuulooyinkoodaba. 3- In ammaanka dalka oo dhan laga hor mariyo wax kasta, haddii intaa lagu guuleysto maamulka barri imaandoonaahi wuxuu heli doonaa meel uu hawsha kasii anba qaado, hadiise lagu guul darraysto muumulkan, ka danbeeyaahi ma imandoono waxayna dadka soomaalidu noqon doonaan, maamullo yar yar oo Itoobiya iyo Keenya hoostaga, sida haddaba ifafaalaheedu muuqdu.

Intaa kadib, waxaan qoraalkaygan ku soo bandhigayaa, dhibaatooyinka laga dhaxlidoono




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.