Hadalkii Madaxweynaha ee Jubbooyinku Ma Gar Ayuu Ahaa, Mise Gar Darro?

By Warsame Gaabane - Soomaalidu waxey leedahey murti badan oo ku saabsan garta, waxaa dhici karta ereygaas Asalkiisi hore in laga keeney in dadka garta gooyaa ahaan jireen dad Odayaal ah oo Rag gar leh. Waxaa kaloo dhici karta in laga wado in Qofku garkiisa u dhiibto dadka kala xakumaya isaga iyo Qofkey is heystaan.
Faallo Keydmedia Online
Hadalkii Madaxweynaha ee Jubbooyinku Ma Gar Ayuu Ahaa, Mise Gar Darro?

Iney garashada iyo garaadka ka soo jeeddana way dhici kartaa.

Haddaba maahmaahyada badan oo garta kus saabsan waxaa ka mid ah:

  1. Gar waa loo Islaam
  2. Gaal dil gartiisana sii
  3. Nin kaligi garramey iyo nin dhul ganey midkoodna ma gefo
  4. Gar darraale ma guuleysto.
  5. Iyo kuwo kale oo badan oon lasoo koobi karin...

Aan garta Ilaahey taqaanna u Bandhigno hadalka Madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu Yiri:

“Marka hore dhulka halla wada qabto oo halla nabadeeyo, meel kasta oo la qabtana hallaga sii dhiso Maamullo howsha sii wada oo Degaankaa. Markii sal muggi loo fariisto oo si miyir ah loo tashan karana dadku haka tashadeen haddey maamullada isku darsanayaan iyo haddii kale. Dowladda dhexena hasii dhammeys tirto sharciyadii federaalka oon hadda Mabda




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.